Daabaco Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji
May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri
Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya
The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |
Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |
Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
Wararkii: July 9, 2007
- Ganacsatada Gobolka Banaadir oo sheegay in ay gebi ahaana Suuqa uga
guurayaan Dowladda Federaalka
- Xaaji Cabdi “waxaan u tanaasulay si loo dhameeyo is jiid-jiidka”
- Salaad Cali Jeele oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Gobalka Mudug
- Guddoomiye ku xigeenkii Yaqshiid oo la dilay
- Beelaha Hawiye oo uu khilaaf hor leh soo kala dhex galay
- Boosaaso:Dad looga shakisan yahay in ay gubaan Guryaha Qoxootiga oo la
qabqabtay:
Ganacsatada Gobolka Banaadir oo sheegay in ay gebi ahaana Suuqa uga
guurayaan Dowladda Federaalka
Iyadoo maalmahan ay baaritaano Ciidamada Dowladda Fedaraalka ka wadeyn Suuqa
weyn ee Bakaaraha oo ay ku soo qabqabteen Hub iyo walxaha qarxa sida ay
sheegeen Masuuliyiinta dhinaca Amaanka ee Dowladda ayaa dhanka kale waxaa
cabasho Xoogan ka soo yeeraysaa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo iyagu sheegay
in Farta-farteysi lagula kacay isla markaana hantidooda la dhacay.
Ganacasatada ayaa sheegtay in gabi ahaanba Suuqa Bakaaraha ka wareejinayaan
Ganacasigooda hadii aan wax laga qaban dhibaatada ay ku kacayaan Ciidamada
Dowladda oo ay ku tilmaameen inay caadeysteen dhaca hantida Dadweynaha
iyagoo ugu soo dugaalaya in ay raadinayaan Hub sharci daro ah. Ganacsatada
Gobolka Banaadir ayaa hoosta ka xariiqay inay hubkoodii ku wareejiyeen
Dowladda sidaa darteed ay Dowladda waajib ku ahayd inay dhowrto hantidooda,
isla markaana ay la socoto howgalada Ciidamadooda ka sameenayaan Suuqa wayn
ee Bakaaraha, Ganacsatadu waxay sheegeen in hanti badan lagala baxay Goobo
Ganacsi ee ku yaala Suuqa Bakaaraha, isla markaana Dadkii lahaa la
handaday, waxayna ugu dambeeyn Ganacsatadu sheegeen inay isaga guurayaan
Suuqa maadamaa xaalka uu sidaan yahay. Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolaka
Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere)
ayaa raaligelin u jeediyey Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, waxa uuna sheegay in
wax laga qaban doono waxyaabaha ay kacabanayaan Ganacsatada Suuqa weyn ee
Bakaaraha isla markaana Baaritaan deg-deg ah lagu sameeyn doono iyadoo cidii
lagu helo falkaasi Maxkamad la soo saari doono, Xaaji Cabdi “waxaan u
tanaasulay si loo dhameeyo is jiid-jiidka”
Shir jaraa’id oo uu qabtay Guddoomiyaha Golaha
dhaqanka Beesha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan ayuu ku sheegay in uu gebi ahaaba
ka tanaasulay go’aankii hore ee ahaa in uusan ka qaybgeli doonin shirka dib
u heshiisiinta qaran ee 15-ka bishan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.
Xaaji Cabdi Iimaan ayaa sheegay in markii uu meelo
badan wax ka fiiriyey uu ka tanaasulay go’aankii hore, isla markaana uu
aqbalay in uu ka qaybgalo shirka dib u heshiisiinta, waxa uuna Xaajigu
sheegay in is jiid jiid wax lagu keeni Karin isla markaana nabad aysan
sidaasi ku imaan Karin, sidaa darteed ay isaga ula muuqatay in dhinac uu
tanaasul sameeyo. “Markii aan fiiriyey xaaladda uu dalka ku jiro maanta iyo
heerka nabad darada ka gaarnay ayaan ka tanaasulay go’aankii hore” ayuu yiri
Xaaji Cabdi Iimaan oo sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Beelaha
Hawiye oo iyagu ka soo horjeeda qaybgalka shirka dib u heshiisiinta, balse
khilaaf yar yare oo jira la xalin, isla markaana iyagana loogu baaqi doono
in ay ka qayb-qaataan shirka dib u heshiisiinta qaran si loo helo nabad
waarta.
Salaad Cali Jeele oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Gobalka Mudug
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Dowladda
Federaalka Salaad Cali Jeele oo dhaawanahan ku sugnaa Maamul Gobaleedka
Puntland ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug kulan kula yeeshay
mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Gobalkaasi.
Salaad Cali Jeele ayaa wararku sheegayaan in uu
mas’uuliyiinta Mudug kala hadlay sidii ay Dolwaddu Federaalka gacan ugu siin
lahaayeen wax ka qabashada Amniga dalka, iyo waliba ka qayb-qaadashada
shirka dib u heshiisiinta qaran ee 15-ka bishan ka furmaya Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa Gobalka Mudug ku
soo dhaweeyey Madax, waxgarad iyo Salaadiin iyo waliba qaybaha kala duwan ee
Bulshada, isagoo meel fagaaare ah kala hadlay dadweynaha Gobalka Mudug, waxa
uuna Salaad Cali Jeele ka codsaday dadweynaha gobalkaasi in ay taageeraan
Dowladda Federaalka, isla markaana ay hantidooda ku bixiyaan sidii ay
Dowladdu awood ugu yeelan lahayd gacan ku qabashada dalka, gaar ahaan
Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan
in Salaad Cali Jeele iyo Lix kun oo ciidamada Dawaariishta Puntland ah
maalmaha soo socda ku soo jeedaan Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenkii Yaqshiid oo la dilay
Waxaa shalay galab koox hubeysani Degmada Yaqshiid
ku dileen Guddoomiye ku xigeenkii Degmadaasi xili la sheegay in uu ku sii
jeeday Gurigiisa.
Guddoomiye ku xigeenka oo lagu magacabi jiray Nuur
Cilmi ayaa dad goob joogayaal ahi waxa ay sheegeen inay dilkiisa gaysteen
kooxo saddex nin ahayd oo Bistoolado ku hubeysnaa, iyagoo madaxa kaga
dhuftay dhowr xabadood, waxaana markii dambe goobtii ka qaaday dad
eheladiisa ah oo ula cararay goob caafimaad, balse waxaa la sheegay in ay
naftu ka baxday, isla markaana dib loogu soo celiyey Gurigiisa.
Allaha u naxariistee Nuur Cilmi ayaa dilkiisa waxa uu ku soo beegmayaa xili
ay Ciidamada Dowladda Federaalka hawlgalo balaaran oo nabadda lagu sugayo ka
wadaan Magaalada Muqdisho, mana ahan markii ugu horeysay oo la dilo mas’uul
ka tirsan Dowladda, iyadoo horey loo dilay dhowr mas’uul oo Guddoomiye iyo
guddoomiye ku xigeeno ka ahaa Dowladda Federaalka, waxaana haatan isa soo
tarataya weerarada lagu hayo Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Ciidamada Dowaldda.
Beelaha Hawiye oo uu khilaaf hor leh soo kala dhex galay
Iyadoo shalay shir uga furmay Hoteelka Lafweyn ee
Magaalada Muqdisho Beelaha Hawiye ayaa haddana waxaa muuqata in shirkaasi ay
ku qaybsan yihiin Beelaha Hawiye, kadib markii laga waayey madashada qaar ka
mid ah xubnaha Beesha Hawiye.
Shirka shalay ka furmay Lafweyn ayaa waxaa ka dhex
muuqday Guddoomiyaha beesha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan iyo waliba Siyaasiga
C/llaashi Sheekh Xasan, iyadoo ay ka maqnaayeen xubno kale oo uu ka mid ahaa
Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali, taas oo la sheegay in
ay ka dambeysay kadib markii ay Beelaha Hawiye ku rayi duwaandeen qaabka uu
shirkaasi u furmayo, iyadoo qaar ka mid ah Beelaha Hawiye ay qabaan in uusan
jirin wax khilaafaad ah oo u dhexeeya Beelaha Hawiye, halka kuwo kalana ay
qabaan in ay jiraan khilaaf u baahan in la xaliyo.
Xaaji Cabdi Iimaan oo isagu sheegay in uu
go’aankii hore ka tanaasulay ayaa sheegay in si dugu dhaqsiyaha badan wax
looga qaban doono khilaaf soo kala dhex galay Beelaha Hawiye, isagoo xiray
in uu si afgaran waa uu jiro, sidoo kalana Axmed Diiriye ayaa isagu sheegay
in uusan wax khilaaf ah oo u dhexeeya Beelaha Hawiye jirin, waxa uuna Max’ed
Diiriye isagu hoosta ka xariiqay in uusan marnaba ka qaybgali dooni shirka
dib u heshiisiinta, waxa uuna Axmed Diiriye ku tilmaamay shirkaasi in uu
yahay mid aan waxba ka soo bixi doonin.
