SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


hooyoXeryaha Qaxootiga Gubadley, Galgalato iyo Xerada shiikh cali cabdulle oo la iloobay.. Xaalada dadka soo barakacay ee ku jira xeryahaas qaxootiga ayaa waxaa soo wajahey dhibaatooyin aad u dara, sida cunto la'aan, hoy la'aan, iyo daryeel la'aan... Akhri.... Dec 12


Waa kuma ninka daaha gadaashiisa ku gabbanaya ee keensaday Nuur Cadde?

“Dulmigu wuxuu dulmi ku yahay kuwa wax dulmiya iyo sidoo kale kuwa ay dulmiyaan” Marilyn Frye, the Politics of Reality

Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Email: Ingiriis@yahoo.com

Dec 14, 2007


General Cabdinuur Yuusuf Maxamed, wuxuu ka tirsanaan jiray ciidankii hore ee police-ka Soomaaliya. Billowgiisii hore, waxaa loo qoray askarta minishiibiyada Muqdisho xilligii uu dalka Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Aaden Cabdulle Cusmaan. Cabdinuur, wuxuu markii dambe ka mid noqday ciidankii uu qortay Maxamed Abshir Muuse oo ahaa Taliyaha Police-ka.

Kaddib waxaa waxbarasho loogu diray waddanka Talyaaniga, isagoo markaas ahaa xubin local ah. Wuxuu soo qaatay tababar dhinaca siyaasadda. Waxay ahayd xadgudub weyn iyo gef dhinaca sharciga ah in qof local ah loo diro waxbarasho dibadeed, iyadoo ay joogaan saraakiishii ka sarreysay, oo iyagu xaq u lahaa waxbarashadaas sare.

Wuxuu kaddib Cabdinuur ku soo noqday Soomaaliya, isagoo soo guursaday xaas Talyaani ah. Markuu yimid, waxaa isla markiiba laga dhigay Captain ciidanka police-ka. Waxay ahayd xadgudub kale oo ku qotoma dhinaca dallacsiinta police-ka. Markii inqilaabku dhacay 1969-kii, waxaa loo dallacsiiyey Gaashaanle, wuxuuna ku jiray baarayaasha Maxkamaddii ‘Badbaadada.’ Wuxuu markii dambe madax u noqday kooxihii dadka masaakiinta ah soo xir-xiri jiray ee manaxayaasha ahaa.


Waa xaruntii police-ka ee Muqdisho xilligii dowladdii hore

Nin sarkaal ah oo ay soo wada shaqeeyeen, oo aan la xiriiray, ayaa wuxuu igu yiri, “Gen Cabdinuur, wuxuu dhihi jiray markii la yiraahdo ‘qofkaan dambiga aad ku eedeynayso ma cadda’, ‘anigu waxaan ogahay wax aydaan ogeyn ee teyda ha la raaco,’ taasoo uu ula jeeday ‘kadeedka aan ummadda ku hayo waxaa i amray Maxamed Siyaad Barre.’”

Wuxuu Cabdinuur hindisay sharciyo loo yiqiin ‘dil iyo dhac’ oo uu kala soo baxay jeebkiisa, kuwaasoo ahaa kuwa ugu xun shuruucda bini’aadamka (Kangaroo court with Draconian laws). Sharciyadaas waxaa ka mid ahaa in qofka eedeysanaha ah marka uu la tashanayo qareenkiisa lagu qasbo inay la joogaan laba nin oo waardiyeyaal ah, kuwaas oo soo sheegaya waxa ay ku wada hadleen. Shuruucda caalamka, waa mamnuuc in la kala dhexgalo eedeysanaha iyo qareenkiisa xilliga uu ku sirqarsanayo.

Hase ahaatee, Cabdinuur, wuxuu ahaa nin xoog ku fuliya wax kasta. Wuxuu ku dhaqmi jiray cabbirka caddaaladeed ee yiraahda, “Crime punished by crime must be punished by crime.” Waxaa caado u ahayd isaga iyo Gen Maxamuud Geelle Yuusuf inay yiraahdaan, “ninkaas cimaamadda cad wata ee jidka maraya ee odayga ah, haddaan inta u yeerno ku xukunno qabyaalad, ma wax dambi ah baa naga soo gaaraya, waayo ma jiro nin da’daas ah oo aan qabyaalad gelin?” Waxaa argagax leh in labadaas nin (Cabdinuur iyo Geelle) uusan midkoodna wax aqoon ah u lahayn culuunta sharciga, oo ay sidaas dad badan ku cadaabeen.

