SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warar: July 3, 2007

  • Maxay tahay sababta uu u baaqday shirweynihii Beelaha Hawiye

  • Meles Zenawi oo lagu cadaadinayo in dib ugala soo baxo Ciidamadiisa Soomaaliya ku sugan.

  • 3-kun oo Ciidamada Dawaariishta Puntland ah oo lagu wareejiyey Dowladda  Federaalka..

  • Guddoomiye ku xigeenkii Degamada oo la dilay

  • Labo dhallinyaro ah oo ku dhimatay walxo ku qarxay

  • Labo beelood oo Deegaanka Saakow uu dagaal ku dhex maray

  • M/weyne Cadde Muuse "4.5 ayaa ciidamada loo qaybsaday,  diyaarna waxaanu u nahay  qaybtayada.


Maxay tahay sababta uu u baaqday shirweynihii Beelaha Hawiye

            Ugu yaraan 500 oo ergo aya lagu martiqaaday shirweynaha Beelaha Hawiye oo ay qabanqaabadiisu lahaayeen Bulshada Rayikda, waxaana maalgelinayey Hay’adda CRD oo ka shaqeysa isku soo dhawaanshaha Bulshada. Shirkaas oo ka bilowday dardar xoogan ayaa markii dambe ergooyinkii ka qaybgalayay shirka dareemeen in shirku uu cago jiid yahay, waxaana bilowday in ergooyinka qaarkood isugu leexdaan labo labo oo ay is weydiiyaan waqtiga faraha badan ee ka lumay, waxayna ergooyinka qaarkood sheegeen in ay jiraan khilaafyo yar yar oo u dhexeeya Beelaha Hawiye.

Cali Mahdi Max’ed oo mar dambe yimid kuna rajo weynaa in shirkaasi uu furmo ayaa waxa uu maqlay in shirkii uu dib u dhac ku yimid taas oo uu si aad ah uga carooday kadibna waxa uu isaga tagay madashii shirka lagu waday in uu ka furmo.

Bulshada Rayidka ayaa kulamo saacado qaatay waxay la soo yeesheen Golaha Guurtida Beelaha Hawiye oo ka kooban 150 xubnood, wax la is jiidjiido oo la lafa guro waxaa markii dambe golaha Guurtida Beelaha Hawiye soo jeediyeen in laga baxo oo ay yeeshaan kulan gaar ah, waxayna qaarkood soo jeediyeen in shirka la furo, halka kuwo kalana ay soo jeediyeen in shirka dib loo dhigo, hase yeeshee waxaa markii dambe cod batay in shirka dib loo dhigo, Ugaas Cabdi Daahir ayaa waxa uu dalbaday in la siiyo Kontan xubnood oo ka tirsan Golaha Guurtida Hawiye si ay u eegaan wargelinta in shirka dib loo dhigay,, hase yeeshee arrintaasi waa lagu gacan-sayray waxaana loo soo jeediyey in uu ka xaseysto afar xubnood, hase yeeshee Xubnaha sarsare ee Golaha Guurtida Beelaha Hawiye ayaa iyagu aada u daneynayay in shirku uu furno wixii khilaaf ahna halkaas lagu xaliyo, waxaana markii dambe Golaha u hadlay Guddoomiyaha golahaasi Xaaji Cabdi Iimaan oo ka tacsiyeeyey dib u dhaca ku yimid Shirka, waxa uuna sheegay in dhinacooda dalbadeen in shirka dib loo dhigo ilaa iyo khamiista, wixii intaa ka horeeyana ay sameeyn doonaan kulamo la tashiyo ah. Dhanka kale qaar ka mid ah golaha Guurtida Beelaha Hawiye ayaa waxay sheegeen in sababaha loo qabanayo kulanka la tashiga Beelaha Hawiye ay tahay in lagu burburiyo Golaha ka kooban 150-ka xubnood ee horey loo dhisay, iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegay in la isku haysto ajandayaasha shirka oo ah in aan meeshaasi lagu cambaareeyn soo gelitaankii Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya iyo in shirka ay ka soo qaybgalaan mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka si ay Beelaha Hawiyey ugu bogaadiyaan Hawsha wanaagsan ee ay bilaabeen, isku soo duuboo halkudhigyadii ku xardhanaa goobta shirka ayaa waxaa ka mid ahaa (Aan wada hadalno waa aan heshiino)

Meles Zenawi oo lagu cadaadinayo in dib ugala soo baxo Ciidamadiisa Soomaaliya ku sugan.