Shirka shalay Lafweyn uga furmay qaar ka mid ah Beelaha Hawiye ayaa ku soo
beegmay kadib markii uu guddoomiyaha Gobalka Banadir Max’ed Dheere uu kulan
la qaatay Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/llaashi Sheekh Xasan, waxaana wax laga
weydiiyey Xaaji Cabdi Iimaan in ay lacago qaateen, waxa uuna xaajigu sheegay
in aysan jirin wax lacag ah oo ay qaateen Beesha Digil iyo Mirifle oo
cabasho u soo jeediyey Max’ed Dheere
Odoyaasha,Culima’udiinka, Waxgaradka,
Aqoonayahanada, Siyaasiyiinta, iyo Dhalinyarada Beesha Digil iyo Mirifle
ayaa cabasha u soo jeediyey Maamulka Gobolka Banaadir, waxayna sheegeen in
ay ka cabanayaan Cadaalad Daro lagu sameeyey Beelaha Digil Mirifle.
Waxgaradkaan oo warqad Qoraal ah na soo
gaarsiiyey ayaa sheegay in dhismaha Gobolka Banaadir iyo Degmooyinkiisa
aysan Beelaha Digil Mirifle ka helin Kaalintii Xaqa u laahaayeen, iyadoo
sida ay sheegeen Beelaha Digil Mirifle si aqlabiyad ah u degan yihiin
Degmooyinka Gobolka Banaadir sida Dharkeynlay, Hodan, Wadajir, Howlwadaag,
Boodheere iyo Wardhiigley.
Waxgaradkan ee beelaha Digil Mirifle ayaa howsta
ka xariiqay in laga soo bilaabo 1960-2001-dii Maamuladii Dalka ka jiray ee
ku laahaan jireen Aqlabiyad wayn, balse Maamulka haatan Gobolka Banaadir la
duudsiiyey Xaqoodii
Waxgaradka ayaa ka codsaday Gudoomiyaha Gobolka
Banaadir inuu mar kale dib ugu laabto dhismaha Gobolka Banaadir isla
markaana cadaalada ku saleeyo waxayna sheegeen in dhaqaalaha Gobolka soo
gala 50% ka timaado Beelaha Digil Mirifle waxayna sheegeen in qayb libaax
leh ka qaateen Nabad galayada iyo Hormarinta Gobolka.
Qoraalkan ayaa waxaa ku saxiinaa Gudoomiyaha Guurtida Digil iyo Mirifle
Malaaq C/kariin Ibroow, Malaaq Bare Cali Maadey, Malaaq C/laahi Idiris
Deeroow, Malaaq Saleemaan Iikoow, Malaaq Saeemaan Aadan Abiikra, Malaaq
Kheeroow Masoose iyo Xibno kale
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Boosaaso:Dad looga shakisan yahay in ay gubaan Guryaha Qoxootiga oo
la qabqabtay:
July 8:waxaa markii 7-aad gubtay 3 Xero oo ay degan yihiin dadka ku soo
bara-kacay gudaha dalka(IDPs) kaas oo aan geysan wax khasaare dad ah,
dhimasho iyo dhaawactoona.
Haddaba , shaqaalaha dab-damiska ayaa shaki ka muujiyey dabkaan soo
noqnoqanaya, kaas oo ah in uu dabku iskiis u kaco marka ay dhacayaan
dabaylaha xagaaga iyo in dad ka ku nool xeryahaas qaarkood dabka
qabadsiiyaan qayb ka tirsan xerada si uu u galaafto dhamaan degmada
qoxootiga.
Waxaa jirta in aysan isku guryo iyo munaafacaad ku haysan xataa kuwa
degan waayo, dadku meel kasta oo uu joogo isku awood maahan ama dhaqaale,
iyadoo ay jirto in ay guud ahaan wada yihiin dad qaxooti ah, ayaa hadana
waxaa jira kuwo ku nool, nolol ka hoosaysa tan kuwa kale ee la nool.
Hay'adaha ayaan wax la taaban karo oo muuqda ka qaban dabka, marka laga
reebo xoogey raashin ah oo ay ugu deeqaan dadka.
Waxaa iyana shaki ka jiraa dabkaan oo galaafta in ka badan kumayaal guri
oo aan haddana cidna wax ku noqon aadna looga digtoonyahay .
Mararka qaarkood ayaa dabkaan kacaa iyadoo aan dabaysha xagaagu dhacayn.
Ciidanka Nabad-gelyada ee Booliiska ayaa ku tuhun san dabkaan in ay ka
dameeyaan shaqsiyaad ka soo jeeda xeryaha qoxootiga ee gubta.
Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2007
|