SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hadalkii maxaakiimta : Dadka Soomaaliyeed ha ka tashadaan Danahooda ........

SAAHID MAXAMED YUSUF
EASTLEIGH,NAIROBI
SAHID_YUSUF@YAHOO.COM


Hadalkaasi wuxuu ka mid ahaa wareysigii dheeraa ee shiikh shariif uu siiyey TV Al-jasiirah markii ay ka baxeen magaallada muqdisho sitimaankii hore.
Hadalkaas oon runtii markaan maqlay aan ku sigtay in aan ooyo wuxuu ahaa mid raadi weyn igu reebay waxaanna iskula hadlay [ Goorma shariif????!!! IMMISAAN IDIN LAHEYN DANTA SOOMAALIYEED WAX KASTA KA HORMARIYA ].
Lix bilood ayey laga joogaa markii ay maxaakiimtu ay si fudud guul wax ku ool ah ay uga soo hooyeen siyaasaddda Soomaaliya taas oo wadanka oo idil
gilgishay min rasul caseyr ilaa raas kanboodi ayadoo lala qabo maamullada ka jira waqooyiga waa Soomaliland & Puntland e !!!!.
Neecaaw caafimaad ayaa is wada qabsatay, Rajo waa hore dhimatay ayey soo nooleeyeen, waxaa meel dheer nooga iftiimay barwaaqo & bash bash aan
mudo sugaynay, wax garadkii waxay bilaabeen in ay wax ka qoraan,suugaanleydii wey sifeeyeen,hooyooyinkii wey alalaaseen,culumadii wey ka khudbeeyeen.
maxay ku danbeysay neecaawdaas Runtii si dhaqso ayey u feyrtay, waxay noqotay la mood noqonse weyday,ka dar oo dibi dhal, wax la is yiri oo sidii la moodaayey
noqon waayey !!! wixii wadaada lagu xaman jiray ee ahaa in aysan u qalmin in ay siyaasadda ka hadlaan ee ay mudan yihiin in ay iska waliimaystaan ayaa dhaboowday!!!
Akhristooy waxaad haatan i weydiinaysaa maxaa dhacay? Runtii ninba kaskii buu kortagaa waa barnaamij furan bal aan cabiro in aan wax ka sheego khaladaadkii fashiliyey maxaakiimta in ay u dililn diloobaan sidii dhagax meel sare ka soo dhacay oo ku socda xawli lagu daray 9-8m2 sida ay qabto aragtida newton theory.
Horudhac:
Akhristoow waxaan ka sii afeefanayaa in dhaliiladeydu ayasan aheyn mid goodisiyo digasho ah ama ku faan ah ee ay tahay uun in aan sheego waxaan is leeyahay fashilka ayey keeneen,waana mid meesha ku jirta in la xisaabtamo oo la isku sheego meesha masiibadu ka timid sidii Qaswatul Uxud ay saxaabaddu u yiraahdeen [ xagee waxaani nooga yimaadeen? markaas ayuu Allaah ugu jawaabay balse jabkaani xaggiina ayuu ka yimid????!!!!..... markaad fashilanteen oo aad arrinkii isku khilaafteen oo aad ku caasiseen nabigiinii markaad aragteen waxaad jecleydeen ee ah qaniimadii,QAARKIIN ADDUUNYO DOON BAY AHAAYEEN QAAR KALENA AKHIRO AYEY DOONAAYEEN, MARKAAS AYUU ALLAAH IDINKA WEECIYEY GUUSHII SI UU IDIIN IMTIXAANO...] SUURATUL AL-CIMRAAN.Sidaas oo kale ayaan rabaa in aan soo koobo wax yaabaha aan is leeyahay wey soo dadajiyeen kufkii maxaakiimta islaamka .
1) waxay ka marin habaabeen habkii dawladnimo laheyd macnaa runtii uma diyaarsaneyn in ay dhisaan ama hogaamiyaan Dawlad Soomaaliyeed ama la gorgortamaan mid jirtay,waxaan sidaas u leeyahay dawlad laguma dhiso food la jaro iyo jaad la joojiyo iyo shaneemo la xiro ee waxay u baahnayd maamul weyn oo suga Danaha ummadda ay masalayaan
