SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

  • Gudoomiyaha Arimaha Nabadgelyada Sh/Hoose Maxamed Carab“qof dambe oo la qaldidoona ayaa jira ma qabo, hadii uu jirana hada haka waantoobo”

  • Taliyaha Ciidamada Booliiska G/Sh/Hoose G/sare Cali Ganey “…ujeedadoodu waa in dadka Gobolka Qax la geliyo”

Gudoomiyaha Arimaha Nabadgelyada Sh/Hoose Maxamed Carab “qof dambe oo la qaldidoona ayaa jira ma qabo, hadii uu jirana hada haka waantoobo”

Maxamed Carab
Gudoomiyaha Arimaha Nabadgelyada G. Sh.Hoose Maxamed Carab
/ SQ. Maxamed 'ALLMAN'

Gudoomiyaha Arimaha Nabadgelyada Gobolka Sh/ Hoose Maxamed Max’uud Cilmi (Maxamed Carab) oo soo gaarey Magaalada Baydhabo isaga iyo Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Sh/ Hoose G/sare Cali Aadan Cali (Cali Ganeey), islamarkaana aan wareysi gaar ah kula yeeshey Hoteel Calaacal ee Magaalada Baydhabo ayaa ka Hadley Ujeedada safarkooda, Xaalada Nabadgelyo ee Gobolka Sh/ Hoose iyo Ciidamadii Maxkamadaha Islaamiga oo la sheegey in ay ku sugan yihiin halkaas.

Gudoomiyuhu isagoo arimahaasi ka hadalaya ayaa wuxuu yiri “Magaalada Baydhabo waa Xaruntii DFKMG, inaguna waxaan ka tirsanahay maamulka dowlada, waxaana inoo yeerey Mas’uuliyiinta sar sare ee dowlada, sida Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arimaha Gudaha dhamaantoodna waan is aragney, waxaana ka wada hadalney, arimaha nabadgelyada, maadaama Soomaaliya maanta inta badan laga hadlo arimaha nabadgelyada, taas ayey ahayd waxa naloogu yeerey oo aan u nimid”

Maxamed Carab wuxuu keloo sheegay “ in Mas’uuliyiinta sare ee dowlada ay isla garteen in la hormariyo arimaha Nabadgelyada iyo horumarka Gobolka maadaama ay dadku yihiin dad Beeraley, Xoolo dhaqato, Ganacsato iyo Kaluumeysato, Gobolku wuxuu ka fiican yahay Gobolo badan dhinaca nabadgelyada ayuu yiri Max’ed Cara boo intaa raaciyey dowladuna waxay u soo dirsan kartaa dadd xaqiiqo raadin ah iyo qof walba oo Soomaali ah oo nabad jecel waan ku casuumeynaa, dowladu wixii qaab cusub ah oo dhinaca nabadgelyada ah iyada ayey u taalaa mana ahan mid anaga inootaalo ayuu yiri Max’ed Carab mar aan weydiiyey waxa aad ka wada hadasheen ma wuxuu ahaa qaab cusub oo ay dowladu idiin fartaa mise arimo kale ayaa jirey?.

Sidoo kale mar aan weydiiyey dadku waxay isla dhexmaraan in ciidamadii hore ee Maxkamadaha Islaamiga ay wali sidoodii uga hawlgalaan Gobolka Sh/ Hoose, islamarkaana uu maamulka Gobolkana la leeyahay Gacan saar maxaa ka jira arintaas?.

Maxamed Carab waxaa uu ku jawaabey “Gobolka waa uu baaxad weyn yahay wuxuuna leeyahay saldhigyo badan marka laga hadlaayo arimaha nabadgelyada Shacabka Gobolka, Odayaashooda iyo Ciidamada ayaa iska kaashada, Ciidamo oo hada Maxkamadaha u shaqeeya oo aan ognahay ma jiraan, laakiin waxaa jira ciidamadii hore Gobolka u joogi jirey oo Maamulkii Indho cade ka tirsanaa, kuwaasina waa la Qarameeyey, isaga maamulka uun buu hayey ee ma ahan in ciidamadu uu isagu dhalay, hadii uu isaga meesha ka baxayna dowlada ayaa timid, waxay u timidna waxay ahayd dibuheshiisiin, ciidamaduna hadii uusan cadaan ra’yigooda oo aysan raacin maamulkii hore waxaa loo bedelay Ciidan Qaran oo isugu jira Booliis iyo Militeri, dhibaatooyinkii bilihii aynu ka soo gudubneyna waa la xaliyey, waxaana waday niman Xildhibaano ah oo Gobolka ka soo jeeda, lamina dhihi karo way jiraan, xogteeda hoose ayaan aad u ognahay, sidaan kuu sheegaayo ayey u dhamaadeen, dhalin yaradii hawsha wadeyna waxaan u sameyney dhaqan celin waxayna ka mid yihiin ciidamada Booliiska, qof dambe oo la qaldidoona ayaa jira ma qabo, hadii uu qabana hada haka waantoobo.

