SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararka: July 1, 2007

  • Beesha Sade oo ka carootay hadalkii C/llaahi Yuusuf ee..

  • Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ka hor yimid in ay ciidamo u soo diraan Muqdisho

  • Beel ka cabaneysa maamul u sameyntii Gobalka Sh/hoose iyo Degmada Afgooye

  • Qarax ka dhacay Isgoyska Afarta Jardiino oo ay dad ku dhinteen

  • Cali Max’ed Geedi oo ka qaybgalaya Shirka madaxda wadamada Afrika ooka furmaya Ankara

  • Wafdi isugu jira Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaliyeed ee K/cagta oo safar ku tagaya Puntlanad

  • 1-da Luulyo maalin xasuus mudan basle dadka ay Niyad xumo ka muujinayaan


  • WAREYSI: XILDHIBAAN MAXAMED C. YUSUF OO KA SOO LAABTEY CASMARA

    Waxaa isku soo dubaridey
    W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
    E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Beesha Sade oo ka carootay hadalkii C/llaahi Yuusuf ee..

     Kulan ay shalay isugu yimaadeen waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan Beesha Sade ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ku lafagureen hadalkii ka soo yeeray  Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ee ahaa in dagaalka Kismaayo ka jira uu yahay mid looga soo horjeedo Dowladda, isagoo sheegay in dowladda ay dhawaan wax ka qaban dooto, waxayna Odoyaashu warkaasi ku tilmaameen mid sii kala fogeynaya Ummadda Soomaaliyeed iyo halka Gobalka J/hoose. “Beesha Sade waxay taageersan tahay Dowladda Federaalka, mana garaneyno halka aan ku noqonay dowlad diid” ayay yiraahdeen Odoyaasha Beesha Sade oo iyagu Madaxweynaha ka dalbaday inuu hadalkaasi raagelin ka bixiyo. Odoyaasha Beesha Sade waxay kaloo sheegeen in xalka Kismaayo aan lagu dhameyn Karin dagaal, balse lagu dhameyn karo wada hadal iyo isafgarad, waxayna uga digeen C/llaahi Yuusuf in xalka Kismaayo lagu dhameeyo dagaal iyo iska hor imaad. “Beeshu horey ayay Dowladda ugu soo jeedisay wixii khilaaf ah ee ka jira gobalka J/hoose lagu xaliyo wada hadal iyo isafgarad, balse waxaa taasi ka dhega adeegay Dowladda Federaalka oo dooratay in dagaal lagu qaado magaalada Kismaayo” ayay hadalkoodii sii raaciyeen Odyaasha. Xildhibaano ka tirsan beesha Sade ayaa waxay ku eedeeyen Dowladda Federaalka ina y mas’uul ka tahay dagaalada ka jira gobalka J/hoose, waxay kaloo sheegeen in Dowladda Federaalka ka baaqsaday in khilaafka ka jira Gobalada Jubooyinka lagu xaliyo wada hadal iyo isafgarad, balse taasi waxaa is hortaagay Dowladda Federaalka oo iyadu mar kasta daneyneysa in xalku noqodo dagaal iyo iska hor imaad sida ay hadalka u dhigeen.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ka hor yimid in ay ciidamo u soo diraan Muqdisho

Warar aanu ka helnay magaalada Garoowe ee Maamul gobaleedka Puntland waxay sheegayaan in saraakiisha sarsare ee Ciidamada Dawaariishta ee maamul Gobaleedkaasi ay si weyn uga soo horjeedaan in ciidamadooda ay ka qayb-qaataan iska hor imaadyada iyo dagaalada ka jira Magaalada Muqdisho iyo gobalada kalaba.

“Ciidamo ayaan horey ugu dirnay si ay ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka, hase yeeshee ciidamadaasi waxa ay noqdeen kuwo si aad ah looga soo horjeestay’ ayay yiraahdeen saraakiishaasi oo sheegay in ciidamada dawaariishta ay diyaar u  yihiin in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka balse xaaladda haatan lagu jiro ciidamada Dawaariishta aysan u saamaxeyn in loo qaado Muqdisho. Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Salaad Cali Jeele oo Gobalada Puntland socdaal ku jooga ayaa maamulkaasi ka ciidamo garab siiya Dowladda Federaalka.

  • DFKMS oo la wareegtay Ciidamada Daraawiishta DGPL, waa maxay sababtu???
    Ka dib, socdaal uu Salaad Cali Jeelle oo ah Wasiir Ku-Xigeenka Gaaashaandhiga DFKMS uu ku yimid Puntland , ayaa wadahal dhexmaray gudiyo ka kala socday DGPL iyo DFKMS  waxay isla garteen in dhamaan ciidamada qalabka sida ee DGPL lagu wareejiyo DFKMS oo bixinaysa mushahaarkooda iyo qalabkoodaba iyo sidoo kale wax kasta oo daryeel ah oo ay u baahdaan....

Beel ka cabaneysa maamul u sameyntii Gobalka Sh/hoose iyo Degmada Afgooye

Kulan ay isugu yimaadeen Saasiyiin Waxgarad, Culuma’udiin, Aqoonyahano iyo Haween ka tirsan Beesha Hintire ayay cabasho ka muujiyeen tixgelin la’aan ay sheegeen in loogu gaystay maamul u sameyntii Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose iyo kan gobalka Sh/hoose, iyagoo sheegay in Beeshu tahay beel taariikh fac weyn ku leh dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gobalka Sh/hoose iyo Degmada Afgooye.

            “Waxaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo ciddii kale ee shaqada ku leh maamul u sameynta Gobalada, u sheegeynaa in aanu ka qanacsaneyn maamulka loo sameeyey guud ahaan gobalka Sh/hoose iyo kan Afgooye” ayay ku yiraahdeen qoraal cabasho ah oo ay saareen Beeshaasi, waxayna qoraalkooda sidoo kale ku yiraahdeen  “Waxaan Wasaaradda arrimaha gudaha ka codsaneynaa in ay dib u fiiriso qaabka awood qaybsiga iyo halka beel walba ka mudan tahay maamulka loo dhisayo deegaanada aan kor ku soo sheegnay, sidoo kale Wasaaradda Arrimaha gudaha ka rajeyneynaa in ay soo farageliso maamulka gobalka loo soo magacaabay iyo kan degmada Afgooye”. 

Qarax ka dhacay Isgoyska Afarta Jardiino oo ay dad ku dhinteen

Dhowr qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii uu Isgoyska Afarta Jardiino oo ka tirsan Degmada Yaqshiid uu ka dhacay Qarax la sheegay in uu ahaa miino dhulka lagu aasay.

 Miinadaan ayaa intii aysan qarxin ayaa waxaa la sheegay in ay goobta tageen ciidamo Booliis ah, markii ay dadweynihii ka fogeeyeen ayaa la sheegay in qaar ka madax adeegay ay miinadii markii qaraxay waxyeelo ka soo gaart ay. Ciidamada Booliiska ayaa waxaa la sheegay in ay halkaasi ka qab-qabteen dhowr qofood oo lagu tuhunsanaa inay ka dambeeyeen qaraxaasi.

            Habeen hore ayay ahayd markii koox saldhigga galbeed ee Degmada Dharkeenlay lagu qaaday weerar isugu jiray qaraxyo iyo rasaas, waxaana rasaastaasi lagu riday saldhiga iska caabiyey ciidanka Booliiska ee halkaasi ka sugnaa oo markii dambe gurmad ka helay ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda.

            Maalmahan waxaa sii kordhayey qaraxyada ka dhacaya qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo waliba gobalada meelo ka mid ah, kuwaas oo gaystay khasaare naf iyo maalba leh, ilaa iyo haddana Dowladdu majirto wax ay ka qabatay qaraxyadasi marka laga reebo baaritaano ay ku sameenayeen.

Cali Max’ed Geedi oo ka qaybgalaya Shirka madaxda wadamada Afrika ooka furmaya Ankara

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa ka qaybgalaya shirka madaxda wadamada Afrika oo beri ka furmaya Magaalada Ankara ee dalka Gaana, shirkaani ayaa Ra’isul Wasaaruhu waxa uu matali doonaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf, waxaana shirkaani looga hadli doonaan arrimo badan oo ay ku jiraan Dahfuur, Soomaaliya iyo Ever coast, Ra’isul Wasaare Cali Max’ed  Geedi ayaa lagu wadaa in uu shirkaasi ka jeediyo qudbad ku saabsan Xaaladda Soomaaliya, waxaa sidoo kale la filayaa in shirkaasi uu Ra’isul Wasaaruhu soo hordhigo ajandi ku saabsan sidii loo dhameystiri lahaa ciidanka ay Midowga Afrika horey ugu yabooheen Soomaaliya.

Dhawaan ayaa Ra’isul Waaaruhu waxa uu codsi u gudbiyey Qaramada Midoobey oo uu kaga dalbaday in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda Qaramada hase yeeshee Qaramada Midoobey codsigaasi shaki weyn ayay ka muujisay waxaana Ra’isul Wasaaraha laga dalbaday inuu wanaajiyo Siyaasadda Soomaaliya, sidoo kale Ra’’isul Wasaaraha isna waxa uu ka dalbaday Qaramada Midoobey inay ka qayb-qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo waliba dib u soo celinta Hay’adihii kaabayey Dowladda Federaalka.

Wafdi isugu jira Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaliyeed ee K/cagta oo safar ku tagaya Puntlanad

Waxaa gobalada Puntland haatan booqanaya wafdi isugu jira Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo waliba xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Wafdigaani ayaa waxa ay inta ay joogaan gobalada Puntland kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Gobaleedka Puntland iyo waliba kuwa Isboortiga, waxaana lagu wadaa in Guddiga Olombikada Soomaaliyeed halkaasi ka furto xafiisyadii Guddiga Olombikada Soomaali-yeed ee Gobalada Puntland, sidoo kalana Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed K/cagta waxay  gobaladaasi gaarsiin doonaan qalab Isboorti oo ay ugu talagaleen in ay lagu horumariyo Isboortiga gobaladaasi.

Dhanka kale Gobaladaasi waxaa imaan doona wafdika socda Jaaliyadda reer Puntland ee Dibadaha ku nool, oo iyana gabaladasi soo gaarsiin doona qalab Isboorti.

Wafdiga Guddiga Olombikada Soomaaliyeed waxaa hogaaminaya Aadan Xaaji Yabarow (Wiish), halka halka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Siciid Max’ed Nuur (Mugaanbe), iyadoo wafdiga Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta uu qayb ka yahay wafdigii Xiriirka Soomaaliyed ee K/cagta ee dhawaan u ambabaxay Gobalada dalka. 

1-da Luulyo maalin xasuus mudan basle dadka ay Niyad xumo ka muujinayaan

Sanad-Guurada 47-aad ee Xoriyadda Gobalada Koonfureed iyo israacii gobalada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya ee 1-da Luulyo ayaa xalay waxay ka kala dhaceen gobalada wadanka Soomaliya.

1-ada Luulyo waxay ku soo begaantay xili ay dadka qaarkii qabaan in dalka ay ku sugan caddow ku ah Bulshada Soomaaliyeed, ayaa afhayeen u hadlay Dowladda waxa uu sheegay in si weyn loo sugi doono ammaanka goobaha ayka dhacayaan xafladaha damashaadka.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayey wadooyinkeeda ciidamo isugu jira Booliis iyo Milatari oo baaritaan ku haya Gawaarida iyo dadka socotada ah.

Markii ay burburtay dowladdii uu madax ka ahaa Max’ed Siyaad Barre gobalada Waqooyi waxay sheegeen in ay ka go’een dalka intiisa kale, hase yeeshee dadka qaarkii ayaa waxa ay sheegeen in midnimada Ummadda Soomaaliyeed tahay mid muqadas ah.

            Caasimadda Soomaaliya oo lagu waday inay ka dhacaan xaflado lagu xusayo 1-da Luulyo ayaa haddana taasi aysan suuragelin oo aan sidii la rabin la isugu soo bixin, madaama Muqdisho ay ku jirto Bandow, isla markaana ay ka socdaan qaraxyo iyo dilala.

            Isku soo wada duuboo 1-da Luulyo waa maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed, balse maanta waxay ku soo begeentay xili ay dalka ka jiraan dagaalo, ilaa iyo haatan aan xal loo hayn iyadoo waliba ay dalka ku sugan yihiin ciidamo shisheeye oo aan waxba ku soo kordhin wadanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com