Warar naga soo gaaray magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi lagu cadaadinayo in uu ciidamadiisa kala soo baxo dalka Soomaaliya.

Mucaaradka wadankaasi ayaa iyagu isticmaalaya Saxaafadda ayaa waxa ay Ra’isul Wasaaraha u sheegeen in uu marka hore ku qaldamay in Ciidamada Itoobiya galaan wadanka Soomaliya, waxayna sheegeen in ciidamo fara badan ay uga dhinteen dhowr dagaal oo ka dhacay dalka Soomaaliya, haatanna loo baahan yahay in ciidamada Itoobiya ee tiradoodu gaareyso 3-Kun dib looga soo celiyo Soomaaliya.

Meles Zenawi oo dhawaan hadal u jeediyey Golaha Baarlmaanka Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in dalka ku soo wajahan tahay Qatar kaga imaaneysa caddowga Itoobiya, isagoo farta ku fiiqayey dalka Ereteriya oo uu sheegay in ay dhaqdhaqaaq ka wadaan xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Ereteriya.

Hadalkaa ka soo yeeray Meles Zenawi waxaa ka jawaabay Mudane ka tirsan Baarlamaanka Itoobiay kana mid ah mucaaraddaka wadankaasi, waxa uuna yiri “Marka hore waxaan kuu soo jeedineynaa Ra’isul Wasaare in ciidamada Itoobiya ka soo bixiso Soomaaliya, kadib ayaan ka tashan karnaa qatarta nooga soo wajahan Ereteriya”.

Ra’isul Wasaaraha wadanka Itoobiay waxa uu dhawaan qirtay in Siyaasad xumo ciidamada Itoobiya ku galeen wadanka Soomaaliya.

3-kun oo Ciidamada Dawaariishta Puntland ah oo lagu wareejiyey Dowladda  Federaalka..

Xerada 54-aad ee Magaalada Garoowe ayaa shalay waxaa la isugu keenay ilaa iyo 3-Kun oo ka tirsan Ciidamada Dawaariishta ee Maamul Gobaleedka Puntland, waxaana ciidamadaasi sababta halkaasi la isugu keenay lagu sheegay in ay tahay sidii Dowladda Federaalka loogu wareejin lahaa, waxaana halkaasi gooob-joog ka ahaa Salaad Cali Jeele oo ah wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka.

Salaad oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in ciidamadaasi wixii haatan ka dambeeya ka mid yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo maamul gobaleedka Puntland haatan kadib ku tashan doono ciidamada Booliiska oo keliya oo hoos tagi doona Madaxweynaha maamul gobaleeda Puntland Gen. Cadde Muuse.

Wararka in ciidamadani la filayo in loo soo qaado dhinaca Magaalada Muqdisho si ay uga qayb-qaataan nabadgelyada Magaalada, hase yeeshee Su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay iyadoo ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Dowladda  ku sugan yihiin Mmuqdisho waxna ka qaban la’ yihiin nabadgelyada Muqdisho, maxay kus oo kordhin karaan ciidamada Daraawiishta xaaladda Muqdisho, inkastoo Madaxweyne C/llahi Yuusuf mar uu ka hadlayey 1-da Maalinta Xoriyadda uu sheegay in bishan bisheeda Soomaaliya naabad noqon doonto, isagoo ugu baaqay mas’uuliyiinta Dowladda iyo ciidamada in  ay adkeystaan. 

