SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

Golaha Wakiilada  DGPL oo dib u ceshay Xisaab-xirkii miisaaniyada DGPL ee sanadka 2006 soona jeediyey in loo-yeero Isimada DGPL.
 
Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa afkaaro guud oo xamaasadi ku jirto ka soo jeediyey Xisaab-xirkii sanadkii 2006.
 
Goluhu waxay aad uga hadleen ku dhaqan la'aanta miisaaniyada, sicir bararka iyo ixtiraam la'aanta ka haysata waxa ay kula taliyaan Xukuumada oo aan dheg u jalaqsiin, iyagoo isku raacay in si dhab ah loola xisaabtamo Golaha Xukuumada oo ay sheegeen in ay ku tunteen dastuurkii dalka 75%, sawaxanka ayaa isqabsaday Hoolka shirarka Golaha Wakiilada ka dib markii Guddiga Dhaqaalaha oo uu gudoomiye ku-xigeenku, Axmedbarre Siciid Muuse soo hordhigay qodobo badan oo lagu tuntay isla markaasna ka hor akhriyey qoraalkii ay soo diyaariyeen Guddiga Dhaqaaluhu.
 
Dood kulul ka dib ayey goluhu isku raaceen in cod loo qaado..
  • Waxaa fadhiday Hoolka 47 xildhibaan.
  • 16 waxay u codaysay in la fasaxo miisaaniyada.
  • 25 waxay u codaysay in dib loo celiyo oo waxay ku codeeyeen (MAYA).
  •  Halka 6 xildhibaana ay ka aamuseen.
  • Tirada Xildhibaanada DGPL waa 66 balse maanta waxaa maqnaa 19 xildhibaan,
  • Gabdhuhu waa 5 inkastoo ay 2 keilya soo xaadireen.
Goluhu waxay sidoo kale soo jeediyeen ka dib markii Golaha Xukuumadu maqli waayey soo jeedintooda , shacabkuna ay dhaliil u soo jeediyeen in ay iscasilaan ama arinta farta ka saaraan Issimada DGPL oo  taloodada lagu soo dhisay Puntland 1998.  Sida la wada ogyahay DGPL ayaa wuxuu ku dhisan yahay wadatashi.  
 
Hoos ka akhri xisaab-xirkii  ay soo gudbiyeen Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiilada oo uu ka hor akhriyey golaha Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha, Mudane.Axmedbarre Siciid Muuse. 
 

DAWLAD G. PUNTLAND PUNTLAND STATE

EE SOOMAALIYA OF SOMALIA
Golaha Wakiillada Representative Council

Xafiiska Guddiga Dhaqaalaha GW
______________________________

Ref:- XGDH/GW/DGPL/ /2007 01/07/2007
 

Ku:- Golaha Wakiillada DGPL Garoowe

Ujeeddo:- Warbixinta Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2006

Mudanayaal,

Sida aad ka war-qabtaan Xisaab xirka Miisaayadda 2006, kama duwana kuwii ka horeeyey sanadihii tegay waxaana sababay inaan lagu dhaqmin Miisaaniyadda la dejiyo sanad walba.

Markaan dib u eegno warbixinnadii Guddiga Dhaqaalaha ee Xisaab xirkii 2005 iyo 2006, waxaan ku muujinay sida Dakhliga la helay loo kala qaybiyey, mar kastana waxaa muuqday kharash dheeri ah oo madaxyo gaar ahi gelayeen iyo Mushaharooyinka oo maqan, taas oo aan weli xal loo helin.

Tusaale

Sanadka Lacagta Dheeriga ah la isticmaalay  Mush. & adeega maqan

2005 65,624,901,075 = 69,993,760,630

2006 86,265,015,807 = 36,963,601,605

NB:-

Faahfaahinta sida kharashka loo qeybiyey ka fiiri lifaaqa warbixintan ku xidhan eeg bogga Lr:- 1.4

Haddii aan wax yar ka niraahno xagga Dhakhliga sanadkii tegay ee 2006 waxa la helay Dakhli dheeri ah oo dhan 50,072,185,532, taas oo inteeda badan ay soo xeraysay Wasaaradda Maaliyaddu lana oran karo dedaal ayey muujisay, hase yeeshee waxa jira Wasaarado & Hay'ado qoondadii lagu qorsheeyey ka gaabiyey iyo kuwo aan waxba soo xerayn, taas oo la oran karo waxay mudan yihiin Dhaliil..

Wasaaraddaha & Hay'adaha ka gaabiyey qoondadii looga baahnaa waxay kala yihiin.

  • Laanta Socdaalka (Immigration)

  • Wasaaradda Hawlaha Guud Qeybta Duulista Hawada

  • Wasaaradda Hawlaha Guud Qeybta PRA

  • Wasaaradda Warfaafinta

  • Garsoorka

Mudanayaal,

Waxa beryahan dambe aad sare ugu kacay sicir barar ay sababeen lacago soo galay P/land, kuwaas oo dalka iyo Debeddaba ka yimid, taas oo dhibaato weyn ku haysa dadka dan yarta ah una baahan in xal degdeg ah loo helo,

Inkasta oo Madaxweynuhu Dekreeto ka soo saaray arrintaas qiimana u jaan-gooyey Sarifka lacagaha adag, haddana taasi waxay dhalisay kor u kac xagga sarifka ah.

