SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
22 December 2007.


Qaramada Midoobay oo ka hadashay arrimaha Ogaadeenya.

Golaha Ammaanka oo dalbaya in Soomaaliya ciidamo loo diro.

Barnaamijkeenii Aragtida Halgamaaga(Mowqifka Halgamaaga)Q3aad.

Dhegeyso: XORIYO:Arbaca/Sabti

======================

Qaramada Midoobay oo ka hadashay arrimaha Ogaadeenya.

Haweenay afhayeen u ah xoghayaha guud ee Qarama Midoobay oo lagu magacaabo Michèle Montas ayaa ka hadashay xagdubyada ay xukuumadda Itoobiya ka gaysato Ogaadeenya, iyadoo gaar ahaan u tilmaantay dad rayadka ah ee xukuumadda Itoobiya ay ku qasabto dagaallada u dhexeeya iyada iyo CWXO.

Dabayaaqadii toddobaadkii hore ayuu wargayska New York Times warbixin aad u dheer ka soo qoray sida ay xukuumadda gumaysiga Itoobiya dagaalka ugu qasabto shaqaalaha iyo dadwaynaha rayadka ah ee aan loo carbinin tabaha dagaalka. Wuxuu wargaysku soo bandhigay xaqiiqooyin badan oo tilmaamaya dadka sida qasabka ah loo galiyo dagaallada iyagoon rabin. Dadka noocaas ah ee dagaallada lagu qasbo waxaa ka mid ah dad us haqeeya hay’adaha caalamiga ah ee Ogaadeenya ka hawlgala.

Michèle Montas ayaa shir jaraa’id ku sheegtay in shaqaalaha Qaramada Midoobay, kuwooda dibada ka yimid iyo kuwa Ogaadeenya laga shaqaaleeyayba, ayna suuragal ahayn in la dagaal-galiyo, oo ayna wax shaqo ah ku lahayn dagaalka ka socda Ogaadeenya.

Michèle Montas waxay kaloo intaas ku dartay in Qaramada Midoobay ayna wali haynin caddaymo u xaqiijinaya in shaqaalaheed dagaalka loo taxaabay, hase yeeshee waxay masuuliyiinta Qaramada Midoobay ee Ogaadeenya xaqiijiyeen bay tidhi in muddo dheer la la’yahay shaqaala badan oo ka shaqaynayay isbitraallo iyo xarumo kale oo caafimaad oo Ogaadeenya ku yaalla.

Afhayeenkan ayaa daboolka ka qaaday in haddii ay caddaato in shaqaale Qaramada Midoobay ay xukuumadda Itoobiya dagaalka u taxaabtay ay taasi ka dhigan tahay in Itoobiya ay ku tumatay arrimihii asaaska u ahaa hawlaha gargaarka oo dhan.

Diblumaasiyiin reer galbeed ah oo ku sugan Itoobiya ayaa iyaguna xaqiijiyay in Itoobiya ay dagaalka ku qasabto dadka rayadka ah iyo shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha caalamiga ah.

Dukuminti sir ah oo dhawaan laga halay maamulka waxa loogu yeedho Kililka ee xaruntiisu tahay magaalada Jigjiga ayay ku caddahay qaabka ay Itoobiya dagaalka ugu qasabto dadka rayadka ah. Waxaa dukumintigaas ku qoran magacyada odayaal, ganacsato iyo shaqaale rayad, kuwaasoo si qasab ah loo geeyo xeryo ak oodan degmooyinka ay u dhasheen, isla markaana lagu qasbo inay iyagu la yimaadaan qalabkii iyo saadkiia ay ku dagaal gali lahaayeen.

Golaha Ammaanka oo dalbaya in Soomaaliya ciidamo loo diro.

Safiirrada dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Waramada Midoobay ayaa codsaday in laga shaqeey sidii ciidamo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa dalka Soomaaliya. Baaqan ayaa ka denbeeyay, ka dib markii laga dayriyay xaaladda dagaallada ka socda magaalada Muqdisho iyo dhibaatooyinka ay u gaysteen dadwaynaha rayadka ah.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Waramada Midoobaya ayaa si rasmi ah u gaadhsiiyay xoghayaha guud inuu ka baaraan-dego sidii ciidammo nabad ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay loogu diri lahaa Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa baaqan u jeediyay xoghayaha guud iyagoo ka walaacsan xaadda ka sii daraysa ee dalka Soomaaliya iyo dagaallada maalinba maalinta ka danbaysa ka sii daraya.

Sanduuqa Badbaadada Carruurta ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaallada Muqdisho ka socda ee u dhexeeya ciidammada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda ay Soomaaliya ka abuureen xaaladdii bani’aadamnimo ee ugu xumayd ee Afrika soo marta.

Waxay sidoo kale sheegtay in carruur badan iyo dad rayad ah oo badan ay ku dhaawaceem ama ku dhinteen dagaallada Muqdisho, waxayna tilmaantay in loo baahan yahay in carruurta iyo qoysaska dagaallada ka qaxaya loo sameeyo goobo ammaan ah oo ay ku hali karaan nabadgelyo iyo gargaar.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in xaaladda Soomaaliya ka sii daraysay tan iyo markii ay ciidammada Itoobiya xoogga ku soo galeen, waxayna tilmaantay in loo baahan yahay in ciidammo nabad ilaalin ah halkaas loo diro.


22 December 2007
C/nuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 23, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com