SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Hab-xisaabeedka Puntland:

Darasaad ay samaysay Qaramada Midoobay (qaybta u qaabilsan Public Financial Management and Good Governance  ) ayaa lagu sheegay Xisaabaadka Puntland mid aan waafaq-sanayn Nidaamka Caalamiga ah, maalin dhoweyd ayey ahayd markii Golaha Wakiilada Puntland uu diiday in uu ansixiyo  Xisaab-xirkii 2006. Haddaba  warbixintii QM ay ka qortay hadda ka hor Xisaabaadka DGPL ayaa  waxaa soo turjumay,wariye. Maxamuud Cumar Bille.
 
Golaha Wakiilada  DGPL oo dib u ceshay Xisaab-xirkii miisaaniyada DGPL ee 2006
waxayna soo jeediyeen in loo-yeero Isimada DGPL...
Hab-xisaabeedka Puntland ayaa ku salaysan kii hore ee ay isticmaali jirtay Dowladii burburtay ee Jamhuuriyadii Soomaaliya, waana mid gaboobay marka loo eego nidaamka caalamiga ah ee loo sameeyo xisaab-xirada iyo dejinta miisaaniyadaha caalamka ee maanta. 
 
Waxaa ka muuqda habkaan xisabaadka, sida diyaarinta miisaaniyada, fulinta miisaaniyada, waajibaadka xisaabiyaha guud ee Dowlada, waajibaadka Hanti-dhowrka guud ee dowlada, iyo Guddiga daba-galka/dhaqaalaha ee GW (Accounts committee or oversight committee) marka ay Wasaarada Maaliayadu samaynayso Miisaaniyada ayaa moodaa  sidii dowlad caalami ah,basle waa oo kaliya magac u yaal marka laga eego dhankasta waa sida ay u qorataye QM. 
 
Puntland waxay leedahay Bangi u shaqeeya sida Bangiga dhexe ee dowlada iyo Bangiga Ganacsiga, wuxuuna waafaq-san yahay kii hore ee Soomaaliya amaba DFKMS ee hadda isticmaalaysa Axdiga Ku-meelgaarka ah oo DGPL ay qayb ka tahay.
Puntland waxay qaadaa canshuuraha, iyadoo isticmaalaysa habkii canshuur qaadista ee gaboobay. 
 
Waxaa jira Gole Baarlamaan kaas oo ansixiya miisaaniyada. Puntland ma laha sharci laysku halayn karo oo canshuurta loo qaado, waxayna isticmaalysaa nidaamkii gaboobay ee dowladdii hore ee Soomaaliya kaas oo aysan fahan sanayn  ganacsatada cusub lana jaan qaadi karin maadaama dalku burbur ku jiray muddo 16 sanno ka badan. 
 
Miisaaniyada waxaa loo soo gudbiyaa GW kama dib dhici karto 30-November, waxayna Goluhu ansixiyaan miisaaniyada 31 December ee sanad xisaabeedka bilaabmaya 1/January. 
 
Puntland waxay leedahay khayraad kooban sida canshuurta ka soo xaroota dekada Boosaaso oo lagu bixiyo mushahaaraadka shaqaalaha iyo amniga iyo sidoo kale  garoomo sida Boosaaso iyo Gaalkacyo. 
 
Miisaaniyada Puntland waxay ku baxdaa amniga 80%.
 
Puntland: ma jiro sharci si dhab ah u qeexaya shaqada Hanti-dhowka guud, waloow waajibaadkiisa shaqo iyo xaquuqdiisu ay qayb ka tahay sida ku cad Hab-xisaabeedka DGPL, Khasnada dowlada waa mid u shaqaysa sida caalamiga ah ee aduunyada kale, haddana waxaa ka jira shakiweyn habka loo maamulo iyo xisaab celinta warbixinada khasnada ee la soo gudbiyo.
 
Puntland waxaaa  miisaaniyada oo ku salaysan Cash ama cadaan  loogu  fasaxaa  madaxyada dowlada si bille ah. 
 
dhamaan kharashaadka waxaa maamula Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyadda.
 
Xisaabiyaha Guud ee dowladu wuxuu  xafidaa buugta ama Akoomada dhamaan wasaaradaha dowlada, waajibaadkiisuna waa diyaarinta akoomada dowlada oo ku salaysan Cadaan(Cash Basis) wuxuuna soo rogayaa buug baalal waa weyn oo ay ku qoran yihiin lacago wada siirooyin waa-weyn ama badan wata sida Billions, Millions iyo Thousands, kuwaas oo aan ahayn wax standard ah ama la fahmi karo, marka laga reebo dadka ku lugta leh, qaab-xisaabeedka Puntland. 
 
Xisaabaadka /Maaliyada waxaa ku lifaaqan dhamaantood cadaymaha kharashaadka baxay iyo wixii la helay(Cash Receipts and Payments , and Budget reports).
Xisaabiyaha guud ayaa laga rabaa in uu u gudbiyo xisaab-celinta dowlada H/dhowrka Guud muddo 3-bilood gudaheed ah, Maarso 31 dabaadiga sanadka,
Sidoo kale H/Dhowrka Guud ayaa laga rabaa in uu fududeeyo Xisaabaadka(Tabulation and Presentations) una gudbiyo Guddiga Daba-galka ama Dhaqaalaha ee GW-da 30-ka Juun.

Guddiga Dhaqaalaha ayaa sii fududeeya xisaabaadka ka dibna horkeena Golaha iyagoo soo raaciya wax loo yaqaan warbixin  Tix-raac ah(Reference Report).
 
Dadka ka shaqeeya Wasaarada Maaliyada ee DGPL ayaan dhamaantood aqoon u lahayn waajibaadka laga rabo ee shaqo, waxayna isugu jiraan dadkii hore oo aan la socon hab-xisaabeedka caalamiga ah(The International Public Sector Accounting Standards). Iskaba daa isaga in ay xataa fikrad ka haystaan Hab-xisaabeedka caalamiga ah ee loo isticmaalo Computers-ka, ee loo myaqaan
Integrated Financial Management Information Systems(IFMIS) taas oo looga soo gudbay Manualskii, ama habkii gacanta lagu samayn jirey xisaabaadka.
 
Sidoo kale, dadka aqoonta u leh xisaabaadka caalamiga ah waxay u shaqeeyaan dhamaantood hay'adaha waayo Puntland ma siin karto mushahaar ku filan.
 
Dhibaatooyinka kale ayaa waxaa ka mid ah, in aan laysku halayn karin xisaab gacanta lagu qoray oo aad u fara-badan. 
 
Hab-xisaabeedka Puntland oo dhan waa mid aan lagu qanci karin waayo ma waafaqsana hab-xisaabeedka caalamiga ah. 
 
Sidoo kale, H/dhowrka Guud ayaan u shaqayn sida uu qabo xeerka caalamiga ah ee INTOSAI(Internariional Organization of Supreme Audit Institutions).
 
Habka loo yaqaan Procurement-ga ayaa ah mid uu maamulo xafiiska Madaxweynuhu.

waana mid gaboobay oo laga soo dhiraan-dhiriyey kii hore ee Soomaaliya.
Sidoo kale Guddiga loo yaqaan(Central Tender Board, gelista Qandaraasyada Dhexe ayaa waxaa maamula Wasiirka Maaliyadda).
 
Ma jiro nidaam lagu ilaaliyo xisaabaadka gudaha(Internal audit) ee waaxyaha wasaaradaha, marka laga reebo waxa loo yaqaan Xisaabiye Idman oo aan nidaam sax ah oo cad ku shaqayn balse inoo kala tuur ku shaqeeya.  
 
Waxaa kaloo jira in dadka ka shaqeeya Wasaarada Maaliyada ay ku yimaadeen Hab-Garabsi ah oo aysan aqoon u lahayn Nidaamka Xisaabaadka, Waxaa sidoo kale la xusi karaa in Shirkadaha Gaarka loo lleeyahy sida STG, Golis IWM ay isticmaalaan nidaamka Xisaabaadka ee Caalamiga ah marka loo eego Wasaarada Maaliyada ee DGPL.

Waxaad sidoo kale arkaysaa qof, sida gabar ama wiil dhex fadhiya xafiis aad u qalabaysan oo qurux badan  aanse lahayn  haddana  hab uu kula xiriiro karo bulsho aqoon leh amaba aan qori karin waraaq Memo ah(Poor or Nill Communication and Unfamiliarity of Source of Documents).
 
Miisaaniyada ayaa marta Tubtaan:
 
1. In marka hore loo dejiyo qorshe, si loo waafajiyo ujeedada dowlada loona siiyo muhiimada sida ay u kala mudan yihiin barmaamijyada wax laga qabanayo.

2. In Golaha Wakiilada loo gudbiyo si ay u ansixiyaan
 
3. In wasaarad kasta loo qoondeeyo inta ay isticmaalayso waxaana reeban waxa loo yaqaan(Over or Under Expenditure oo ah midka hadda dhaliyey muranka iyo sababta loogu laaday Xukuumada Xisaab-xirkii miisaaniyada.
 
4. Xisaab-Celinta ayaa jirta, balse waxaa dhacda inta badan in layska soo gudbiyo
iyadoo aan lagaba fiirsan.
 
5. Daba-galka si loo ogaado in looga faa'iidaystay miisaaniyada ujeedooyinkii laga
lahaa, isla markaasna ay ka madaxbaanaan tahay Musuq-maasuq iyo Maamul-xumo.
Xisaab-xirka Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka duwan kan DGPL  , wuxuuna waafaq-san yahay kan caalamiga ah ee ay isticmaasho dunida horu martay, inkastoo aysan ahayn dowlad la aqoon-san yahay taas ayaana ku noqotay dhibaato weyn.
Waxaa yaab leh in Miisaaniyada DGPL ay tahay  mid aan danaynayn barmaaminyada arimaha bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.
 
 
Waxaa qoray Qaramada Midoobay waxaana turjumay Wariye: Maxamuud Cumar Bille
Email: mcbille@hotmail.com

Golaha Wakiilada  DGPL oo dib u ceshay Xisaab-xirkii miisaaniyada DGPL ee 2006
waxayna soo jeediyeen in loo-yeero Isimada DGPL...

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com