Guddoomiye ku xigeenkii Degamada oo la dilay

       Sida laga soo xigtey idaacad ka hadasha Muqdisho, waxaa xalay Degmada Heliwaa ee Muqdisho lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee degmadaasi Cusmaan Cali, waxaa dilkiisa la sheegay in ay gaysteen saddex nin oo ku hubeysnaa Bistoolado.

            Ma ahan markii ugu horeysay oo dil loo gaysto mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, waxaana horey Magaalada Muqdisho loogu dilay ilaa iyo shan guddoomiye degmo, iyadoo todobaadkii horana Dayniile lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii waaxda koowaad ee Dayniile.

            Maamulka Gobalka Banaadir ayaa iyagu ilaalo gaar ah u sameeyey guddoomiyaasha gobalka Banaadir, sidoo kalana siiyey Gawaari ay ku hawlgalaan.

Labo dhallinyaro ah oo ku dhimatay walxo ku qarxay

       Ciidamada Uganda oo ka tirsan Ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay burburinayey hub isugu jira Bambooyin, Sawaariiq iyo kuwo kale ayaa gob ay ku burburiyeen oo ku taalay deegaanka Jasiira ayaa waxaa maalintii shalay ahayd waxaa goobtaasi tagay dhowr dhallinyaro ah oo dib u faganayey haraagii ka haray hubkaasi, waxaana dhacday in uu ku qaraxay mid ka mid ah haraagii halkaasi looga tagay, waxaana gobtii ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay labo kale.

            Gudodomiye ku xigeenka arrimaha Siyaasadda C/llaahi Xasan Ganey Firimbi oo booqday goobtii ay dhallinyaradaasi ku geeriyoodeen ayaa waxaa la sheegay in uu halkaasi ka soo qaaday maydkii labadaadi dhallinyaro, waxa uuna sheegay mar uu u waramayey saxaafadda in Ciidamada Amisom looga baahan yahay in halkaasi ka wareejiyaan hubka ay qarxinayaan oo ay geeyaan beel ka baxsan magaalada si looga badbaadiyo dadka, maadaama meesha ay ku qarxinayaan ku dhow yahay deegaan ay dad ku nool yihiin.

Labo beelood oo Deegaanka Saakow uu dagaal ku dhex maray

Wararka naga soo gaaraya degmada Saakow ee Gobalka J/dhexe waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd labo beelood dirir ku dhexmartay deegaankaasi, waxaana dirirtaasi ku geeriyooday ilaa iyo saddex ruux, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo toban qof.

Dagaal beeleedkaan oo dhowr jeer soo noqnoqday ayaa ilaa iyo haatan wax xal ah laga gaarin, hase yeeshee Odoyaasha deegaanka ayaa dadaal ugu jira sidii loo qaboojin laha xiisadda ka dhex taagan labada beelood.

Dagaalada beeleedyad ayaa mudooyinkaan dambe ka jiray dalka, iyadoo kii ugu dambeeyey oo dhinaca Beelaha ah uu ka dhacay deegaanka Coomaad ee Gobalka Hiiraan, waxa sidoo kale dagaal laga soo sheegay todobaadkii hore inta dhexeysa Maxaas Cadale oo ka tirsan Gobalada Sh/dhexe iyo Hiiraan, sidoo kale waxaa dagaal ka jiray deegaanka Ceel-Barde oo ka tirsan Gobalka Hiiraan, hase yeeshee waxaa arrintaani xakameeyey Odoyaasha, Iyadoo dhawaan deegaankasi lagu dilay nin u shaqeynayey hay’ad laga leeyahay Mareykanka, ayaa waxaa dilkaani walwal ku abuuray dadweynaha deegaanka Ceel-Barde maadaama hay’addaasi halwo gargaar ka waday deegaanada Gobalkaasi. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

M/weyne Cadde Muuse "4.5 ayaa ciidamada loo qaybsaday,  diyaarna waxaanu u nahay  qaybtayada.

