SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Qaabka ay u dhacdey doodii Awood qaybsiga Baarlamaanka DFKMG

 

Xildhibaan Caasho Axmed C/lla “Daaroodoow waxaan idiin sheegayaa Dulunka aad anaga nagu haysaan Soomaalaan Markhaati idiin kaga dhigeynaa”

 

Xildhibaan Buubaa “waa boob cad oo lagu qaadey Wasaaradda Arimaha Dibadda weeye”

 

 

Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jeengeli “gudoomiye liisaska markaan eegnay waxaa ku jira qaladaad badan oo cusub,

 

Kulan ay isugu yimaadeen 170 Xildhibaan oo uu shir gudoominaayo Gudoominaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe), oo ajendaha looga doodaayeyna uu ahaa Awood qaybsiga ayaa lagu qabtey Hoolka shirarka Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo.

 

10 Xildhibaan oo ka hadashey Dooda ajendahaan oo ahaa mid xasaasi ah, islamarkaana Xildhibaanadii halkaasi ka Hadley ay u muuqdeen kuwo ku kala qaybsan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaanad Caasha Axmed C/lla, Xildhibaan Prof. Ismaaciil Max’uud Hure Buubaa, Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamed, Xildhibaan Maxamed Cali Shiriye, Xildhibaan Max’ed Cabdi Xayir Maareeye, Xildhibaan Axmed Xaashi Max’uud, Xildhibaan Aadan Max’ed Cali, Xildhibaan Cali Ismaaciil Cabdi Giir, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Beekoos) iyo Xildhibaan C/rashiid Ciro ayaa waxay u dhacdey sedan inagoo soo koobayna dooda.

 

Xildhibaan Caasho Axmed C/lla “Daaroodoow waxaan idiin sheegayaa Dulunka aad anaga nagu haysaan Soomaalaan Markhaati idiin kaga dhigeynaa”

 

Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla ayaa doodeeda ku bilowdey “Qolo waliba Qolada kale ayey duluntey, dhibaatada haysata Koofurta Soomaaliya oo ay ka degi la’adahay, waa dadkayaga Woqooyi oo hoos loo dhigay, waana dadkii ugu horeeyey ee Calanka babanaaya soo qaadey, idinkaana Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare, Gudoomiye Baarlamaan isku sheegey oo isku koobay, dalka aan deganahay intuu baaxad leeyahay, waa la og’yahay waan dhul balaaran, anigu Qabiil uma  hadlaayo runta ayaan sheegayaa, dulunkuna halkaas ayuu ka bilowdey”ayey tiri Xildhibaanad Caasha oo doodeeda sii wata ayaa mar ay ka hadleysay qaabka loo soo diyaariyey Qoraalkii Awood qaybsiga ayaa waxay tiri

 

“Qoraalka Buugaan si Wanaagsan baa loogu soo sheqeeyey, wax badan oo muhiim ah ayaa ka maqan oo u baahan in lagu kordhiyo, markaan ka hadlo dhibicda aan aniga ka tirsanahay ee Beesha Daarood, qayb qaybtii Beelaha waa lays dulmiyey, labo ama 3 Reer baa iska qaadatey wixii oo dhan, siday ku dhacdey ma cadaalad deraa ma aqoon daraa, kuwa ugu horeeya ee laysku dulmey waxay ahayd Golihii Wasiiradda, Qolaa waxay iska qaadanaysaa wasiirka ugu muhiimsan iyo inta ku xigeeno ee ay kari karaan, waxay ku darsadeen inay qaataan Safiiradii iyo Qunsuliyadihii, Saraakiishii Ciidamada iyo Booskii ugu horeeyey, anigu ma nebci walaallahay Walaahi Bilaahi Talaahi, dadka meelo bay ka soo kala jeedaan aniga waxaan ka xumahay, waxaan ka soo jeedaa Gobolada Woqooyi iyo Gobolada Koofureed waxayna deftaa meesha ugu balaaran Digil iyo Mirifle waxba kama haysato, Daarood waxba kama haysato, Hawiye waxba kama haysato, Walaallahay way quursadeen, beesheyda meeshii wax lagu qaybsaneyey waa la diidanaa, anigaa kaga jirey anigana xariga baa laygu xirey, markaan dibadaha soo marey dowlada dhaliilaha loo jeedinaayo waxaa ka mid ah inaan awoodaha isku dheeli tirneyn, maxaa yeelay cadaalad derida ayaa ka mid ah waxay wax la qaban la’adahay, maalin dhoweyd Ra’iisul Wasaaraha mar aan u tagney isagoo Beel Beel ula kulmaaya ayaa waxay yiraahdeen meesha Woqooyi ma joogtee waxaa jooga Koofur oo keli ah, indho adeygooda waxay la soo taagan yihiin 4-tii Wasiir ee inaga nala siiyey inay qaataan, Nuxurka Ummadu waa wada fahansan tahay,  aniga waxaan qabey hadii Ra’iisul Wasaarihii hore la ridey in Reer Woqooyiyow ku soo dhawaada, ilayn aniga Ra’iisul Wasaarihii  idiin lamaridine ay dhahaan, waa isaga key mid wax waliba Golaha Wasiiradda ayey ka bilow meysaa, Daaroodoow waxaan idiin sheegayaa Dulunka aad anaga nagu haysaan Soomaalaan Markhaati idiin kaga dhigeynaa”. Ayey tiri Caasho Axmed C/lla.

