SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Waa loo dhashaaye sideebaa leeysaga dhigi karaa wadani

ilhaam.J.A
ilhaam22@gmail.com

Soomaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee taageera waligiinee
Waxaan la ooyaayoo ilmadu iiga qubaneeysoo
Nin istiqyaar loo diidoo la' adoon sadaan ahayee.

Erayadaasi waa ereyo dhaqaa jinaya dhiiga qofkasta oo wadani ah oo aan soomaalidu cusub aheeyn (daba dhilifyada itoobiya).

Waad maqasheen qorshaha cusub ee uu damac san yahay xuseen maxamed faarax ceeydiid, ee uu doonayo inaan hoostagno cadowgii koowaad ee soomaalida, isaga oo leh: soomaaliya iyo itoobiya waa dad walaalo ah soomaali badan ayaa heeysata baasaboorka itoobiya sidaa darteed waxaan wada qaadan doonaa hal baasaboor hal ciidan xuduud danbane majiro oo dowladihii reer yuruba weey midoobeen fransiiska iyo jarmalka oo colaad weeyn kala soo martay dagaalkii labaad ee aduunkaba weey midoobeen.

Anigu waxaan leeyahay taasi waxeey kaa tahay daba dhilifnimo iyo aqoon la'aan. Dowladaha reer yurub eed leedahay weey midoobeen majirto dowlad dowlad kale qaranimadeedii,baasaboorkeedii, calankeedii iyo ciideedii uga tanaasushay ama la wadaagtay, balse waxa eey ku midoobeen ayaa ah ineey iska taakuleeyaan dhinaca dhaqaalaha oo eey sameeystaan dhaqaale xoogleh si eey wadamada afrika iyo aasiya ku maquuniyaan oo weligood faqri u ahaadaan, boobitaanka baasiinka carabta iyo ineey mareeykanka la gor gor tamaan taasi waa midowga reeryurub eed afka kusoo qaaday.

Taasi waa jawaabtii aan anigu ka bixiyay hadalkiisii, balse su'aasha aan doonayo inaan idin weeydiiyo ayaa ah SOOMAALIYEEY MAXAA IDIIN DIYAARSAN horaa looyiri

Nin kuu digay kuma diline xuseen ceeydiid iyo raga la hal maalaba waxa eey wadaan waa in sida ugu dhaqsiyaha badan latirtiraa qarankii soomaaliyeed, calankii soomaaliyeed, baasaboorkii soomaliyeed, dhulkii soomaaliyeed iyo lacagtii soomaaliyeedba arintaas oo eey dadbadan ka hadleen oo haba yaraatee aan dhag jalaqloosiin balse maanta waa ilaah mahadii in isaga afkiisa alle kasoo yeersiiyay.

Horaa looyiri meel hoo dooneeysa hadal waxba kama taro xaalka soomaaliyana waakaa oo hadal hada kadib waxba tari maayo, berigaan caruurta aheeyn ayaan xasuustaa goortii nafta looyaabo inaan niraahno nin walboow naftaa nabiyoow umadaa taa oo ka dhigneeyd ruux walboow sidaad ku baxsan karto samee adigoon cidna isku haleeyn.

Taasi waxa eey imaan hadii xaalku sidaa sii ahaado oo ruux walba oo soomaali ah iska indho tiro xaaladan cusub ee nagu soo korortay.

Aniga shaqsiyan mahayo qorsho cad oon lee yahay halagu dhaqaaqo balse waxaan ilaah ku mahadinayaa ineey jiraan wadiniyiin badan oo soomaali ah oo caqli, aqoon iyo xooloba ilaah ku maneeystay walaalayaal usoo istaaga dalkiina iyo dadkiinaba anagana hogaanka noo qabta inta aan calanka itoobiya soomaaliya ka dulbaban.

Soomaaliyeey miyaad maalin istiraahdeen diyaaradaha dagaalka ee itoobiya ayaa muqdisha duqeeyn doona.

Soomaaliyeey miyaad maalin istiraahdeen ciidanka itoobiya ayaa gubadleey, huriwaa, yaaqshiid, karaan, shibis, shingaani, xamar weeyne, boondheere, waabari, hodon, kilo mitir 5, madiina dhex socon doona.

Soomaaliyeey miyaad maalin istiraahdeen ruux soomaaliya ayaa dalkiisii hooyo amxaaro u yaboohi doona.

Soomaaliyeey miyaad maalin istiraahdeen soomaali dagaalameeysa ayaa itoobiyaan isu adeegsan doonta.

Intiiba maanta waala arkay hadaba inta aan la arkin calinkii itoobiya oo soomaaliya ka dul babanaya iyo anagoo af xabashiga nala barayo sidii ololihii qorista farta soomaaliga iyo anagoo lacagta itoobiya wax ku kala iibsaneeyna iyo anagoo imaagareeshinka baasaboor itoobiyaan ah ka qaadaneeyna waxaa aniga ila haboon cidkasta oo umada soomaaliyeed wax u qaban karta waxeey doonaanba ha ahaadeene ineey u qabato inta eey xeero iyo fandhaal kala dhicin.

ilhaam.J.A
ilhaam22@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2007

::Murtida Maanta iyo Hadalkii Xuseen Caydiid... Guji..


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH