SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

JAALIYADDA SOMALIYEED EE MINNESOTA IYO XUSKA SANNAD GUURADII 47aad EE MIDNIMADA QARANAMIDA SOMALIYA...

Munaasibad lagu maamuusayey Sannad Guuradii 47aad ee ka soo wareegtay Midnimadii Qaranimada Ummadda Somaliyeed oo ku beegnay July 1st, 1960kii ayaa maalinimadii Axadda oo ku aadanayd 1dii July, 207, lagu qabtay Magaalooyinka Mataanaha ah ee Minneapolis/St. Paul ee Gobolkan Minnesota. 

Munaasibaddaas oo ay soo qanabqaabisay Jaaliyadda Isutaga Somaliyeed (Confederation of Somali Community in Minnesota) ayaa lagu qabtay Garoonka Kubbadda Cagta ee loo yaqaan James S. Griffin Stadium, St. Paul, Minnesota - halkaas oo ay ka socdeen tartanta kubbada Cagta oo lagu maamuusayey isla munaasibadda. [Halkan ka daawo Sawiradii Munaasibadda http://www.kurtco.com/SomaliIndependenceDay07 

Dawlad Goboleedka Minnesota (State of Minnesota), ayaa u aqoonsadey, uguna WAN QALAY “Usbuucii Somalia”, sannad walba marka la gaaro bisha June 25da illaa 1da July, taasoo Somalidu ay ku mutaysatay, Dhaqan wanaagooda, Daryeelka Hiddahooda, Diintooda, isku duubnida, iyo qadarin iyo qiimayn gaar ah oo ay ku dhex yeesheen qawmiyadaha kale ee ku dhaqan gobolkan Minnesota. 

Soomalida ku nool gobolkan Minnesota ayaa lagu qiyaasaa tiro ka badan 75, 000, waana gobolka Somaalidu ugu badan tahay, marka loo eego gobolada kale ee Maraykanka. 

Munaasibaddaas oo si wanagsan ku soo gabo gabowdey ayaa waxaa soo camiray dadweyne aad u faro badan, waxaana halkaa kelmado ku aaddan minaasibadda ka soo jeediyey:

  • Mudane Ali Boolaay (halgame Qaran)
  • Fadumo Hiirad iyo Canab Cagabiyood (Kaalinta Haweenka Somaliyeed),
  • Abwaan Nuuraani (Kaalinta Abwaanada iyo Hal Abuurka Somaliyeed),
  • Sirad Abdirahman (Madaxa Uruka LEAD ee adeegga Caafimaad). 

Waxaan la hilmaami karin kaalinta Fannaaniinta Somaliyeed, sida Bashir Nagaari, Sahro Siyad iyo M. Guun oo halkaas heeso waddani ah ka qaaday. 

Gabagabaddii Munaasibadda, Madaxa Confederation of Somali Community, Mudane Dr. Sacid Osman Fahia, ayaa abaal marinno Guddoonsiisay, Shakhsiyaad iyo Ururro Hawl Karnimo dheeraad ah ka dhex muujiyey Ummadda Somaliyed, mutaystayna waxa loo yaqaan “Abbalmarinta Hawlkarnimo”.  

Jaaliayadda Isutagga Somaliyeed (Confederation of Somali Community in Minnesota), Waxay hambalyo iyo bogaadin ku addaan Sannad Guurada 47aad ee Midawga iyo Qaranimada Somaliya u dirayaan dhammaan Ummadda Somaliyeed meel kastoo ay joogaan, waxayna leeyihiin “AAN MAALNO HASHEENNA MAANDEEQ”.  Waxay mahad ballaaran u jeedinayaan Warbaahinta Somaliyeed ee goobta joogay, sida Somali TV iyo Bulsho TV.   

Halkan ka Daawo (ama soo booqo), sawiradii Munaasibadda: http://www.kurtco.com/SomaliIndependenceDay07 

A. M. Dirir (Ducaysane
Minneapolis, Minnesota 
A.M. Dirir (Ducaysane), 
amdirir@hotmail.com


Suudaan: Hambalyo Qalinjebin
Dr feysal xaaji cumar oo ka qalin jabiyay jaamacada ku taala dalka sudan .

 

Drs hooyo xabiibi maxamed afrah iyo  reeraha kala ah

 

·       Reer  SH cumar maxamud gacal

·       Reer  Cabdiraxmaan cabdulle cabdi

·       Reer  Cabdi maxamud  dhiblaawe

·       Reer  Maxamed afrah

·       Reer  Maxamuud afrah

·       Reer  Cumar afrah

·       Reer  Cariif qaasim weheliye

·       Reer  Yuusuf cali baxaar

·       Reer  Gacal duqow

·       Reer   Yuusuf axmed hiraabe

·       Reer  Qeylow

·       Reer  C/qaadir ceymow

·       Reer  Xasan maxamed dhiblaawe  

 

Waxay hambalyo qalin jabin u dirayaan wiilkooda da’da yar Dr feysal xaaji cumar oo ka qalin jabiyay jaamacada ku taala dalka sudan .

 

Waxay lee yehiin dhamaan  Dr feysal noqo Drkii dalkiisa diintiisa iyo dadkiisaba ku anfaca cilmiga caafimaad ee aad baratay .

 

     hambalyo  hambalyo  hambalyo  hambalyo  hambalyo

La xiriir: dalmaryare@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2007

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com