SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JIGJIGA

M.waynaha , M.kuxigeenka iyo qaar ka mid ah Xubnaha Wasiirada oo ka qaybgalay aaska Xildhibaanka iyo ganacsadaha shil-gaari ku geeriyooday.

Waxaa Talaadadii qabuuro ku yaal duleedka Caasumadda Garoowe lagu aasay Marxuumyadii habeen hore ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay kaantaroolka Galbeed ee magaalada Garoowe Allaha u naxariisteen Xildhibaan Jaamac Xassan Kaarshe (jaamac-yare) iyo C/qaadir Cali oo ahaa Nin ganacsade ah , waxaana aaska marxuumiintan ka qaybgalay madaxda maamulka Puntland oo ay ka mid yihiin M.waynaah Puntland Cadde Muuse , kuxigeenkiisa Xassan Daahir Af-qurac , Xubno Wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Maxamed Bankax ,Wasiirudawlaha Madaxtooyada Jaamac Xirsi Faarax iyo ka soo qaybgalayaal badan.

Marxuumiinta geeriyootay ayaa Alle looga baryay in uu dambidhaaf siiyo uuna geeyo Janadiisa.

Madaxda maamulka Puntland ayaa tacdi u dirtay eheladii iyo qaraabadii ay ka soo jeedeen marxuumiinta.

Shilka ay marxuumiintan ku geeriyooday ayaa waxaa kaloo ku dhaawacmay laba qof oo kale oo uu ka mid yahay Guddoomiyekuxieenka gobolka Sool Sulub oo iminka lagu daawaynayo Isbataalka Guud ee Garoowe.

bashiir cumar cali/puntland
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26, 2007

somAstaantii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Itoobiyaanku u Bedeley Khariidada Itoobiya
Astaan uu lahaan jirey Garoonka weyn ee magaalada baydhabo ee Ciidamada Cirka qaybta 60-aad oo gebi ahaanba la bedelay, kadib markii Ciidamada Ethobia ay halkaasi ka dhigteen fariisin, warkaas.. iyo col. Nuur Cadde oo ka codsadey in ay laba toddobaad loogu daro muddadii uu ku soo magcaabi lahaa golaha wasiirada cusub, taas oo BDFKMG uu ansiyey durbadiiba.... Dhegeyso/Akhri

nur addeNuur Cadde "….markaan arkey fariimo badan oo dhinacyo kala duwan iga soo gaaraya, waxaan ogaadey inaan qaldanahay"  waxana uu markale ku celiyey in uu soo dhisi doono xukuumad tiro yar Laakiin...

:::Baaq ku wajahan in si deg deg ah loo sii daayo Jornaaliste lagu haysto xeebaha Boosaaso

caddeDheegyso: Col. Nuur Cadde oo Shaaca Ka Qaaday in uu Dib u Soo Dhisidoono Xukuumad Cusub oo aad uga tiro yar tii hore... Waxa kale oo uu sheegay in kala-bar xukuumada cusub uu ka keeni doono baarlamaanka bannaankiisa Guji


 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com