SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Baaqa adkeynta mabaadi’da iyo mawaaqiftii hore ee odoyaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed

Ku: Odoyaasha Dhaqanka Beesha Hawiye

Ku : Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed 
Ku: Umadda Soomaaliyeed
 

Mahad ballaaran Allaah ayey sugnaatey , nabadgalyo iyo naxariisna nabigeenii Muxammad dushiisa ha ahaato iyo inta raacdey ee dariiqiisa ku taagan. 

Intaas ka dib GMIS wuxuu bogaadinayaa kaalinta muuqata iyo tallaabada geesinimada leh ee odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa beesha Hawiye  ay ka qaateen halganka lagula jiro cadowga dalka qabsadey iyo dababdhilifyadiisa  

Odoyaasha dhaqanku waxey inoo yihiin qeyb muuqata oo xoogagga wax iska caabinta ka mid ah , sidaasaana weli GMIS aaminsan yahey , waxeyna naga mudan yihiin ammaan iyo kalsooni , waxeyna ahaayeen kuwii marxaladii ugu darneyd ee uu cadowgu qabsadey dalka gaashaanka u daruurey dhammaan qorshayaashii guracnaa ee gumeystuhu watey , waxaana geesinimadooda laga dhaxley in halgankii weli baaqi sii ahaado , cadowgiina ay u hirgeli waayaan isku dayadiisii foosha xumaa uuna ku sugan yahey waqtigii uu ugu liitey inta uu Soomaaliya joogey, taasoo u baahan in la sii mitido oo aan laga leexan wadada saxdaa ee lagu difaacayo sharafta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.  

Sida aan u aragno odoyaasha dhaqanka beesha Hawiye waxey huwan yihiin magacii umadda Soomaaliyeed inta neceb gumeystaha , sidaas ayeyna taageerada iyo magacaba ku heleen , waxaa jira kuwa iyaga la mid ah oo aan wax magac iyo maamuus ah ku laheyn bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda oo laga yaabo in ay yihiin danbiilayaal qaran , marka waxaan xusuusineynaa odyaashaas in ay dhowrtaan magacaas ay ku kasbadeen mawaaqiftooda geesinamada leh ee ay qaateen , waana iney ogaadaan iney taariikhda baal dahab uga jiraan illaa iyo hadda , waxa ay sharaftaas ku heleena ay tahey mabda’a suuban ee gumeysi naceybka ah ee ay doorteen, loogana sii baahan yahey iney ku dhegenaadaan mabda’ooda oo aysan ku dhaqaaqin wax allaale wixii safka kala geyn kara , codowgana fursad uu ku sii joogo dalka siin kara. 

Walaalayaal sida aad ka wada dharagsan tihiinba wadada lagu xoreynayo dalkeena waa dheer tahey , waana dhib badan tahey , waxeyna leedahey dhimasho, dhaawac, barakac ,burbur iyo kala harid ay kala haraan dadkii safka ku wada jirey . dhamaan arimahaas waxaa ka danbeyn  doona insha allaah neecawda xoriyadda iyo sharafta umadda , sidaas awgeed waa in lagu sabraa  dhibaatooyinka iyo xanuunada idinka soo gaaraya jidka gobonimodoonka iyo dib-u-xoreynta dalka Soomaaliyeed, maantana lama joogo waqti mawaaqiftii sharafta laheyd ee la idinku yaqaaney aad badashaan, isla markaana  ma jirto sabab keeneysa in la bedelo .  

Waxaan sidoo kale xasuusineynaa odoyaasheena dhaqanka in dabadhilifyada iyo gumeystuhu aysan waxba ku kala duwaneyn, qorshayaasha ay soo bandhigayaan kuwa dabadhilifka ah waa kuwo ay soo hindiseen oo ka soo maaxdey maskaxda jirran ee gumeystaha Tigreega , waana kuwa loogu daneynayo in cadowga dalka loo sharciyeeyo, waxaana idinku sii adkeyneynaa inaydaan ka weecan mawqifkiina ahaa iniinan wax wadahadal ah la furin kooxda dabadhilfnimada ku caan baxdey ee gumeysiga dalka soo galisey, mana ahan kuwa go’aan ka gaari kara arimaha dalka , maantana wuxuu loolanku u dhaxeeyaa mujaahidiinta halagamaya iyo cadwoga Tigreega iyo waxa uu wato. 

Walaalyaal musiibooyinka heysta umadda Soomaaliyeed ee uu cadwoga gumeystuhu u geysanayo waad la wada socotaan , hagardaamooyinka uu ku kala dhantaalayo inta isku fikirka ah ee halganka iyo dagaalka kala soo horjeedana waa noocyo badan yihiin, marka ay waddo ka soo xirantaba waxey idinka soo galayaan mid kale , waxey dhagarahooda ka dhigayaan malab iyo macaan , waxeyna uga gol leeyihiin in la dhiciseeyo halganka hubeysan ee ka dhanka ah gumeystaha iyo dabadhilifyadiisa , loona googol xaaro in gumeysigu si dhab ah ula wareego dalka Soomaaliyeed. 

Gabagabadii waxaan ugu baaqeynaa odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed meel ay joogaanba iney horseed ka noqdaan dagaalka jihaadka ah ee cadowga soo duuley lagula jiro , uguna yeeraan dhammaan beelahooda iney hubka qaadaan  una dagaalamaan sidii sharafta iyo xoriyadda umadda Soomaaliyeed loo soo celin lahaa  waana wadada kaliya ee maanta u furan qof kasta oo mujatmaca Soomaaliyeed ka mid ah magaca iyo mansabka uu rababa ha watee , waxaana la joogaa waqtigii la guran lahaa miraha halganka socda, ee lama joogo xilli loo dhaga-nuglaado hagardaamooyinka guraccan ee gumeystayaasha iyo taboohooda beenta ah, cadowgiina sida uu afkiisa ka qirtey waa xanuunsadey waana in lagu sii wadaa waxa uu ka xanuunsadey oo aan loo jixin jixin cabaadkiisa . 
 

Waxaan ku soo xirayaa baaqaan anigoo ugu yeeraya nafteenna iyo tiinaba iney ku fakaraan aayadda qur’aanka ah ee uu Allaah ku leeyahey: 
 

"إن تكونوا تألمون فإنهم يألمون كما تألمون وترجون من الله ما لا يرجون "  . 
 

Walaalkiin

Shiikh Shariif Sh.Axmed

Guddoomiyaha

GMIS

Waxaa soo tebiyey
Odowaa | odowaa@gmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com