SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

BEESHA AXMED HARTI (MOORACASE) AYAA BAYAAN KA SOO SAARTAY MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND

December 15, 2007

Ku: Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
Ku: Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland
Ku: Golaha Wasiirada ee Puntland
Ku: Madaxda Ciidamadda (Boolis iyo Daraawiish) ee Puntland
Og: Guddoomiyaha Gobolka Bari
Og: Hay’adaha Calamiga ee ka hawlgala Puntland
Og: Dhamaan Beelaha Deeg. Ee Puntland
Og: Isimada Beelaha Gobolka Bari - Boosaaso
Og: Isimada Beelaha Harti ee Puntland

Annagoo ah Beesha Mooracase waxaanu si xushmad leh ula socodsiinaynaa dhamaan inta kor ku xusan ee qoraalkani sidda tooska iyo ogaysiintaba leh ugu socdo. In Beesha Mooracase ay go’aansatay inay ka baxaan Maamul Goboleedka Puntland ayna ictiraafsanayn Maamulkaas ilaa inta laga saxayo qaladaadkan soo socda:

· IN MADAXWEYNE CADDE MUUSE UU OGAADAA BEESHA MOORACASE XAQA AY KU LEEYIHIIN MAAMULKAAS BEELAHA HARTI QAYBSADEEN OO UU IXTIRAAMAA AXDIGII BEELAHA U DHEXEEYAY.

· INUU MADAXWEYNE CADDE MUUSE JOOJIYO CADAALAD DARADA & DHACA KHEYRAADKA DALKA UU KA WADO MAAMULKIISA.

· IN BAARLAMAANKA PUNTLAND LAGA HELO DAD COD XOR AH LEH OO KA QABTA MAAMULKA BURBURKA UU QARKA U SAARAN YAHAY.

· IN SIYAASADAHA LAGU GATAY GOBOLKA SOOL AY SHACABKA PUNTLAND BAADHAAN, OO LASOO CELIYAA GOBOLKAAS.

· IN DHAQAALAHA PUNTLAND OO CADDE MUUSE UU ACCOUNTKA GAARKA AH KU SHUBANAYO UU JOOJIYAA.

· IN BEELAHA REER PUNTLAND OO DHAN SHIR DEGDEG LA ISUGU YIMAADAA SI LAYSAGA QABTO MAAMULKAN XAQDARADA KU DHISAN.

· IN ISIMADDA PUNTLAND AY KA HADLAAN SIDII LOOGA GUDBI LAHAA MASHAQADA TAAGAN OO MAAMULKAN UUSAN WAXBA KA QABANEYN.

· IN SHACABKA PUNTLAND AYKA DHIIDHIYAAN MAAMULKA KU DHISAN DHACA KHEYRAADKA, ISKU DIRIDA BEELAHA WALAALAHA AH, DIFAAC LA’AANTA DHULKA PUNTLAND, ISTICMAALKA QABIILKA OO JAGOOYINKA LAGU QAYBSADO EE QAYAXAN IYO WALIBA DHACA LACAGAHA SOO GALA PUNTLAND.


· UGU DANBEYNTII IN HADII LAGU HELO DAMBIYADAN OO DHAN WAA INEY MADAXWEYNE CADDE IYO MAAMULKIISABA IS CASILAAN OO MAAMUL KU MEEL GAAR AH LA DHISAA INTA DOORASHOOYINKA LAGA GAARAYO.

Qormadan waxaa ku saxiixnaa 113 isugu jira Nabadoono, cuqaal, saraakiil, Aqoonyahanno iyo Ganacsato
Kala Xiriir: axmed_ugaas@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com