SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Is bedelka Nuur Cadde iyo Looge laguu minan fadhiyee!

mohamed deeqXildhibaan Ibrahim Mohamed Deeq

E-mail: imdeeq@hotmail.com, imdeeq@yahoo.com

Baydhabo/Soomaaliya


Maalintii uu Md. Nuur Cadde xubnaha xukumaddiisa shaaca ka qaaday looma bogin ee waa la wada haaraamay oo, waddaniyiin badan iyo cid kasta oo Soomaali ka naxaysa ayaa talaabadii uu waajibaadka loo xil saaray ku bilaabay quus iyo rejo la’aan ka muujisay. Waana sababta dhalisay bay ila tahay inuu garowsado dhaliilihii iyo dhaleecayntii dhinac kasta kaga soo burqanayey ee lagu hafiyey oo inuu go’aankii hore ka noqdo ku kaliftey. Talo wax ku ool ah ayuuna haleelay markuu Baydhaba ku soo noqday ee ku dhawaaqay inuu khaladamay oo wax badan iminka saxayo. Sidaa awgeed is bedelka iyo aragtida cusub ee Nuur Cadde la soo noqday haddii uu ka dhabeeyo waa mid aan eber ahayn oo taladiisii hore iyo qabqablayn badan oo horay loogu habsaamay dhaami karta. Waase lagu kala taggan yahay oo soomaalida qaar waxay raaceen ruug caddaa horay u yiri: “iima aha, ugamana baran” iyo kuwo la haya guxuushaa yiri: “looge laguu minan fadhiyee”.

Si kastaba ha u hirgeliyee, ugu yaraan maadaama aan masuuliyiinta soomaalida looga baran inay khaladaadkooda qirtaan is bedelka uu la yimid iyo khaladka uu qirtay waxaa loo arkay mid mucjiso ah oo aan waayahan hogaamiye soomaaliyeed laga filayn. Tiradii faraha badnayd ee laga wada qayliyey oo uu aad u soo koobay; isla markaana dadweynaha iyo baarlamaanka tiro is le’eg oo tayadoodu sarayso inuu ka xulan doono oo uu ballan qaaday ayaa haddii uu ka dhabeeyo noqon kara mid, jid wanaagsan u furi karta xal u helidda xaaladaha cakiran ee dawladda soomaaliyeed inay furdaamiso laga sugayo. “Wax na diley Ibleys Fooxle yiri awliyaan ahay” “Af-qalooc”.

Maxaa yeelay ujeedooyinkii is dul saarraa ee tiro badnida wasaaradaha looga gol lahaa ma ahayn kuwo nuxur ahaan dan qaran ku qotoma ee waxay ahaayeen kuwo xambaarsan siyaasado jaban oo aan dhaafsiisnayn in baarlamaanka oo awooddiisa, siyaabo kala duwan loo diiddanaa lagula dagaalamo iyo in magacyo si gaar ahaaneed loo jecel yahay oo, kuwo ka heer sarreeya la iskaga gudbayo lagu meeleynayey. “Hadba geed is maris baa u hadha guul dad leeyahay” “Hadraawi”.

Sidaa awgeed, tallaabadan lagu farxay ee qiimaha soomaalinimo huwani waxay leedahay cadow fara badan oo gudaha iyo dibeddaba rejo soomaali u soo iftiinta lugooyadeeda gole baas u yuurura. Maxaan helaa aan waxba tari karin ha ii joogtee, waxaa fursaddan dahabiga ah looga faa’iidaysan karaa inaan xulashada maanta qabyada ah lagu miisaamin yaa ila fakir ah iyo yaan iga hor imanayn oo, macnaha ku qarsooni noqonayo: yaan waxba garanayn oo aan danahayga siyaasadeed ee gebi dhaclaynaya ka fushan karaa? Si kastaba ha la isu nasakho oo hadba xumbo ha loo cuskadee, haddii go’aanka cusub ee uu Nuur Cadde ku salaysnaa “is-bedel-doon” khaladkii dhacay lagaga bugsoodo; waxaa lagama maarmaan ah inuu ka fogaado jidadkii hungada iyo hoogga soomaali u tabcay oo, miciinsado afkaarta fayoow ee dan qaran ku dhisan sida: yaa wax qaban kara oo, dad weynuhuna hogaamintiisa doonayaan iyo yaysan taladooda ku aamini karin? “Garba-raar cadhaysani hadduu gooyo taladeeda, guulkeedu dheeraa sidii geenyadii Bixin” “Hadraawi”.

