SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Dagaal ilaa Shalay Galab ilaa Maanta ka socda Muqdisho...

Khamiis (Dec 27, 2007): Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dagaallo goos goos ah iyo miinooyin ka socdeen ilaa xalay ilaa maanta oo Khamiis ah, dagaalkaas oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya oo berrito Jimce ah ay u tahay hal sano in ay kusugan yihiin Muqdisho iyo xooggaga Muqaawamada Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda joogitaankooda.

Shalay galab waxaa dagaal ka dhacay degmada Wardhiigley, jidka Aadan Cadde.

Saakay oo Khamiis ahna waxaa dagaal ka dhacay degmada Yaaqshiid kaddib markii weerar lagu qaaday ciidamo Itoobiyaan ah oo joogey isgoska Miisaanka Dhuxusha ee xaafadda Towfiiq.

Waxaa jira warar hordhac ah oo sheegaya in qarax miino oo jidka la dhigay lala beegsaday gawaari itoobiyaan ah oo ah nooca loo yaqaan Uuraalka, arrintaas oo ka dhacday Isgoyska Towfiiq.

Waxaa kale oo maanta dagaal xooggani ka dhacay xaafadaha Huriwaa iyo Suuqa Xoolaha, waxaana la isu adeegsady qoryaha noocyadodoa kala duwan.

Dec 28, 2007, oo berri ah, waxaa ku beegan maalintii ay ciidama Itoobiya soo galeen xeebta Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa jira warar soo baxaya oo tibaaxaya in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Muqdisho ay urursanayaan oo bililiqaysanayaan buugaagta cilmiga iyo taariikhda ee ay ka helaan guryaha ay baartaan, waxa kale oo Itoobiyaanku xoogga saarayaan inay Soomaalida saxaafadeeda ka dhigaan sida tan Itoobiya oo ah dalka dunida ugu dambeeya dhinaca saxaafadda xorta ah marka laga hadlayo, taas oo uusan hadli karin cid aan Zenawi u khidmayn. Taas waxaa dheer xasuuqa shacabka iyo madaafiicda aan loo meel dayin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiay qoraal ay qortay ka hor intii aysan ciidamadoodu soo gelin Soomaaliya waxaa ka mid ahaa erayadan "...nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya" Qoraalkaa ka Akhri halkan...

calanka

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 27, 2007

December 28, 2006 waa maalintii ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya cag- dhigeen Xeebta Muqdisho...
"...nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya" sidaas waxaa qortay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya...
Akhri: Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Af-Soomaali loo rogey::: Waa qoraalkii ay soo saartay Itoobiya ka hor intii aan cidamadeedu gelin Muqdisho, waxaana uu qeexaya ujeedada dhabta ah iyo siyaasada Itoobiya ay ka leedahay dalka Soomaaliya... Akhri halkan...

Akhri: YAA GABLAMI, YAASE GOOD DILI? ee Abdullahi Spanish
Vido: Dagaalkii 1977/78 ee Soomaliya iyo Itoobiya
Dhegeyso: Waraysigii Dr. Cumar Cusmaan Raabeh

Akhri: Aw Jaamac: Dhimbil dib u soo noolaysay Halgankii


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com