Haddaan yar iftiimino sida ka muuqata Xisaab xirka Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda iyo xogta H/Dhowrka guud waxa ina soo galay lacagaha la daabacay oo dhan sh so. 41,630,542,158 waxa Miisaaniyadda lagu kabay lacag dhan sh so. 9,590,000,000, halka lacagta inteeda kale oo dhan sh.so 32,040,542,158, ay toos ugu baxday amarka Madaxweynaha sida ku cad warbixinta H/Dhowrka guud iyo curaaraha ay Wasaaraddu soo qortay.

Mudanayaal,

Waxan idin xasuusinaynaa in ay jiraan curaaro ay Wasaaradda Maaliyaddu u qabato hey'ado lacago qaada, kuwaas oo aan wax Xisaab celin ah lahayn, lacagtaas oo wadarteedu dhan tahay sh.so 52,527,218,561, waxay u baahan tahay in Golaha Wakiilladu dib u eego Go'aanna ka gaaro sidii loo waafajin lahaa qaab xisaabeed Maaliyeed (transparency)

Mudanayaal,

Waxaa xusid mudan in lacagtii ay ballan qaadday Shirkadda (Range resources) ee sahaminta iyo soo saarista shidaalka & Macdanta oo dhamayd bishiiba $ Us 200,000 aanay ka muuqan Dakhliga 2006, isla markaana meesha kharash ahaan ay ku baxday muuqan.

Mudanayaal,

Marar badan waxan ku dedaalnay sidii ay suurta-gal u noqon lahayd in lagu dhaqmo Miisaaniyadda, loona ilaalin lahaa Shuruucda Maaliyadeed, kalfadhigii 16-aad ee Golaha Wakiillada waxan xarunta ugu yeernay Golayaasha Dawladda oo dhan, Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenkuna waxay ballan qaadeen inay siday tahay u ilaalinayaan Miisaaniyadda kuna dhaqmayaan, balse arrintaas waa lagu hungoobay.

Mudanayaal,

Si loo helo Mushaharooyinka had iyo jeer maqan waxay u baahan tahay in lagu dhaqmo Miisaaniyadda taas oo u baahan dedaal wada jir ah oo ay sameeyeen Golaha Wakiillada, Golaha Xukuumadda, Wasaaradda Maaliyadda & Hanti-dhowrka guud.

Waxaa inta badan sababa in Miisaaniyadda lagu dhaqmi waayo waraaqaha fadlanta ah ee ka soo baxa Madaxtooyadda, kuwaas oo haddaan la jooojin ayan suurtagal noqonayn in Miisaaniyaddu shaqeyso.

Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in Goluhu arrinkaas Go'aan kama dambays ah oo waafaqsan shuruucda Maaliyadda ka gaaro.

Waxan Golaha Wakiillada DGPL mar kale u soo jeedinaynaa inay ka taliyaan sidii laga yeeli lahaa ku dhaqan la'aanta Miisaaniyadda, maadaama isku dayadii hore ee Goluhu guuleysan waayeen.

Wabilaahi Towfiiq

Saxiixa Guddiga Dhaqaalaha GW
 

  1. Xil:- C/rashiid Maxamed Xirsi Guddoomiye ________________

  2. Xil:-Axmedbarre Siciid Muuse ku xigeen __________________

  3. Xil:- Maxamed Cali Guuleed Xubin _______________________

  4. Xil:- Sheybe Shiikh Maxamuud Xubin ____________________

  5. Xil:- Cali Saxar Guuleed Xubin ________________________

  6. Xil:- C/rashiid Xasan Firdhiye Xubin ___________________

LIFAAQ

Madaxyada Dheeriga Isticmaalay ama in ka badan intii miisaaniyadu u qorsheysay.

1.1.0 Madaxtooyadda 1.678.515.600

1.3.0 Maaliyadda 11.422.281.634

1.3.0B Kharashka Guud 73.164.218.573

Wadar Guud 86,265,015,807

Madaxyada/Hay'adaha Dowladda ee Lacagtu ka maqan  / Wax ka Maqan Yihiin

  • 1.1.0B Daraawiishta                           18.876.080.570

  • 1.1.0T H/Dhowrka Guud                    108.401.465

  • 1.1.0J Garqaanka Guud                     40.553.000

  • 1.1.0X PSS                                         400.167.000

  • 1.2.0 G/Wakiillada                             950.771.400

  • 1.4.0 Arrimaha Gudaha                      692.702.450

  • 1.4.0B Booliska                                 8.842.741.500

  • 1.5.0 Arrimaha D/ & Caddaaladda    206.192.000

  • 1.5.0B Garsoorka                              587. 235.750

  • 1.5.0T Ciidanka Asluubta                   215.279.000

  • 1.6.0 W/XX/B & Deegaanka              276.160.550

  • 1.7.0 H/Guud & Duulista                   1.477.543.695

  • 1.8.0 Caafimaadka                            1.016.934.750

  • 1.9.0 W/Kall & Dekedaha                 237.271.850

  • 1.10.0 Qorsheynta                            417.976.350

  • 1.11.0 Ganacsiga                             225.464.650

  • 1.12.0 Waxbarashadda                   1.224.561.125

  • 1.13.0 Sh/Sh/isbor.& Dhalinyarada  424.843.900

  • 1.14.0 Warfaafinta 220.609.350

  • 1.15.0 W/D/hoose & H/Gobollada   278.867.000

  • 1.16.0 Haweenka & Arri/Qoyska    243.244.250

Wadar Guud 36.963.601.605

________________________________

86,265,015,807 36.963.601.605
 

49,301,414,202
 
 

Amoore-Garoowe-Puntland.


Wararka PL:

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com