SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

WIIL WAALOOW LABADA CAD, CAD LAGUUGU DAR. 
Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa”  
 Chairman of  The Somali Social Democrats’ Party (SSDP) 
 Nairobi, Kenya 
haldhaa35@hotmail.com

  Waxaa la yiri Garaad Wiil-waal deegaankii uu ka talin jiray markay xoolo qashaan waxaa isaga laga siin jiray labo cad oo hilib ah. Ragga kalana waxaa la siin jiray hal cad oo hilib ah. Waa danbe ayay raggii deegaanku ka tasahdeen arrintaas oo ay u arkeen inay caddaalad la’aan tahay inuu Garaad Wiil-waal labo cad oo hilib ah kaligiis cuno ragga kalana ay hal cad oo hilib ah cunaan.

  Haddaba waxay raggii isku waafaqeen inay ka dhiidhiyaan caddaalad darrada uu Garaadku ku hayay sida ay iyaga la ahayd. Laakiin waxaa adkaatay sidii loogu sheegi lahaa arrintaas inay caddaalad darro tahay oo uusan labo cad oo hilib ah isku helayn.

  Markii in muddo ah arrintaas la gorfeeynayay ayaa waxaa markii dabe arrin loo wada guuxay keenay nin ka mid ahaa raggii meesha ku shirayay. Ninkaas wuxuu yiri ha la soo xulo saddex nin oo fardo ku jooga. Oo marka uu Garaadku geedka soo fariisto oo labada cad ee hilibka ahna loo keeno ku yiraahda:- 
 

  “Wiil-waaloow labada cad iskuma heshid” 
 

  Waliba wuxuu u kala qeybiyay in uu ninka hore yiraahdo:

  “Garaad Wiil-waaloow”

  Ninka labaadna

  “Labada cad ee hilibka ah” 
 

  Kan saddexaadna uu yiraahdo:- 
 

  ”Iskuma heshid” 
 

  Deedna sidaas ayaa lagu soo dareeray. Oo waxaa la yimid geedkii hilbaha lagu qeybsanay oo uu Garaad Wiil-waalna joogay. Markii Garaad Wiil-waal loo keenay labadii cad ee hilibka ahayd, ayuu ninkii koowaad oo faras ku jooga geedkii Garaadka iyo raggu fadhiyeen soo agmaray oo uu ku yiri:-

      - Garaad Wiil-waaloow 
     

  Garaadkii oo in hilib ah intuu goostay afka la sii galaya ayaa yiri:-

      - Hee.

  Ninkii labaad ayaa isagoon hakan intuu faraskii geedka soo agmariyay yiri:-

      - Labada cad ee hilibka ah.

  Garaadkii baa intuu madaxi kor usoo qaaday indho waaweyn kusoo eegay oo yiri:-

      - Haye

  Ninkii saddexaad ayaa wuxuu ku yimid Garaadkii oo gacana hilibkii ku haya, gacana mindidii uu ku goosgoosanayay ku haya. Waliba waxaa ka socday dhidid meesha oo kululayd awgeed. Garaad Wiil-waalna wuxuu ahaa nin buruud kulul oo ninkuu fiiriyo wuu nixi jiray. Markuu ninkii saddexaad arkay wajiga Garaadka ee naxdinta leh ayuu ku dhici waayay inuu yiraahdo:-

  “Iskuma heshid”

  Deedna wuxuu yiri isagoo naxsan

  “Cad laguugu dar” 

  Haddaba waxay sheekadan igu soo dhacday markii aan dhagaystay inuu Ina Ceydiid oo ah ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya uu ku khudbeeyay erayadan.

  Xuseen Caydiid, waxaa uu yiri:

   "2 malyan oo qaxootigeena boqolkii 60 itoobiyay joogaan, baasaboorka itoobiyay qaataan, dhulka itoobiyay ku nool yihiin, dibaday ku aadaan, way ka soo laabtaan, xoolo dhaqatada waa galaan, waa ka soo laabtaan, haye xudduud laba kun oo kilomitir ayaa isla leenahay, xudduudaas in aan baabi'naan rabnaa xitaa, maxaa yeelay walaalaan nahay wax noo dhaxeeya ma jirto, hal baasaboor, hal ciidan, security iyo hal dhaqaale in aan suubsanaan rabnaa." 
 

  Haddaba Akhristoow soow arrintu maahan:- 
 

  “Saanaawiyoow dhulkii Soomaali galbeed, soomaaliya laguugu dar” 
 

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa”  
 Chairman of  The Somali Social Democrats’ Party (SSDP) 
 Nairobi, Kenya 
haldhaa35@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH