SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamada Xukuumada Ethiopia Oo Dad Shacab ah Ku Laayey Deegaanka Suuqa Xoolaha

 Deegaanka suuqa xoolaha ee magaalada muqdisho oo dhowaanahaba ay aafeeyeen dagaalo xoogan oo u dhexeeya ciidamada ethiopoanka iyo kuwa dowlada FKMG oo isku garab ah iyo xoogaga kasoo horjeeda ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah islamrkaana ciidamada ethiopianka oo isku faafiyey halkaasi ayaa saaka waxaa halkaasi lagu arkay meydadka dad rayid ah oo ay xasuuqeen ciidamada ethiopianka ah .

Meydadkan oo gaaraya ilaa iyo 3-qofood oo rayid ah ayaa la sheegay inay ciidamada ethiopianka oo shalay galab gaabkii oo isku faafiyey deegaanka degmada huriwaa ay dilalkan gaysteen ,sida uu saxaafada u xaqiijiyey mid kamida goob joogayaal ku go,doonsanaa deegaankaasi oo magaciisa codsaday inaan la shaacin .

Sidoo kale dad shacab ah oo lagu qiyaasay ilaa 200-oo qofood ayaa xalay ku go,doomay guryahoodii kadib markii ay ciidamada xukuumada ethiopia ay kala xireen xaafadaha deegaanka degmada huriwaa taasoo ay dadka qaarkiis u hoyadeen geedaha hoostooda islamarkaana ay qaarkood kala go,doomeen hooyooyin iyo caruurtoodii .

Dhinaca kaler Xaalada suuqa xoolaha ee degmada huriwaa ayaa saaka kusoo laabatay kadib markii ay ciidamada etjiopia iyo kuwa dowladaFKMG iskaga bexeen halkaasi .

Ciidamada Xukumada Ethiopia ee ku sugan magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa badanaaba gaysta xasuuq iyo dilal kala duwan kadib marka ay xoogaga kasoo horjeeda ay dagaalo kala hor yimaadaan islamrkaana ka aargoosta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan .

Waa Sidee Xaalada Weriyayaashii Ka Cararay Xaalada Amaan Daro Ee Caasimada
Muqdisho.

Xaalada cakiran ee nabad gelyo xumo ayaa keentay inay iskaga baxaan magaalada caasimada ah ee muqdisho weriyayaal ka dhex shaqaynayey magaalada xiligii dagaaladii sokeeye iyo weliba xiliyadii ka horeeyey kadib markii ay naftoodii la cabsadeen.

weriyaashan oo qaarkood ay naftooda ula carareen magaalada hargaysa ee xarunta maamulka somali-land islamrkaana ay dowlada somaliland eedaymo kaga yimid darteed kaga baxseen hargaysa ayaa la sheegay inay halkaasi uga sii ambabaxeen halkaasi si ay naftooda ula tacaalaan .

hadaba wararka ka imaanaya jamhuuriyada jabuuti ayaa sheegaya inay weriyayaashaasi ay halkaasi weli ka helin wax gacan qabasho ah islamrkaana ay noqotay nin walboow jeebkaaga .

Xaalada cakiran ee xiisadaha colaadeed ayaa sahlay inay weriyaasha ku sugan goobaha colaada sida muqdisho oo kale ay qaarkood kala kulmaan dhibaato baahsan oo cabsiyi ku dheehan tahay taasina ay naftoodii ku qasabtay inay isku biimeeyaan meelo kala duwan oo aysan wax dhaqaalo ah u haysan .

Si kastaba ha ahaatee xaalada weriyaashaasi oo ka koobnaa 14-weriye ayaa laga soo dayrinayaa kadib markii ay dhaqaalo xumo jirta awaadeed kala kulmeen halkaasi mana cada ilaa iyo iminka cid sheegatay inay ka caawin doonto.

yaasiin faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com