Sidaas darteed, Gen Cabdinuur – oo lagu tilmaamo nin aan naxariisan oo la mid ah Chemical Ali – wuxuu isku ahaa garsoore, xukume, soo dacweeye, police, xeer ilaaliye guud iyo baaraha gal-dacwadeedka. Isaga ayaa ku dacweynaya oo kugu muddacaya dambi aadan lahayn, isaga ayaadna u dacwoonaysaa, isaga ayaana laguugu dacweynayaa, taasoo macnaheedu yahay, “Barbarkey ka baxdaa, waa bakeyle qaleen” iyo “Inteen ka baxaa, meel Alla!”

Bishii January, sannadkii 1975-kii, General Cabdinuur, wuxuu ahaa ninkii tobanka wadaad – intuu ka soo bixiyey masaajidka Sheekh Cabdilqaadir ee ku yaalla xaafadda Isku-Raran – ku xukumay dil toogasho ah. Dambiga ay culumadaas geysteen ee uu ku xukumayey ayaa ahaa inay fasireen Suuratu Nisaa, oo ay ka hor-yimaaddeen xeerkii uu Maxamed Siyaad Barre ku nasaqay qeyb ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah, isla markaana uu ku buriyey dhaxalka Islaamka ee ragga iyo dumarka Muslimiinta ah.

Maalinta uu Cabdinuur xukumayo culumada, waxaa la sheegaa inuu Maxamed Siyaad ka maqnaa Muqdisho, uuna ku sugnaa magaalada Baraawe. Markuu goor maqribkii ah ku soo noqday madaxtooyadiisa, ayaa Cabdinuur wuxuu ka saxiixay in subaxnimada la laayo culumada, taasoo Maxamed Siyaad-na uu ka aqbalay. Cabdinuur, oo caado u leh inuu dadka ugu yeero musuqmaasuq ayaa wuxuu yahay aabbaha iyo hooyada musuqmaasuqa, waxaana dhacay in nin uu dil ku xukumay uu ku dhex goo go’ay xabsiga xilligii dowladdii hore. Waxaa qaamuuskiisa ka maqnaa in dambiga (crime), ciqaabta (punishment), la xisaabtanka (accountability) iyo mas’uuliyaddu (responsibility) ay yihiin wax wada socda.

Haddaba, Gen Cabdinuur Yuusuf, oo 21 sano ku shaqeynayey cadaadinta dadweynaha, qaasatan si gaar ah u cadaadin jiray dadka uu isagu ka dhashay, waa nin lagu yaqaanno inuu muxubbo weyn u qabo cadaadinta dadka Islaamka ah. Si uu ugu muujiyo Maxamed Siyaad inuu daacad u yahay, wuxuu cadaabta ugu weyn u geysan jiray qoyska uu ka dhashay.

Cabdinuur, oo markii dambe noqday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Badbaadada, si uu u kiciyo dadweynaha, wuxuu shacabkii ka dhigay mid uu dilo iyo mid uu xabsi dhigo, wuxuuna abuuray qaab ay dadku ugu kacaan xukuumaddii keli-taliska ahayd. Waxaa halkaas ku burburay dowladdii, kaddib markii uu dadweynihii ka eryey dalka, taasoo kallifay in Maxamed Siyaad Barre uu ku dhinto dalka dibaddiisa isagoo qaxooti ah, iyadoo ay ugu wacnayd jarriimadii laga galay dadka iyo dalka.

Waxaa fajac leh in Colonel Cabdullaahi Yuusuf uu ka dhigtay Gen Cabdinuur la-taliyihiisa gaarka ah. Waxaa kaloo amakaag leh in Cabdullaahi Yuusuf uu ninka noocaas ah ku soo dhoweystey xigtanimo, si uu ula taliyo. Waxa keliya ee uu kula talinayo waxay tahay, in sida keliya ee bini’aadamka lagu hoggaamin karo ay tahay cadaadin iyo in la geliyo dhibaato aysan ka lug bixi karin.

nur adde somalia prime minister
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee DFKMG Col. Nuur Cadde waxaa baarlamaanka DFKMG ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah

Col Cabdullaahi Yuusuf, oo ah nin qabiili ah, wuxuu jecel yahay inuu mar kasta soo dhoweysto dadka jufadiisa ah. Hase yeeshee, wuxuu si sahlan shabaq ugu galay General Cabdinuur Yuusuf oo leh tilmaamo badan oo laga xishoonayo in la baahiyo. Col Yuusuf, oo shaki la’aan mari doona jidkii uu maray Maxamed Siyaad Barre, ayaa wuxuu isku dayayaa inuu wax ku hoggaamiyo talada General Cabidnuur iyo dadka kale ee la midka ah ee tijaabada noocaas ah soo maray.

Cabdinuur Yuusuf, waa ninka keenay Nuur Cadde oo ay isla joogeen Maxkamaddii Badbaadada, isla markaana ahaa Xeer Ilaaliye Ku-xigeen. Wuxuu ku soo xulay in dabeecadda Nuur Cadde ay tahay mid jilicsan, dhaqankiisuna uu yahay inuu maqsuudiyo qofka markaas madaxda u ah, isla markaana loo helo xasuuqa ka socda Muqdisho shaqsi Nuur Cadde oo kale ah, oo kaba-qaad noqda, lagana fushado dan walba.

