SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

  • Qarax aad u weyn oo Caawa ka dhacay Bosaaso

QARAXII XALAY BOOSAASO KA DHACAY YAA KA DANBEEYAY!!

SomaliTalk.com | Boosaaso | Dec 28, 2007

Sida aynu horey u sheegnay qarax weyn oo ka dhacay xaafadda sawirkeedu idiin ka muuqdo dhanka midig ee boggan (ee Biyo kulule) ayaa sababay dhaawaca 8 qof.

Ma jirto cid ku dhimatay Qaraxaas.

Qof goob joog ahaa ayaa ii sheegay in qaraxu uusan aheyn gaari miinaysan balse uu ahaa mid gacanta laga tuuray. Arrinta sababtayna ma'aysan aheyn howlo shaqo ku leh "argaggixiso". Balse ay aheyd dad ehel ahaa oo is maandhaaf soo kala dhex galay.

Poliska ayaa wali danbi baaris ku jira.

Arrintan ayaa waxeey ku soo beegantay ayadoo Bosaaso ay soo gaareen wafdi  ka socdda wadamadda spain iyo argentina.

Wafdigaan ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxdda sar sare ee puntland ayadoo dantoodu tahay in lasoo badbaadsho labadda dumarka ah ee la afduubay.

Boosaaso jawigeedu saaka waa caadi, inkastoo arintan meel walba laga hadal hayo.

Waxaan xalay indhaheyga ku arkay xarumaha ay daganyihiin hay'adaha oo heegan lagaliyay ilaaladoodii, sidoo kale xawilaadaha, baqaaradda, xarumaha ganacsi dhamaan xalay waxaa lagu arki karay askar hubeysan oo hor taagan. Arrintan ayaa ah mid yaab ku abuurtay reer bosaaso, balse hadda ay xaaladdu deggan tahay.

c/qaadir xasan gooni
gooni2004@hotmail.com
SomaliTalk.com | Bosaso


  • ciidamada puntland oo aan wali waxba kaqaban in ay gacan kusoo dhigaan shaqaalihii MSF iyo kooxdii afduubatay.
  • Kaalo iyo Action Aid oo qabtay xaflad lagu gababaynayo mashruuca Tsunami qaybtiisa xaalada deg dega ah.

Qarax aad u weyn oo Caawa ka dhacay Bosaaso


Dhaawaca Qaraxii Boosaaso, Dec 27, 2007 [LaasqorayNET]

Waxaa caawa magaaldda Bosaaso ka dhacay qarax balaaran oo sababay dhaawac, qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay magaalada dhexdeeda, Xaafadda BIYO KULULE.

Qaraxan oo dad badani oo bosaaso ku nool la'yaabeen ayaa ahaa mid ka dhacay guri xiligaa ay dadkii lahaa hurdo ku jireen.

Mar aan laxiriiray isbitaalka Bosaaso ayaa waxaa la'ii sheegay in dhaawacu dhan yahay ilaa 8qof, ayadoo qaar ay garaabo yihiin.

Meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku gedaaman ciidanka booliska ee xaafadda biyo kulule, wadooyinkana waa lawadda xiray gabi ahaan.

Arintan ayaa waxaa la'oran karaa waa arin ku soo cusboonaatay deegannadda puntland.

wixii faah faahin ah weynu ogaan doonaa.

c/qaadir xasan gooni
bosaaso
gooni2004@hotmail.com

Sawirada Dhaawaca: Waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey, lehna xuquuqda sawirada, J A Feyte+ Abdirizak Haji-Ali/LaasqorayNET/


Dhaawaca Qaraxii Boosaaso, Dec 27, 2007 [LaasqorayNET]

Dhaawaca Qaraxii Boosaaso, Dec 27, 2007 [LaasqorayNET]

Isha sawirka: LaasqorayNet


Ciidamada puntland oo aan wali waxba kaqaban in ay gacan kusoo dhigaan shaqaalihii MSF iyo kooxdii afduubatay.

Waxaa maanta afduub loo haystaa laba hablood uu u shaqaynayay Hay'adda MSF Spain ku waa soo ay shalay barqanimadii ay afduubeen koox burcad ah.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay shalay in ay baacsanayaan afduubayaasha qafaashay shaqaalahan ayn ayna ku hareeraysan yihiin.

Hase ahaatee , waxaa muuqata in Ciidanka Booliska aysan u suurtagalin in ay gacanta ku dhigaan shaqaalaha MSF, waxaana la sheegayaa in la islagalay buuralayda mareera.

Buuralayda mareera ayaa ah meel aysan baaburtu mari-karin oo aad u buuro iyo qarar badan , waanata taas sababta keentay in si sahal ah ay Boolisku u soo badbaadin waayaan shaqaalaha MSF.

bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com

Kaalo iyo Action Aid oo qabtay xaflad lagu gababaynayo mashruuca Tsunami qaybtiisa xaalada deg dega ah.
 
Hay'adaha Kaalo iyo Action Aid ay xaflad lagu soo gababaynayo mashruucii Tusunami qaybtiisa xaalada deg deg ay ku qabteen Jaamacadda Puntland State University (PSU) , waxaana xafladan ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin M.kuxigeenka Puntland Xassan Daahir Af-qurac , Masuuliyiin ka socda Hay'adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Xassan Daahir Af-quracn M.kuxigeenka Puntland ayaa xusay dhibaatadii ka dhalatay Tsunami ee Puntland wuxuuna sheegay in masiibadan ay ku dhacday Puntland oo kaliya marka laga hadlayo qaarada Africa.

Wuxuu kaloo xusay dhibaatooyinkii ka dhalatay dhowr masiibo oo kala duwan oo ka dhacay Puntland ilaa 2004 oo ay ka mid ahaayeen roobkii barafka watay , wuxuuna sheegay in dawladda Puntland ay arimahan oo dhan ay qaylo-dhaan ka jeedisay iyakoo caalamka ka codsaday in ay gargaar la soo gaaraan.

Wuxuu u mahadnaqay Hay'adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee gargaarka bini'aadanimo ka gaystay masiibooyinkan.

Guddoomiyaha Ururka Kaalo Maxamuud Sheekh Xaamid ayaa halkaasi wuxuu ka soo jeediyay warbixin kooban oo uu kaga hadlayo waxyaalihii ay iyaka iyo Action Aid ay magaalada Eyl ee gobolka Nugaal ka fuliyeen oo si kooban u sharaxay.

Intaas kadib ayaa halkaasi waxaa dadkii joogay xafladan la daawadsiiyay flim ka turjamaya waxqabadkii EYL ee Hay'adaha Kaalo iyo Action Aid.

Guddoomiyekuxigeenka Degmada EYL Cali Faarax ayaa mahadnaq aad u ballaaran u jeediyay Kaalo iyo Ation Aid , wuxuuna si gaara ugu mahadnaqay Kaalo iyo hawlwadeenada oo ku tilmaamay kuwo daacad ah islamarkaasna si aad u wanaagsan magaalada uga fuliyay mashaariic aad u badan oo loo baahnaa.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Magaalada Eyl ayaa iyakuna ammaan iyo mahadnaq u jeediyay Ururka wadaniga ah ee Kaalo ee ka hawlgala Puntland.

Guddoomiyaha Ururka Kaalo Maxamuud Sheekh Xaamid ayaa Puntlandpost u sheegay in ay suuragal noqon-karto in ay mashaariic la xiriira arimahan ay sii wadikaraan balse ay iminka soo afjareen qaybtii xaalada deg deg ah ee Tsunami.

bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2007

SAWIRADA QAAR: Google Search...

December 28, 2006 waa maalintii ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya cag- dhigeen Xeebta Muqdisho...
"...nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya" sidaas waxaa qortay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya...
Akhri: Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Af-Soomaali loo rogey::: Waa qoraalkii ay soo saartay Itoobiya ka hor intii aan cidamadeedu gelin Muqdisho, waxaana uu qeexaya ujeedada dhabta ah iyo siyaasada Itoobiya ay ka leedahay dalka Soomaaliya... Akhri halkan...

Akhri: YAA GABLAMI, YAASE GOOD DILI? ee Abdullahi Spanish
Vido: Dagaalkii 1977/78 ee Soomaliya iyo Itoobiya
Dhegeyso: Waraysigii Dr. Cumar Cusmaan Raabeh

Akhri: Aw Jaamac: Dhimbil dib u soo noolaysay Halgankii


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com