SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

  • Golaha Siyaasadda Beelaha Digilmirifle oo Magaalada Baydhabo Shir Weyn Ku Qabtay
  • Xildhibaanada Beesha Direed ee ku sugan Magaalada Baydhabo oo Bayaan adag soo saarey.

GOLAHA SIYAASIYIINTA IYO AQOONYAHANADA DIGILMIRIFLE OO MAGAALADA BAYDHABO SHIR WEYN KU QABTEY

Xaflad lagu soo bandhigayo Golaha Siyaasiinta iyo Aqoonyahanada Beelaha Digilmirifle intii uu jirey waxqabadkooda, qaabdhismeedkooda iyo Ujeedooyinkooda guud, islamarkaana loogu diyaargaroobayo dhismaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen Xubnaha labada Gole ee DFKMG, Siyaasiinta, Culumaa’udiinta, Aqoonyahanada Maadiga, Odeydhaqameedyada Beesha, Haweenka iyo Dhalinyarada ayaa lagu qabtey Magaalada Baydhabo.

Xafladaan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey, islamarkaana ka muuqtey mid lagu soo bandhigayo facweynida siyaasada Beelaha Digilmirifle ayaa waxaa ka Hadley Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Madoobe Nuunow Max’ed, Xildhibaan Sh. Aadan Max’ed Deer,Taliyaha Saldhiga Booliiska Demada Baydhabo ahna kusimaha Gudoomiyaha Degmada Dh/ Aadan Axmed Cumar(Aadan Biid), Malaaq Max’ed Ibraahim Garoore oo ka socdey Odeydhaqameedyada Beelaha Digilmirifle, Marwo Xaajiyo Sangaabo Mursal Cali oo hore u ahaan jirtey Halgameyaashii Gobonimodoonka Soomaaliyeed iyo Gudoomiyaha Gudiga Golaha Siyaasiinta iyo Aqoonyahanada Digilmirifle Prof. Ibraahim Muuse Heeroow.

Gudoomiyaha Golahan Siyaasiinta iyo Aqoonyahanada Digilmirifle Prof. Ibraahim Muuse Heeroow oo halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu warbixin kooban ka bixiyey Golaha Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Digilmirifle, asaaska golaha, waxqabadka, himilooyinka iyo yoolka uu hiigsanayo Golahaan.

Prof. Heeroow isagoo arimahaasi ka hadlaaya ayaa wuxuu yiri “Golaha Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Digilmirifle waxaa la aasaasay sannadka markuu ahaa 1995-tii, waxaana aasaasay Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin ku abtirsada Beesha Digiilmirfle, Waxaa mar labaad boorka laga jafay oo dibna loo habeeyey Golaha (GSADM) sanandka 2002, nasiib darro waxaa caqabad ku noqday dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Goboladan, Waxaa mar seddaxaad dib u habeyn lagu sameeyey sanadka 2003, loona dhisay maamul ku meel gaar ah lehna shirgudoon afhayeen,iyo xoghayn”.

Prof. Mar uu ka hadlaayey dibu habeynta lagu sameeyey Golahan wuxuu yiri “ wuxuu golaha muddo afar sano ah ku soo shaqeeyey maamul ku meel gaar ah oo leh shir guddon, afhayeen iyo xoghayn waxaana laysla gartay in dib u habayn lagu sameeyo golaha loona dhiso maamul, Ka dib shirar is daba joog ah waxa loo dhisay golaha maamul joogto ah iyo golayaal iyo guddiyo hawleed, oo ka soo shaqeeya shirweyne guud oo xubnahooda tiro furan, Gole dhexe oo ka kooban 47 xubnood, Gudi fulin oo ka kooban 9 xubnood”.


qaar ka tirsan saraakiishii hore ee XDS iyo mid ka mid ah Eng,rada

Golahan wuxuu leeyahay Guddomiye, k/xigeen koowaad, k/xigeen labaad, xoghaye guud, afhayeen, xoghayaha xirirka dibadda, xoghayaha arimaha bulshada, xoghayaha maaliyadda, la taliyaha dhinaca sharciga iyo afar guddiyo oo kala ah iyo Guddiga Dhaqaalaha, Guddiga Kormeerka, Guddiga Anshaxa, Guddiga Hantidhowrka oo midkiiba ka kooban 5 xubnood”