Haddaba, waxaan ka dalbanaynaa dadweynihii Soomaaliyeed ee uu kadeeday General Cabdinuur inay nala soo xiriiraan oo soo diraan wixii gabood-fal ah ee uu u geystay naftooda ama ehelladooda. Ujeeddadu waxay tahay inaan la hilmaamin dadkii dadka dhibaateeyey, si wax looga qabto kuwa hadda jooga, sababtoo ah waa inaan dareenno inaanan mixnad iyo halaag ka lug-baxaynin haddii aan farta lagu fiiqin kuwii jarriimooyinka geystay.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Email: Ingiriis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixa


OPEN LETTER TO CROMWELL HOSPITAL

If Abdullahi Yusuf is not warlord, warlordism has no word

 

“Only the dead have seen the end of war “ Plato 

To Cromwell Hospital London,

I am really outraged, aggrieved and extremely appalled by the fact that you are giving the best medical treatment to one of the worst criminals in the universe, Col Abdullahi Yusuf Ahmed, who is a cruel warlord claiming to be the ‘President of Somalia.’ This ailing despot has killed lots of innocent folks, including women and children and has orchestrated the assassination of many renowned military officers, intellectuals and religious groups.

Alas, this warlord’s militias along with their Ethiopian gurus have raped so many susceptible women and carry on using these outrageous tactics to ‘murder, extort and rape.’ According to John Holmes, UN under secretary-general for humanitarian affairs, the situation in present-day Somalia is the worst humanitarian crisis in Africa.

In actual fact, Abdullahi Yusuf is Africa's Slobodan Milosevic. To put it another way, he is the Charles Taylor of Somalia. Rather than bringing him to justice in International Criminal Court in Hague, the Netherlands or Arusha Criminal Court, Tanzania, this criminal rests peacefully in Cromwell hospital bed without fear and fright. Back to Somalia, he is the worst of the worst.

Col Yusuf has recently imprisoned Mr Ahmed Dirie Ali, a popular traditional elder. Mr Dirie is distinguished as a pacifist akin to Mahatma Gandhi, Martin Luther King, Jr and Nelson Mandela. Moreover, Dirie is a vocal critic and eloquent tantamount to Malcolm X, the father of black power. To my bewilderment, Dirie is now in prison, jailed for speaking out the truth on the mayhem of Mogadishu by vicious militiamen loyal to warlord Yusuf.

An American naturalist, Edward Abbey, once said, “A patriot must always be ready to defend his country against its government.” Fortunately, Somali people have resisted swallowing a government of warlords and warriors led by this warlord sleeping in your hospital bed. It is also observable that Somali people have spoken with one word; “We can’t accept vile warlords who are puppets and pawns to be our leaders.”

It is evident for the United Nations, the European Union, the United States, Arab League, African Union and all of us that Ethiopia, which backs this warlord, failed to force Somali people to recognise the founder and father of warlordism Abdullahi Yusuf as their President. As the Guardian has recently published, his Transitional Federal Government is “neither transitional nor federal, nor a government.”

 


Mohamed Haji (Ingiriis)

Somali people are constantly making resistance to the Ethiopian phenomenon, and they will maintain their struggle as long as Ethiopian occupiers are in Somalia and those atrocious warlords keep begging them to occupy in our country. I often contemplate where Abdullahi Yusuf would be when Ethiopians invaders withdraw its forces from Somalia. One thing must be borne in mind that the rule of the jungle will never prevail over the rule of law.

 

I, for one, have the courage to provide a voice to those who have none and to those who are blocked and prevented from speaking out inside Somalia. Nevertheless, I am of the opinion that the merely conundrum that renders our rational solution is that clan creed is real albatross around our neck.

 

But as Rene Descartes often used to say, “Minds are free; they can think whatever they want to think”. Accordingly, we have to amass our minds in order to find foolproof solution to our people’s predicament. I am flabbergasted to witness Somalia remaining to be what Thomas Hobbes once exemplified, “A war of every man against every man.”

 

It is somewhat obsequious if I would imply that Somalia would reinstate its Sharia Law should the United States and other neighboring countries extract their intervention from Somalia. To be sure, those external forces provided preceding support to the wicked warlords who have hauled this nation into absolute desolation.

At last, in this demanding context, on behalf of innocent Somali sufferers in the orders of Colonel Abdullahi Yusuf, who trusts the dictum that dictates ‘it is better to be feared than loved,’ I am urging Cromwell Hospital to deny this warlord to treat in your prestigious hospital.

Yours sincerely,

Mohamed Haji (Ingiriis)

BA candidate, columnist.

Email: Ingiriis@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com