Waxaa sidaas loogu taamayaa in horayba hoosta looga xariiqay rabitaanka shacabku inuu yahay shayga keliya ee abuuri kara xukuumad dal xor ah hagi karta iyo in jirrabaad kasta iyo jujuub kasta, dareen qoomamo iyo guul darro aan horay looga soo waaqsan karin oo, ummad nolosheeda iyo horumarkeeda ku habsada ku dambeeyo. Malaha soomaalidu aragtidan aqoon durugsan iyo waaya aragnimo ku filan bay u leeyihiin, waayo xukuumad ay shacab samaysteen oo xoog iyo muruq lagu dardaray way xusuusin karaan dhibaatadii xanuunka badnayd ee ay ka dhaxleen. “Nin hadduu go’aankiyo sharciga gawrac uga yeelo, gacalnimo hal loo yidhi hadday gubayso laabtiisa, runta wuxu u guulguulayaa way gun dheer tahaye, miyaan Geedi Baabuu arladu gelina waayeynin” “Hadraawi”.

Xilligii Alle doono xanuunku soomaali ha daayee, mar hadduu raysal wasaaruhu xarfad taraarkii hore ku hungoobey oo uu ficilkiisii aan la mahadin ka leexday waxaa lama huraan ah inuu hadda is dejiyo oo intuu qolkiisa shaqada hoosta ka xidho su’aalo aan khiyaali ku dhisnayn oo gudashada waajibadka qaran ee hor yaal ku saabsan is weeydiiyo. Marakan isagaa wixii eed dhacay dhabarka u ritey oo wixii uu magacaabay baa haadaan iyo mool aan la arkayn uga tillaabsaday, laakiin iminka haddii uu guntiga dhiisha isaga dhigo oo maskaxdiisa iyo maankiisa u ban dhigo munaaqisho ku aaddan cidda ugu habboon ee ummadda soomaaliyeed ee daallan u khidmayn karta waxay ila tahay inuu heli karo xubno wax weyn dalkan bur-buray ku soo kordhin kara. Waxaase Nuur Cadde laga rabaa inuu la yimaaddo go’aan qaadasho uu kaga gudbo beer laxawsi muddo dheer soo jirey iyo siyaasad korinaysa afar foolayaal aan AABBE mooye, weli af kale baran oo, weliba ku taaggan barnaamij saddex jir ku qaan gaadhay oo eex macangagnimo ku aroorta iyo tunkayga ku daaq indho adayg la magac baxay lala garab taagan yahay. “Gobanimana waa quus ninkii gawska dhaafsadaye, Gebagebo rag lagu keenay baa layga gadayaa”.

Deganaanshaha qofnimo ee ka muuqda iyo afkaaraha inay lugooyada iyo xumaanta ka madhan yihiin la moodo ee raysal wasaarahan horay khaladka loo jiidhsiiyey laga dheehan karaa waa kuwo haddii uu dareenkiisa oo qudha raali geliyo soo saari kara talo aan danaha ummadda soomaaliyeed kala irdhaynayn oo ay hogaanka u hayaan xaaja yaqaano xil kas ah oo, dalka samo iyo caddaalad ku ekayn kara oo, aan figrad ay qof ama koox ka aaminsan yihiin lagaga hor is taagi karin inay soomaali u adeegaan. “Gar-ma-qatayaashiyo dadkaa beera ruux gudhan” “Hadraawi”.

Jid kastaba Raysal wasaare Nuur Cadde ha u maree, haddii uu soo dhiso xukuumad xubneheedu ay waajibaadka loo igmaday ku filan yihiin oo, uu baarlamaanka soo hor dhigo waxaa lama dhaafaan ah inay xubnaha baarlamaanku ansixinta xubnaha golaha wasiirada iyo barnaamijkoodaba meel mariyaan oo, aanay tolkay muxuu helay iyo maxaa laygu dari waayey ku talo goosan. Maxaa yeelay haddii uu Md. Nuur Cadde wixii lagu eedeeyey is bedel ku sameeyo oo soo bandhigo waxaa iska cad inay eeddu ka hadhayso oo haddii baarlamaanku diido ay eedda iyo ceebtu xildhibaanada la hoyanayso. Sidaa awgeed, haddii uu wadaadkani waddadii hore wax ku socodsiiyo la garay oo ma shaqaynayso, balse haddii uu talo cusub iyo magacyo cusub oo wixii uu ku baaqay aan weydaarsanayn la gole yimaaddo waa in lagu raacaa oo weliba lala shaqeeyaa. Odaygan hore dhabbo goodirta ugu habaabay wax buu sheegay waxna u laaban, waxaase la sugayaa tilaabada soo socata ee inuu qaado laga sugayo.

Wa Billaahi Toowfiiq. ACW.

Xildhibaan Ibrahim Mohamed Deeq
E-mail: imdeeq@hotmail.com / imdeeq@yahoo.com 
Baydhabo/Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2007

Waxa uu soo kordhin karo Raysal Wasaare Nuur Cadde... Faalladii Xildhibaan Ibraahim Maxamed Deeq

YAA RAYSAL WASAARE KU HABOON?: Qormadii Xildhibaan Ibraahim Maxamed Deeq.. Akhri...


farooleCabdiraxman Faroole: Heshiiskii 2005 ee Khayraadka Dabiiciga, Cadde Muuse sharci uma lahayn in uu saxiixo...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com