 

 

Xildhibaan Buubaa “waa boob cad oo lagu qaadey Wasaaradda Arimaha Dibadda weeye”

 

Xildhibaan Ismaaciil Max’uud Hure Buubaa waxaa uu isna doodiisa ku bilaabey “Dowlad waa mid ku dhisan Wasiiradda, Xukuumadu waxaa weeye shaqaalaha dowlada siday u dhisan yihiin iyo Bulsho weynta oo loo fiirsado muuqaalka ay leeyihiin cadaalad ma ku dhisan tahay, wax walba waxaa ka  muhiisan kolka laga hadlaayo shaqaale Xukuumadeed, waxaa looga baahan yahay in ay adeeg u qabtaan Ummada, ma leeyihay awoodihii iyo tayadii uu ugu adeegi lahaa Ummada, tan labaadna inay tahay cadaalada Bulshada inay kawada Muuqato, anigoo aan jecleyn Wasaaraddaha oo dhan, guud ahaan Wasaaraddaha lagu soo qeexey halkaan waxaa ka muuqato cadaalad daro, hadii aan hoos ugu dhaadhaco Wasaaraddaha, aniga Wasiirka Arimaha Dibadda ayaan ahaa, waxa meeshaan ku qoran inta aan ahaa Wasiirka wax ka jirey ma jirin mudo dhowr biloodna waan ka maqanahaye, waa boob cad oo lagu qaadey Wasaaradda Arimaha Dibadda weeye, wasaaradu waxay leedahay laba arimood oo muhiim ah, waxay leedahay Qaanuun u gaar ah oo qeexaya shaqaalaha wasaaradda u shaqeeya, waxaa kale oo muhiim ah wasaaradda cida ka shaqeynaysa waxaa looga baahan yahay tacliin gaar ah iyo Aqoon gaar ah, waxaad moodaa in aan la eegin iyadoo dad ay doonayaan inay ku qor qoraan safaaradihii iyo Qursuliyadihii, waxaan hoosta ka xariiqayaa Wasaaraddaasi ahmiyad gaar ah ayey leedahay, dadka dibadda loo dirayaa waa in la hubsadaa”. Ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey  Xildhibaan Ismaaciil Max’uud Hure Buubaa.

 

Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jeengeli waxaa uu ku doodey “ mudane gudoomiye gudiga waxa loo direy wixii ay ahayd waxna waa ay ka soo bedeleen waxna waa ku soo siyaadiyeen oo aan meesha ku jirin, waxaa kale oo jira gudoomiye liisaska markaan eegnay waxaa ku jira qaladaad badan oo cusub, waa muuqataa in hawsha awood qaybsiga ama jagooyinka dowlad sida loo maamuley in ay u baahan yihiin sixitaan waa muuqataa,  laakiin habka aan sixitaan ku sameynaynaa waa inuu yahay mid waafaqsan hab sharci ah, mid dowlad nimo, hab cadaalada waafaqsan iyo hab dibuheshiisiin, intaaba waan ku raacsanahay, laakiin  shuruuc beynu sameysaney oo habka shaqaalaha Rayidka ah oo hay’adaha oo dhan ku wada jiraan, waxa gudigaan loo sameeyey waa in hab sharci lagu qoro oo la ilaaliyo awood qaybsiga, darajooyinka qaarkood waa adkaanaysaa maadaama imtixaan laga qaadayo, laakiin jegooyinka aad u waaweyn sida Safiiradda oo kale iyo wixii la mid ah Beel walba waa laga helayaa dadd aqoon leh oo u qalmi karo oo laga codsado dadd badan in ay keenaan, laakiin shaqaalaha kale ee ka hooseeye in Imtixaan laga qaado weeyaan kuwooda ugu fiicana laga qaato, in kuwa waaweyn ay Beel walba ay iska aragto waa muhiim, in aqoon lagu sameeyo ayaan qabaa anigu, mar hadii ay isku darajo ay noqdaan, gudiga rayidka shaqaaluhu waa miisaami karaa, lama dhihi karo qabiil hebel baa tahay, hadii aynu ka buuxino dadd aan aqoon lahayn shaqaalaha Wasaaradaha wey adkaaneysaa” ayuu hadalkiisa ku soo koobey.

 

Hase ahaatee dadka arimaha siyaasada falaqeeya waxay ku sheegayaan inta ay jirtey DFKMG marka loo eego si guud, waxaa kuu soo baxaaya sawiro kala duwan, kuwaasoo dhamaantood dhalinaaya Holacyo siyaasadeed, kuwo dhaqaale, mid maamul xumo, ku tumasho xuquuqda shacabka ay mataal.

 

Waxayna ku sababeynayaan DFKMG tan iyo wixii ka dambeeyey 24/12/2006-kii  Magaalada Muqdisho waxay ku joogtaa Qaraxa Baaruuda, Magaalada Baydhabona waxay ku joogtaa Baandoow, halka Magaalooyinka kale sida Gobolada laysku yiraahdo Puntland, Gaalkacyo, Dhuusa-mareeb,   Beledweyne, Shabeelooyinka, Jubooyinka, Geddo iyo Bakool ay ku joogto qaab Qabiil, mana jiraan wax nidaam dowladeed oo ay ka hirgelisay, islamarkaana laysku halayn karo, dowlad waxaa lagu yaqaanaa in ay mudo ugu badnaan 3 bilood ilaa iyo 9 bilood gudahood ay ku hirgeliso Qorshaheeda Dowlad, awood kasta oo ay leedahay, waxayna ku darsatey ilaa iyo 3 Bilood, hawshuna waxay joogtaa halkii ay ka bilowdey, mana muuqato Qorshe cad oo ay uga gudbikarto caqbadaha horyaala xiligaan, waana arin halisteeda leh maalinkasta waxay lumisaa kalsoonida shacabka, waxayna kordhisaa culeys-yada guud ee nidaamka hirgelinta sharciga iyo kala dambeynta.

 

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 24, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com