Taliyaha Ciidamada Booliiska G/Sh/Hoose G/sare Cali Ganey “…ujeedadoodu waa in dadka Gobolka Qax la geliyo”

Cali Ganeey
Taliyaha Ciidamada Booliiska G. Sh. Hoose G.sare Cali Ganeey
/ SQ. Maxamed 'ALLMAN'

Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Sh/Hoose G/sare Cali Aadan Cali (Cali Ganey) oo aan isna wax ka weydiiyey caqabadaha inta badan la soo gudboonaada maamulkooda, kiisaska inta badan ka dhaca Gobolka Sh/hoose iyo Qaraxyada inta badan ka dhaca Gobolka cida ka dambeysa ayaa wuxuu yiri:

“horta ujeedadda Socdaalkeena wuxuu ahaa wicitaan mas’uuliyiinta sare ee dowlada ay na waceen, muhiimadiisuna waxay ahayd in warbixino fiican ay ka helaan Gobolka, inaguna aan ka siino wixii gobolka ka jira, dulucduna waxay tahay in Gobolka wax loo qabto amnigiisuna la sugo, Barnaamijka dowliga ahna si wanaagasan oo is Af-garad ah loogu shaqeeyo, dar dartii aan ku socon lahayn waa naloo dhiibay, taas ayaa ujeedada socdaalkeena ahayd”.

Mar uu ka hadlaayey kiisaska inta badan ka dhaca Gobolka Sh/Hoose ayaa wuxuu yiri “kiisaska inta badan waxay u badnaayeen Tuugo Hubeysan iyo mid aan Hubeysneyn, intooda badana waxaan u gudbineyney Maxkamada, dhaqaalaha ciidamada Booliiskuna waxaa bixiya Ganacsatada Gobolka iyo Odayaasha deegaanka oo aan kulminay ayaa waxay balan qaadeen in dhaqaalaha ay iska aruurinayaan, mana jiro ilaa iyo hada wax ka soo horjeeda maamulkaas, horeyna way u jireen kuwo ka soo horjeeday taasina way dhamaatey, anaguna waxaan awooda saarney dhinaca amniga, inkastoo dadkii maamulka loo dhiibey markii hore ay ahaayeen kuwo tayo xun oo markii hore lagu keeney shekh-sigaan halkaas ma ku noolaankaraa, dowladuna way ogtahay, iyada ayey u taalaa sidii laga yeeli lahaa, maadaama aan markii hore laga fikirin.

Sideedaba maamulka dowladu wuxuu yahay dad marka ay meel u dhiibto waa loo yeeraa wixii lagu amaani lahaa waa lagu amaanaa, wixii lagu dhaliilihaana waa lagu dhaliilaa, waxayna ahayd in Amaanka shacabka si wanaagsan loo adkeeyo oo la hubiyo, qaabkii hore aan ku hawlgeli jirney wuxuu ahaa mid casri ah oo aad iyo aad u hubsan oo Saldhigyada Booliiska oo gaaraya dhowr iyo toban ayaa shaqeeya iyo waxaan sameyney ciidan Gurmad ah wadooyinka amaankooda suga, hawshuna ninba halkii loo dhiibo ayuu ka qabanaayey ayuu yiri Cali Ganey mar uu ka hadlaayey qaabka ay u hawlgalaan ciidamada Gobolka.

Sidoo kale mar uu ka hadlaayey Qaraxyada inta badan ka dhaca Gobolka cida ka dambeysa ayaa wuxuu yiri “Soomaalidu waxay tiraahdaa Hooyadaa Uuray leedahay iyo wey Riman tahay waa isla halkii, balse Afkaa u kala roon, Qaraxyada dhacaaya Soomaalida ayaan kala mid nahay, kasoo bilow min Madaxweyne ilaa iyo inta ugu hooseysa dowlada fikirka ay ka qabaan ayaan qabnaa, in dadd wax qarxiya ay jiraan, waxaana wada dadd Dowlada ku kacsan, sababta ay ugu jiraana hawshaas in la weydiiyo kuwa wax Qarxinaaya ayey ku fiican tahay.

Cali Ganey mar uu ka hadlaayey caqabadaha inta badan horyaal ayaa wuxuu ku sheegey in ay ka mid tahay Aragtiyada kala duwan ee kala qabaan Xildhibaanada qaarkood iyo Wasiiradda qaarkood fikirka, waayo waxaa jira Ra’yi dhahaya Gobolka dhamaantiisa Al-qaacida ayuu taageeraa oo laakiin aan sax ahayn oo iyaguba way ogyihiin, weyna iska leeyihiin, ujeedadoodu waa in dadka Gobolka Qax la geliyo, kuwo kale waxay leeyihiin waa in laga saaraa qaybo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee gobolka ku nool, halka Koox kale oo sedexaadna ay qabto waa in maamulka loo dhiibaa dad aan deegaan u dhalan, inaguna waxaan doonayenaa Soomaalida Gobolka joogta in ay nabad kuwada noolaadaan, lagana gudbo wixii hore oo loo gudbo aragti midaysan oo Soomaalinimo ah”.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2007

farooleCabdiraxman Faroole: Heshiiskii 2005 ee Khayraadka Dabiiciga, Cadde Muuse sharci uma lahayn in uu saxiixo...

Yemen: Xaflad Lagu Maa-muusayey Qalin-Jebinta 50 Arday oo Soomaali ah oo ka Dhacday Magaalada Sanca

Jordan: Kulan Wafti ka socda Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Suudaan iyo ardayda Jordan....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com