xagga waxbarshada ,dhaqaalaha,nabadgalyadda ooy igu fiicnaayeen,maamul dhismeed dawladeed sida dawladaha hoose,arrimaha gudaha,debedda,xiirka adduunweynaha iwm.
2) waxay aad ugu fashilmeen in ay soo dhaweeyaan kawaadirtii ayidsaneyd iyo khabiiriinta ummadda ee lahaa siyaasiyiin,wax garad,ciidan,dhakhaatiir,macallimiin,iwm
waxaa booskoodii badalay dhallinyaro la yiri waa shabaab oo ka ugu weyn uusan labaatankii u buuxsamin ,horaa soomaalidu u tiri labaatan jir intuuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa!!!!
waxay ku hadaaqaayeen ma cilmaaniga allow yaa yiraahda kalimadaas fasira??? cilmaani ku ayidsan waa faasiq khibrad leh yaa heli kara u noqo mid haga ( romate control)!!!!Shiikhul islaam ibnu tiimiyah rxl ayaa la weydiiyey :[ yaa muslimiinta madax looga dhigaa arrimaha caskarinimda ma caabud aan khibrad laheyn mise faasiq khibrad leh?wuxuu ku jawaabay faasiq khibrad askarinimo leh,maxaayeelay ayuu yiri caabudku cibaadadiisa asaga ayey nafcineysaa ducfigiisuna ummadda ayuu dhibayaa,faasiqa fusqigiisu asaga ayuu dhibayaa khibradiisa iyo tamartiisuna ummadda ayey wax tarayaan]assiyaasa alsharciyah sidoo kale futyadaas waxaa kaga horeeyey ayaa la yiri Axmed ibnu xanbal rxl.
shabaabkii maxaakiimtu kheyr ayaan u rajeynaynaa caabudkaas ayey ahaayeen ,kumaandoostee soomaaliyeedna qaad baa looga tagey oo waa fusaaqdii !!! maxaa dhacay cibaadadii shabaabku nagama difaacin amxaaraddii se cududii kumaandoosta waan gabnay !!!!
3)Si cad waxay maxaakiimtu u khilaafeen xadiiskii nabiga nnkh :[ HA TAMANINA IN AAD CADAWGIINA LA KULANTAAN,LAAKIIN HADDII AY DHACDO SUGNAADA OO HA CARARINA ALLAHNA WAX BADAN XUSA...] AMA SIDAAS OO KALE AYUU YIRI. SIDOO KALE QASWATUL UXUD WAA LAGU CANAANTAY SAXAABADA :[ WAXAAD AHEYDEEN KUWA TAMANIYA MOWDKA INTAADAN LA KULMIN HAATAN BAAD ARAGTEEN ADINKOO ARKAAYA ] EE MACNAA WAX ISKA CESHA.AKHRISTOOW MA IS TIRI AYAADAAN IYO XADIIDSKII KA HOREEYEY MAANTA AYEY SOO DAGEEN!!! AMA AAN SI DHEEREYN BEY NAGU SIREEN OO AY DOONEEN WAANA MIDDA LOO DIIDAY EE NABIGU KU YIRI WAAR DAGAAL HAW TAFA XEYDANINA HADDII SE UU DHAKALA U IRAAHDO MAXAAKIMTEE KU SOO DAGEEN ... BAL ILA FIIRI : ADIS ABABA AYAAN SOO QABANEYNAA... TODDOBO BERI HADDII AY ITOOBIYA UGA BIXI WEYDO DAGAAL AYAANU KU QAADEYNAA!!!!ANIGU RUN BAAN MOODAY ILEEN AWOODOODA MA OGEYNE SE DAD BADAN OO KHUBARA AH WEY SUGAAYEEN IN AY KU FASHILMAAYAAN NIN WADDAAD AH BAA IGU YIRI [ WAXAAD MOODAA FASHILANKA MAXAAKIIMTA IN AAN BUUG KA AKHRISANAAYEY WAA KHABIIR XAMAR LA JOOGAY MARKAY HEYSTEEEN] DAGAAL AAN QOTO CO SUGNAADA HA U SOO TARAARAXINA SIDII DAAD SOO ROGMADAY !!!! ALLA YAA MAANTA SHALAY KA DHIGA .. YAA ADDUUNKA DIB U YARA CESHA ( REWIND) ANIGUNA SIDAAN UMA HADLEEN MAXAAKIIMTUNA JABKAAS KUMA DHACEEN!!!!!
4) MAXAAKIIMTU TALO WAA DIIDEEN... HORAA LOO YIRI NIN MEELI U CADAHAY MEELI KA MADOOW... CULUMO IYO CIROOLE , WADAAD IYO WAX GARAD, HOOYO IYO AABBE TALO AYEY SIIYEEN MAXAAKIIMTA SE WAX MA KU QAATEEN ..... MAY HABEENKII XALAY AHAA OO TAGAY !!! BALSE FURUURYAHA AYEY DADKA GOOSANAAYEEN WAXAA MAR KALIYAH IS QABSATAY EREYGA ( GAALO RAAC)WUXUU NOQDAY JOOKAR MEEL KASTA LA GALIYO!!!! BAL ADBA .....AKHRISTOOW WAXAAN ISKU DAYI IN AAN NOO SOO KOOBO INTA TALO EE MAXAAKIIMTA LAGULA TALIYEY WEB-SIDE KA SOOMAALITALK OO KALIYAH AYAAN SOO QAADAN ,OON ANIGU KA MID AHAY QORAYAASHIISA HA UGU HOREEYO MAQAALKAYGII [ KISMAAYO & KANDAHAAR ] OON QORAY MARKAY MAXAAKIIMTU KISMAAYO QABSADEEN.
