SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

BANAZIR BHUTO OO LA QAARIJIYEY IYO PAKISTAN OO QALAASE SOO FOODSAAREY.

WAXAA SI RASMI AH LOO XAQIIJIYEY GEERIDA HAWEENEYDII RW KA AHAAN JIRTEY PAKISTAN BANAZIR BHUTTO KADIB QARAX IYO TACSHIIRAD LALA BEEGSADAY WAXYAR KADIB MARKII EEY KA TAGTAY ISU SOO BAX SIYAASADEED OO XISBIGEEDAA PPP EEY KU SAMEEYEEN MAGAALADA RAWALPINDI____GEERIDA BHUTTO IMISA QOF AYAY GALAAFAN DOONTAA???

Dec 27, 2007

Sida eey xaqiijinayaan saraakiisa dowlada islaamka ah ee pakistan iyo xisbiga mucaaradka ah ee PPP, Banazir Bhutto oo labbo jeer RW kasoo noqotey dalka pakistan ayaa u geeriyootey tacshiirad iyo bom nin naftii hure ah uu isku qarxiyey waxyar kadib markii eey ka tagtay isusoo bax xisbigedu ka dhigeen magaalada Rawalpindi ee xarunta u ah malatariga dalkaasi, qaraxa ayaa sidoo kale la xaqiijiyey in eey ku naf waayeen illaa 16 qof oo rayid ah.

Banazir ayaa ku geeriyootey isbitaal magaaladasi ku yaala, isbilaatalka hortiisa ayaa waxa isugu soo arruurey boqolaal taageerayaasheeda ah oo ilimeynayay, oo hab isa siinayay, magaalada eey ku dhalatay ee Karachi ayaa isla iminka eey ka dilaaceen rabshado xoog leh oo xittaa tacshiirad eey ka dhacayso, iyadoo eey iska horimaadyo samaynayaan policeka iyo taageerayaasheeda,

Waa dilkii qaarijinta ahaa ee ugu saameynta xooga badnaa dhawaanahan ee dunida ka dhaca, dhamaan qalabka war baahinta aduunka ayaa laga tabinayaa barnaamijyo toos ah oo looga hadlayo qaarijinta Bhutto.

Banazir Bhutto waa gabadha uu dhalay RW-hii ugu horeeyey ee si xaq ah loo doorto pakistan Zulfikar Ali Bhutto, 1979 ayaa isagana la qaarijiyey kadib afgambi malatari, Banazir ayaa noqotey haweeneydii ugu horeysay taariikhda oo wadan islaam ah ra'isulwasaare ka noqota, 1988 ayaa loo doortey RW waxayna heysay xilkaasi illaa 1990kii, xiligaasi oo doorasho looga reeyey, waxaa dib loo doortey 1993 oo eey xilka RW (ra'isul wasaarenimada ) heysay illa 1996 dii, xiligaasi oo xilkii laga qaadey, laguna soo oogey eedeymo la xariira musuq iyo wax is daba marin, wixii xiligaasi ka dambeeyey dalka ayaa iskeed masaafuris oga tagtey, waxay dib ugu soo laabatay 18 kii october 2007, goortaasoo kumanan dad ah oo iyada soo dhaweynayay bam lala beegsatay waxaa ku qur beeley illaa 150 qof balse iyadau waxbo ma gaarin.

Qoyska Bhutto kuma cusba qaarijinta, ka sokow aabaheed labadeeda walaalo ayaa ku dhintey dhacdooyin shaki kulansaday oo si qaab daran loo diley, iyadana horaantii 1990 meeyadii al-qaeda ayay ku eedeysay ineey dhowr jeer isku dayeen ineey iyadu dilaan.

Bhutto waa xaas, labbo carruur ah leh, waxayna gadaasheeda oga tagtey shaki iyo calaamad su'aalo waaweyn oo ku saabsan mustaqbalka dalkaasi rabshadaha siyaasadeed hareeyeen. maalmaha soo socdana waxa laga war dhowri doonaa waxa dalkasi ka dhaca, iyadoo eey bisha koowaad ee sanadka cusub eey soo food leeyihiin doorashooyin aad loogu tartami doono iayaduana eey madaxtinimo u sharaxneyd.
 
C/NASIR AXMED SH. BASHIIR (SAXANSOXO), EMAIL: SAXANSOXO12HOTMAIL.COM , JOHANSBURG SOUTH AFRICA.
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 27, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com