 
July 2: M/weynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi(oo shalay ka hadlayey 1-da Luulyo ayaa saxaafada u sheegay in ay ahayd arin aan loo dhamayn walina gacanta lagu hayey oo qabyo ahaa, isla markaasna aan la kala saxiixan waxba marka laga reebo soo-jeedimo iyo afkaar lays dhaafsaday  warkii saxaafada laga sii daayey kaas oo sheegayey in Ciidamada DGPL dhamaantood lagu wareejiyey  gacanta DFKMS.
Madaxweynuhu isagoo ka hadlaya ciidamada ayuu sheegay in ciidamadu ay mar kasta yihiin kuwii Puntland balse ay oo kaliya iska kaashanayaan DFKMS dhinaca amniga,tababarada iyo miisaaniyada ciidamada  maadama ay DGPL iyo DFKMS ay leeyihiin  iskaashi dhinac kasta ah, wuxuuna ku daray anagu markasta ciidankayaga anagaa leh ee waxaanu keenaynaa 4.5 ka inta nagaga soo hagaagtay.
Arintaan ah, in ciidamada lagu wareejiyo DFKMS ayaan M/weynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ku qanacsanayn balse, waxaa u olalaynaya rag uu ka mid yahay wasiirkiisa maaliyadda Gaagaab. 
 
Mar uu ka hadlayey nabad-gelyada M/weynaha DGPL wuxuu sheegay in ay Puntland ku soo badanayaan dadka loo soo dirayo sidii ay u gelin lahaayeen khalkhal amniga dalka, wuxuuna sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad badan oo la soo diray waa siduu hadalka u dhigaye, balse ma uusan cara-baabin halka laga soo diray iyo cidda ay yihiintoona . Cadde Muuse wuxuu sheegay in Puntland ay xor u tahay maamulka dalkeeda iyo dadkeeda sidii horeba ay u jirtayna aan waxba iska bedelayn. Cadde Muuse oo ka hadlaya muhiimada ay leedahay 1-da Luulyo ayaa sheegay in uu soo taagnaa maalintii la saarayey Calanka 1960 oo iminka ay ka soo wareegatay 47 sanno.
 
M/weyne Cadde Muuse wuxuu ka codsaday muwaadiniinta Reer Puntland in ilaaliyaan amniga iyo xasiloonida dalka.
 
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Puntland ay maanta leedahay cadow badan oo aad uga xun horumraka ay gaartay dhan kasta, sidii looga hortagi lahaana ay tahay muqadas. Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhiga DFKMS , Salaad Cali Jeelle oo munaasubadaas ka hadlayey ayaa isna sheegay in ay tahay maalin xasuus mudan, Soomaalina ay ku ciyaartay qaranimadoodi , balse buu yiri nasiib wanaag maanta ayaan daba-qabanaynaa, Jeelle waxaa uu sheegay  dadka  gadaal ka yimid in aysan  garan karin muhiimada ay leedahay Soomaaliya oo xor ah isna raacday, waayo waxay ku garaadsadeen burbur iyo kala qaybsanaan.
 
Munaasubaadaan oo si weyn looga xusay Caasiimada DGPL ee Garoowe ayaa waxaa xataa la arki karay dad meheradahoodii iska soo xiray sidii ay maalin ciid ah u tahay, waxaa magaalada sidoo kale lagu dhex arkayey gawaari la soo saray cod-baahiye ay heeso wadani ah ka qaadayaan fanaaniintii Waaberi ee Soomaaliya oo hal ku dheg u ahaa"26-Juun ku leefnay, 1-da Luulyo Liibanay, 21-ka Oktoobar libkii helnay, waxaa maalmahaas ku jira xoriyadii Jabuuti, Koonfurta Soomaaliya Midowbidii ama Isu-imaatinkii Koonfurta Soomaaliya ee Talyaanigu gumeysan jirey iyo dalkii horay loo oran jirey British Somaliland ee Gobolada Waqooyi.
 
Amoore-Garowe-Puntland

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2007

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com