SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Soomaaliya: Warka lagu Guuldareystay In la sheego!!!.- Q.1aad

 Warbixintan waxaa Qortay Hay'ada Warbaahinta ee la Yiraahdo People's Voice (Codka dadka)
  • Tarjumadii: Muxyadiin Axmed

dad ka qaxaya Muqdisho   Afp         Sawir  Axad,23 Dec.

Shacabka Soomaaliya ayaa waxa ay markale galeen Dhibaato weyn oo socoto ah Kadib Markii Askar Ethiopian ah ay galeen Soomaaliya ,kuwaas oo burbur iyo Rabshado hor leh ka abuuray Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

dhaawaca wiil Soomaaliya ah   AP Sawirka    Axad,23 Dec

Waxa ayna taas umuuqataa  inay ka dhasheen Weeraro lagu qaaday Askarta Ethiopia iyo Meydadka Askarta Ethiopianka ah oo lagu jiido Wadooyinka Caasimada Muqdisho oo ah Goob Horay loogu jiiday Askar Maraykanka ee Qeybta ka ahaa Howlgalkii Qaramada Midoobay ee Rajo soo Celinta, waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa In madaafiicda ay ridayaan Ethiopiayaanka galay Muqdisho ay ku dhacayaan Guryaha dad ka Rayidka ah ay daganyihiin ,Madaafiic lagu garaacay Muqdisho oo ka imanayay Saldhigyada askarta Ethiopia   ayaa hal mar ku habsaday Guri hal qoys ay wadadaganaayeen 9 Nov. ee sanadkan 2007, iyadoo ay qurbaxeen 8 qof oo qoyskaas ka tirsanaa.

wiil yar oo dhaawac ah ayna caawinayaan shaqaalaha Caafimaadka Reuters Sabti,22 Dec  

Sidoo kale tiro kale oo meydadka dad Shacab ah ayaa la helay maalintii Xigtay ,kuwaas oo la rumeysanyahay in ay Qudha ka jareyn askarta Ethiapia habeen ka hor.

cunug yar oo Soomaaliya ah kuna xanuunsanaya Marka oo 100 killomiters u jirta Muqdisho   ap sabti,22 dec

Ugu yaraan 50 qof oo dad yarid ah ayaa lagu soo waramay inay Ethiopia askarteeda Muqdisho ay dileen iyaga oo dhaawacay tiro kale oo gareysa 100 qof oo shacab ah ,dagaal socday labo maalin oo ay lagaleen kooxo ka soo horjeeda,kuwaas oo daacad u ah Xoogagii maxkamadaha Islamic Soomaaliyeed.

Kooxda caafimaadka oo caawinaya qof dhaawac ah afp 20 dec

Warbixin ay soo saartay Hay'ada Xaquuqul insaanka ee la yiraahdo Human Rights Watch  ayaa waxa ay ku sheegatay Kooxaha ku hardamaya Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Ethiopia inay galeen Danbiyo dagaal, Peter Takirambudde oo ah Agaasimaha Qeybta Africa ee Human Rights ayaa laga soo xigtay   "Beesha caalama waxa ay canbaareyneysaa dagaaladaas waxa ayna kooxahaan la tiigsnadoonaa Sharciyada Xaquuqda Insaanka, waxaana lagu  maxkamadeyndoonaa dambiyada ay ka mid yihiin Dhaawacyada xad gudubka lagu sameeyay iyo dadka la gowracay sidoo kale kuwo maxaabiis ahaan loo hayo aan xaqooda helin."

hooyo Soomaaliya ah iyo caruurteeda oo hoy ka dhigaty teyndho afp 20 dec

Dabcan Qofna ma aqbalikaro cadaalad daro ,beesha caalamkana waa waajib saaran inay qaato tilaabooyin loogu helikaro Xal  Khilaafaadka Soomaaliya ee daba dheeraaday.

koox Soomaaliya ah oo caawineysa nin dhaawac ah ap 17 dec

Qeybo kala duwan oo ka tirsan beesha Caalamka ayaa horay lug ugu yeeshay Colaadahii Soomaaliya ee 17sano jiray,taas oo horseeday in wadanka uu noqdo goob dagaal oo ay Colaadaheeda iska taaganyihiin,islamarkaasna waxyeelaysay madaxbanaanida wadanka Soomaaliya,kana dhigaty Soomaaliya Goob ay ka adeegtaan wadamo shisheeye .

In uu soo afjarmo dagaalka Soomaaliya ayaa markale waxaa caqabad ku noqotay khilaafka weyn ee u dhaxeeyay Qabqablayaasha dagaalka ee Muqdisho iyo kooxaha mucaaradka taas oo dhabahaantee aan laga bixinkarin raaligalin ama aan loo heligarin marmarsiyo,maxaa yeelay taariikhda wadanka Soomaaliya waxaa saameynweyn ku yeeshay dhibaatooyinka Gumeystaha iyo faragalinta shisheeye.waxaana caadi ka noqotay Soomaaliya in waqtiba waqtigiisa kale uu u dhiibo Gumeyste Cusub oo dan ka leh Soomaaliya taas oo khatar cad oo muuqata galisay Dowladihii kala gadisnaa ee soo maray wadanka muddooyinkii ugu dambeeyay,sidoo kale waxa ay khatargaliyeen militias iyo siyaasiyiinta dhexdhexaadka ah ee ka shaqeynaya muhiimada Siyaasada Gobolka Geeska Afrika.

Akhri Qeybta Labaad Ee Warbixintaan...

W/D:Muxyadiin Axmed

Nairobi,Kenya

Email: Saadaam_7@hotmail.com

Muhudin01@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2007

Goobaha Dadweynaha ee Magaalada Muqdisho oo ay Rabshadaha kusii kordhayaan.
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com