SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Safarkii ugu horeeye ee safiir Soomaaliyeed ku tago Hyderabad India.

Waxaa magaalada Heyderabad ee dalka India soo gaaray 26 -Dec. 2007 safiiradda Cusub ee dowladda fedeeralka Somalia u soo magacowday dalka Inda Ebyan Ladane.

Safiiradda waxaa casumay oo ay soo booqatay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Hyderabad oo ay ugu horeeyaan aqoonyahanka, odayaasha, haweenka aradada soomaaliyeed ee hyderabaad iyo gobolada ku xeeran wax ka barata iyo guud ahaan Soomaalida Hyderabad iyo AP ku dhaqan.


Sawirada oo weyn halkan ka eeg....

Safiiradda waxaa halkaas loogu sameeyey soo dhawayn aad u weyn oo aysan u kala harin dhamaan bulshada iyo ardada Soomaaliyeed.

Waxay safiiraddu ka dhagaysatay dadkii kulanka ka qaybgalay baahiyaha kala duwan ee ay qabaan oo ay ka midyihiin passporarada, viisooyinka scholarshipyada iyo baahiyaha guud. 

Waxay kale oo ay ugu hanbalyeeyeen safiiradda uguna duceeyeen xilka weyn ee ay umadda u qaaday iyaga, oo aad ugu farxay markay maqleen calankii Soomaaliyeed oo India laga taagay lana suray gaarigii safaaradda. 


Sawirada oo weyn halkan ka eeg....

Ka dib markay ka dhagaysatay baahiyaha ay qabaan iyo warbixintii Waxay safiiraddu halkaas ka soo jeedisay hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya waxayna balanqaaday in ay ka shaqaysiindoonto safaaraddii Somalia oo aan in muddo ah shaqaynayn. Waxay safiiraddu halkaas ka muujisay in ay aad ugu faraxsantahay kulanka iyo soo dhawaynta qiimaha badan leh ee loo sameeyey. “waxaan ahay safiirad Soomaaliyeed gobol iyo qabiil midna kuma shaqayndoono balse waxaan ku shaqayn doonaa taladiina iyo rabitaankiina. Waxaa inaga dhexee saddex waxyaalood oo aan marna kala hari Karin waana dalka, diinta iyo dowladda. Waxaan balanqaadayaa in aan idiin sameeyo waxkasta oo karaankayga ah ee aad u baahantihiin” 

Waxaa kale oo xafladda telefoon ahaan uga qaybqaatay Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) isaga oo u mahadceliyey qaban qaabiyayaashii iyo ka soo qaybgalayaashii xaflada isla markaasna u hanbalyeeyey Safiiradda Ebyan Ladane. Wuxuuna yiri isaga oo hadalkiisii sii wata “Ebyan waan aqaan waa qof karti iyo aqoon leh waxayna idinka caawindoontaa waxyaaba badan oo aad u baahantihiin idinkuna wixii talo aad ii haysaan ii soo mariya gacana ku siiya gudashada xilkeeda”


Sawirada oo weyn halkan ka eeg....

Ugu danbayntii waxaa si habsami leh ku soo gabagaboobey xafladii iyo casho sharaftii safiiradda loo sameeyey, waxaana si weyn isku marxabeeyey safiiradda iyo ka soo qaybgalayaashii xafladda oo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad iyo hididiilo aad u weyn. Waxaa kale oo safiiraddu kulamo gooni gooni ah la yeelatay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Hyderabad.

Mohammed Abdi Baldho, Hyderabad-India

Baldho12@yahoo.com

+919-989-255-394 

Ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka barta Dalka Hindiya oo dhigay Xaflad Aqoon isweydaarsi - Dec 28

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com