RUNTII TALO KASTA DHAGAHAY KA FUREYSTEEN TOODII MOOYEE OO AHEYD HA LA DAGAALAMO ( JIHAAD)!!! WAANA FIKRADII XARAKATUL JIHAAD SIDA KU CAD KITAABKA SHIIKHOODA EE LA YIRAAHDO ( AL FARIIDAH AL QAA,IBAH) FARIIDADII MAQNEYD OO UU KA WADO JIHAADKA .
5) WAXAY KU MASHQUULEEN QUBKII MOOSKA WAXAYNA KA TAGEEN LUBIGII MOOSKA !!! AKHRISTOOW MOOSKA LA CUNO WAA LABO SHEY QUBKA SARE OO XIDFIYA IYO INTA LUBAGA AH EE HOOSE EE MACAAN !!! DIINTEENUNA WAXAY NA BAREYSAA IN AAN ARRIMAHA MIISAANO OO MASLAXADDA MIDEEDA WEYN AAN QAADANO, DHIBKANA TEEDA YAR AAN QAADANO !!!
HADDIISE AANAN GARANAYNIN SIDA UMUURUHU U KALA SAREEYAAN OO AANAN KALA GARANEYNIN {ASLAXUL MASLAXATEEN IYO AFSADUL MAFSIDATEYN }WAXAAN NOQONEYNAA JAADNA DIID ITOOBIYANA WADANKA SOO GALI, CAJALAD HEES BURBURI AMEERIKANA U YEERO,FOOD JAR MAAMULNA ISKA ILOOW, KHUBARO KA CARAR SHABAABNA WAX U DHIIBO,JANAQOOW DIID ABUU QITAADANA LA BAX !!! ODAY SOOMAALIYEED OO DARAJADA ADDUUNKA KA GAARAY JANAN XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO AAN SHEEKAYSANAY AYAA IGU YIRI ADEER MAGACYADA SOOMAALIYA WAA MAGACYO MUSLIM AH C/RISAAQ,YUSUF,MAXAMED MAXAAN U BADALEYNAA OON MAGACYO GAALEED OON LA KASEYNIN ULA BAXAYNAA ABUU QATAADA ,ABUU MANSUUR,ABUU MUXSIN ... MAXAAKIIMTU DADKAAS AYEY ISLAAM ISLA YIHIIN OO LA RABAA IN AY WAX ISLA WADAAN AYAGUNA SURWAAL GAABAN IYO GAR WEYN BEY KU MASHQUULSAN YIHIIN !!! BAL HORTA JANANKA BAR IN ABUU QATAADA UUSAN MAGAC GAAL AHEYN TAAS AYAA KA HOREYSA IN AAD JAADKA XAARAAN DHAHDO AMA FOODA MAQAS LA WAREEGTO.
WAA QUB MOOS OO LA QABSADAY MACAANKII LUBIGANA LA ILOOBAY OO LA TUURAY !!! ISLAAMKA MACAANKIISA DADKA BAR EE DAA LEE HA KA HOR KEENIN !!! JANANKA HADALKIISU WUXUU I SOO XASUUSIYEY SACIID IBNU MUSAYIB AWOOWGIIS XAZAN OO NABIGU KU YIRI MAGACAAGA ISKA BADEL XAZAN MA TIHID EE WAXAAD TAHAY SAHAL !!! XAZAN LUQADA CARABIGA WAA MEESHA JIQ DA AH OO DHIBKA BADAN ,SAHALNA WAA MEESHA FUDUD !!! MARKAAS AYUU SAXAABIGAAS OO KU ADAG MAGACII UU AABIHIIS U BIXIYEY NABIGA KU YIRI { BADALIMAAYO MAGAC UU AABAHAY II BAXSHAY} SACIID IBNU MUSAYIB TAABICIGII WEYNAA AYAA WAA DANBE YIRI DHIBKII AWOOWGEEN NALA DOORTAY WELI NAGAMA HARIN WAA XAZAN KIIYE .AKHISTOOW KHALADAADKU WAA BADAN YIHIIN AAN INTAAS MAANTA KU SOO KOOBO !!! ADIGUNA IGALA QEYB QAADO MEESHAAD WAX KA ARKAYSO II BAYAANI AMA II MUUJI AAN DHAHEE!!! FASHILAADA WAXAAN U SHEEGEYNAA SI AAN MAR KALE LOOGU DHICIN!!!!
WIXII AAN SAXAY ALLAAH AYAA I WAAFAJIYEY !!! WIXII AAN KHALDAYNA WAA NAFTEYDA IYO SHEYDAAN ALLAANA UGA TOOBAD KEENAYAA !!!
FII AMAANI LAAH !!!
SAAHID MAXAMED YUSUF
EASTLEIGH,NAIROBI
SAHID_YUSUF@YAHOO.COM

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2007

::Murtida Maanta iyo Hadalkii Xuseen Caydiid... Guji..


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH