SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CASMARA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 


Date: _07_/07_/07
Asmara – Eritrea

Baaq: Dagaalka Gumeystuhu ku hayo Diinta Ummadda Soomaaliyeed

Ku: dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Og: Shucuubta Islaamka 

Waxaa isi soo tarayay ilaa maalintii uu gumeytuhu qabsady dalkeenna gaboodfalada loo gaysanayo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, kaasoo ay u horeysay xasuuqa lagu hayo dadkeenna, barakicinta qorsheysan, xarig wadareedka iyo siyaabo ciqabeed kale oo badan. 

Si kastaba ha ahaatee waxaa arimahaas fuuqsaday xadgudubka lagu hayo diiinta umadda Soomaliyeed, oo markii lagu soo xasuuqay guryihiii, jidadkii, rugihii ganacsiga, goobihii tacliinta, looga daba yimid masaajidadii iyo meelihii ay ku cibaadeysanayeen. 

Uma horeynin xad-gudubyada loo geysanyo diinta umadda Soomalaiyeed falkii shalay oo taariikhdu aheyd 5-7-2007, ka dhacay Masaajidka weyn ee Abuu-hureyra oo lagu hareereeyay taangiyo iyo hub kale oo culculus, dad u tukanyay Allahooda, lagana kaxeystay boqolaal aan wax danbi oo ay geysteen la arag in ay tukanayeen maahane .(وما نقموا منهم إلا أن يؤمنوا بالله العزيز الحميد) 

Waxaa ka horeeyay oo ciidamada gumeysigu ay falal diinta liddi ku ah ka geysteen, masaajidyo ka badan 70 oo ay  ku baabi’iyeen weerarkoodii gardarada ahaa oo ay dalkeenna ku soo qaadeen, iyo tiro dhan 8 masjid oo ilaa maanta aan lagu tukan, ayagoo ka dhigty baro-ciidan, una isticmaala falalkooda xunxun, waxaana ka mid ah masaajidadaas masaajidka Sh. Cabdi Shiikhaal ee ku yaalla isgoyska Cali Kamiin ee dagmada Wardhiigleey. 

Falalkii ugu foosha xumaa waxa ay ka geysteen masaajidka Ramadaan ee ku dhegan hotel Ramadaan oo ay ku shubeen musqulaha masaajidkaas wax allaale iyo wixii kitaab Qur’aan yaalay, isagana tireen saxarada, kuna qoreen darbiyada masjidka waxaa guuleystey mactabka (Ilaaheyse waa ogyahay in Nabi Ciise falalkaas bari ka yahay), sidoo kale waxa ay falalkaas kuwa la mid ah ka geysteen oo ay culumadii umadda ka aruuriyeen masajidka Al-hidaaya ee culimada tabliiqa iyo masaajid kale eek u kala taalla Buurhakaba, Balcad, Gaalkacyo iyo gooo kale, mana noqon doonaan falalkaasi kuwa istaaga inta gumeystuhu heysto dalkeenna. 

Walaalayaal hadii aan aragnay wixii u qarsoonaa gumeystaha iyo dabadhilifyadiisa waxaa nala gudboon in aan fadhiga ka kacno inta aan sidii Harar masaajidadeeda kaniisadaha loogu badalay aysan ka dhicin dalkeena iyo magaalooyinkeenna. 

Waxaa dhici karta in dad badan oo Soomaali ah aysan ogeyn in kaniisadda ugu weyna magaalada Harar ay aheyd maalin maalmaha ka mid ah masaajidkii muslimiinta ugu weynaa, waxaana hubaal ah hadii aan muqadasaatka ilaaheey u hiilin weyno in ay dhacayaan wixii ku dhacay qowmkaas. 

Maxaa diidaya hadii shalay ay u rogeen masaajiddii kaniisad in maatana ay mar kale u rogaan, hadii aysan arag dad difaacanaya diintooda oo aan aqbali Karin ayagoo aduunyada korkeeda saaran in diinta ilaaheey wax loo dhibo. 

Walaalayaal in badan oo wax ma garato Soomaaliyeed ah ayaa gumeystaha ugu gagaareysa falalkiisaas, kuwaas oon kala saari karin danaha gumeystaha looguna sheekeeyaya waxa aan idiin qabneynaa xukunka Soomaaliya, waxaa in la weydiiyo mudan kooxdaas ma wuxuu ahaa heshiiskii ay gumeystaha la soo galeen in ay la baabi’yo wax allaale iyo wixii tusaale u ah umadnimo Soomaaliyeed oo ay u hoersyo diintu, kuwaasi ilaaheey agtiisa iyo umaddaba waa uga danbi badanyihiin gumeystaha, maxaa yeelay waa ayaga kuwa ku soo hogaaminaya cadowga goobaha cibaadada. 

Walaalayaal aayadaha ilaaheey wax ay noo sheegayaan in waxa cadowgu noo maaganyahay ay ka weyn yihiin wax aan arkeyno oo ay noo muujinayaan                 (وما تخفي صدورهم أكبر), marka waxaa nala gudboon in aan diinta ilaaheey u dhiidhino intii aan masaajidada ka carari laheyn si aan naloo qabqaban. 

Waxaad ogtihiin weerarka ay Xijaabka gabdhaha Muslimaadka ah ku qaadeen, hadana waa masaajiddadii, ka horna waxa ay aheyd goobaha gancsiga,tacliinta, guryaha, abooyoow xaggaa noo laaban oo aan ku marmarsiyoon doonaa, in markii la taabto aan xanaaqi doonno, hadii aysan jrin meel aan ku nabad galeyno oo ka mid ah dalkeenna.  

Soomaaliyeey manta waxaan heysannaa fursad taariikh ah oo aan ku wiiqi karno awoodda cadowgii boqolaalka sano duulaanka nagu ahaa, oo noo diiday harsimo iyo hoyaad, haddii maanta Itoobiya lagu jabiyo dalkeena waa fursada kaliye ee ay ku dhismi karto dawlad Soomaaliyeed oo ka madax banaan faragalinteeda, ogaadana wax aan loo dhibaatoon lama dheefsado, hana rajeynina anagoo guriyaheenna fadhina in Itoobiya ay iska tagto. 

Waxaan bogaadin iyo dhiira galin u soo jeedineynaa Mujaahdiinta u soo jeeda har iyo habeen ilaalinta diinta, dadka iyo dalka, waxaana ilaaheey uga baryaynaa in uu xoojiyo kooda tabarta daran, caafiyo kooda dhaawacan, quudiyo kooda baahan, aqbalana kooda shahiiday, waxaanna kula dardaarmaynaa in ay ku sii wadaan cadowga xanuujinta ay ku hayaan. 

Walaalayaal daba-dhilifyadii cadowga waxa ay bilaabeen markii ay waayeen meel ay galaan in ay umadda isugu dhuftaan beelo, taasna waxaa daliil u ah:

  1. Ayagoo dadkii Soomaaliyeed isugu diraya qabiil-qabiil, waxanna marqaati u ah hadaladii ka soo yeeray qaar ka mid ah u deegayaasha cadowga.
  2. Ayagoo ku bilaabay in ey laayaan shaqaalahoodii una dilaan aano qabiil iyo aargoosi.

waxaan umadda ku waaninayaa in aysan dhag u dhigin cabaadka ka soo yeeraya daba-dhlifyada iyo u-adeegayaasha cadowga, una beer dulcin qeyladooda beentaa. 

Xadgudubyadaan  ay labadaan bari wadaan waa isku daygii ugu danbeeyay oo ay ku rabaan in ay dadka ku siraan , yiraahdaana magaladu waa nabad, waana lagu qaban karaa shir ku sheegga ay wadaan, dhammaan umadda waxaan uga digeynaa in aysan ku dhicn shirqooladaas, loogu adeegayo cadowga umadda iyo diinta, lagana fogaado goobaha lagu qabanyo shir-kusheegaas iyo dadka abaabulayaba. 

Ugu danbeyntii walaalayaal guushii waa dhowdahay yuusan idin cabsi galin rafashada cadowga iyo daba-dhilifyadiisa, madaxda cadowga ayaa qirataya xanuunka ee aan adekysano wax yar si aan u gaarno guul kama danbeys ah. 

Wallaahu akbar walcizatu lil-mujaahdiin 

(ولا تهنوا ولا تحزنوا وأنتم الأعلون إن كنتم مؤمنين. إن يمسسكم قرح فقد مس القوم قرح مثله                                                                                               

Walaakiin

Sh Shariif Sh Axmed

Gudoomiyaha GMIS

Waxaa soo tebiyey:
Odowaa | odowaa@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com