SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamada Ethopia ee kusugnaa Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo isga baxay.


Boqolaal ciidamo ethopian ah oo ku sugnaa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa iskooda isaga baxay habeenimadii jimcaha 12:00 AM saqdii dhexe iyagoo u kicitimay dhanka xuduuda ethopia kadib markii ay ku sugnaayeen degmadaasi mudo dhan lix bilood.


Dad ku ordaya jidka iyo Dhufey ay xabashida lahaayeen
Sawirada oo weyn Eeg halkan  ama Halkan

Ciidamadani ayaa gobolka Galgaduud uga sugnaa degmada Guriceel oo kaliya iyagoo dhibaato weyn ku hayey xaga Amniga iyo Horumarka degmada, dhaqdhaqaaq aad u weyn oo u muuqdey inay ka baxayaan degmadani ayaa isbuucyadii ugu dambeeyey lag dareemayey ciidamadani iyagoo raranayey teendhoonyinkoodii iyo alaabahii kale ay saadka uwateen.


Sawirada oo weyn Eeg halkan  ama Halkan

Sidoo kale waxa ay maalintii arbacada 26/12/2007 ay wateen milkiilihii shirkada Beder Guriceel iyo ku xigeenkiisii kadibana ay soo daayeen galabnimadii khamiista, waxayana horey uga kaxeysteen degmadani maalintii qamiista sadex baabuur oo ah nooca loo yaqaano candhamiidlaha iyo wadayaashoodii oo labo ka mid ah leedahay shirkada Beder Guriceel kuwaasi oo ay ku raranayeen teendooyinkoodii iyo alaabihii kale ay horey u wateen.

Arinkaas bixitaanka Itoobiya ayaa farxad weyn ku abuurtey dadkii ku noolaa degmada iyagoo aroornimadii saakey isugu soo baxey xeradii ay ciidamada ka baxeen, dadkani aya wajiyadoo laga dareemayey farxad aad u weyn inkastoo ay ku xunyihiin walaalahoioda dhibaatda ku haysta Muqdisho iyo Baladweyne iyagoo u ducaynaya in ay iyagana ka guuleystaan ciidamada ku soo duuley dalka kuwaasi oo dhibaatooyin hor leh sii galiyey mustaqabla Soomaaliya.


Sawirada oo weyn Eeg halkan  ama Halkan

Xerooyinkii ay ka samaysteen degmada Guriceel waxaa ka mid ahaa Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanakaa, Guryo, iyo goobo ganacsi kuwaasi oo dhamaan xirnaa mudadii ay ku sugnaayeen ciidamadaasi iyagoo ka kala eryey dadkii daganaa iyo shaqaalihii isbitaalka kadib markii ay yimaadeen ciidamadaasi, Sidoo kale xerooyinkii ay ka guureen ayaa waxaa ka dhex muuqanayey saanadihii lagu yaqaaney ciidmada ethopianka sida BUSKUTKA iyo gasacado ay ku jiraan hilibka doofaarka pp sajaleysan kuwaasi oo ugu weynaa saadka ay inta badanai isticmaalaan ciidamada dalla Ethopia.

Tasbeelayaasha la suray magaalada - Eeg sawirka oo weyn

Ugu dambeyntii dadka degmaa degamada Guriceel ayaa dhajiyeey boorar kuwaasi oo tilamaamay inay ka xun yihiin ciiidmada Ethopia ee jooga dalka intiisa badan.


Abdulkarim Mohamed Jim'ale (Muxsin)
muxsin55@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com