bidix kuxigeenka 1-aad, dhexa Gudoomiyaha Golaha, midig kuxigeenka labaad

Mar uu ka hadlaayey wax qabadka Golaha ayaa wuxuu yiri “ Golaha wuxuu kaalin mug leh ka soo qaatay muddadii afarta sanadood ee la soo dhaafay xallinta khilaafaadka Beelaha walaalaha ee cadawga isku dirtay, Fadhiyo badan iyo wada xaajood dheer ka dib, waxaa Golaha oo kaashanayo qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka, sida Malaaqyada, Haweenka, Culumaa’udiinka iyo Ganacsatada ayaa waxay ku guuleysteen dib u heshiino iyo wada xaajoodyo lagu qabtay meelo kala duwan,sida Tuulada (Sarmaan dheer) .kii koowaad iyo kii labaad waxaana Alle mahadiisi ah in uu ka gaaray xal kama dambees ah” ayuu yiri, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku darey:

“Golahan wuxuu mar kale dardar geliyey hawlihiisii ku aadanaa dib u heshiisiinta wuxuuna bilaabay in uu u gudbo xallinta khilaafaadka xagga Siyaasadda ee xubnaha Dawladda kaga jira Beelaha Digilmirifle, wuxuuna Golahan bilaabay in uu la xiriir iyo u kala dab qaadidda masuuliyiintii Fikriga iyo Aragtida Siyaasadeed kala duwan qabay ee kala fadhiyey Degmooyinka Waajid iyo Jawhar. Waxaana loo kala diray xubno ay ka mid yihiin Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Malaaqyada, Culumaa’udiinka, waxayna ku guulaysteen in ay si degdeg ah u xalliyaan khilaafaadkkii jiray, Golaha sidaas oo kale wuxuu xal kama dambeyn ka gaaray khilaafkii ku dhex jiray malaaqyada oo ku kala qeybsanaa fikirka”.


Wasiirka Isboortiga iyo Mas'uuliyiinta Golaha

Prof. Heerow wuxuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey ujeedooyinka Golaha iyo Barnaamijka horyaala “ In uu gacan ka geysto sidii loo abuuri lahaa jawi nabadeed iyo xasilooni waarta, Taaba gelinta dib u heshisiintii Beelaha Soomaaliyeed, Ururinta siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Digilmirfle iyo midaynta afkaartooda, In uu gacan ka geysto dhismo Gole Dhaqameedka Beesha Digilmirlfle iyo In uu kaalin mug leh ka qaato u gogol xaaridda Dhismaha Dowlad Goboladeed Koofur Galbeed”.

Dhinaca kale xubnihii kala duwanaa ee ka socdey labada Gole ee ka Hadley halkaas ayaa waxay ka soo jeediyeen khudbooyin lid ku ah xubnaha labada Gole ee DFKMG uga jira Beesha Digilmirifle iyo jawaabo ay ka bixiyeen qaar ka mid ah Bulshada Rayidka ee ka Hadley halkaasi oo qaarkood u soo jeediyey xubnaha labada Gole uga jirea Beesha waa in ay isaga tagaan hadii kale ay wax muuqda oo la taaban karo u qabtaan shacabka Gobolka Baay ee hada ay ku sugan tahay DFKMG.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Madoobe Nuunow Max’ed oo halkaasi ka Hadley ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa:


Xildhibaan Madoobe Nuunow

“in xubnaha labada Gole ee uga jira Beesha Digilmirifle ay si wanaagasan ula soo qaybsadeen Beelaha Dhigooda intii shirkii lagu soo Unkey DFKMG uu socdey, waxyaabihii ay kula soo heshiiyeena ay ahayd in Af-ka Beesha Digilmirifle la qore, In DFKMG ay sii degto inta dalka uu ka degaayo Magaalada baydhabo”

sidoo kale wuxuu sheegey markii ay DFKMG soo degtey magaalada baydhabo “DFKMG waxaa loo balan qaadey 4000 oo ciidamo ah, mushaarkooda iyo tababarkooda markii arintaasi ay u fariisteen Golaha Wasiiradda Beelaha Digilmirifle waxaa loo ogolaadey in kabadan 2000, balse markii xeryaha laysugu geeyey ayey iska soo tageen, maantana waxaa lagu doodayaa inagu saraakiisha sare ee ciidamada DFKMG waxba kuma lihin, taasina ma ahan wax la qaadankaro, waayo ciidamo Beel kale miyaad doonaysaa inaad adiga madax u noqoto oo ay kugu soo daba faylaan?!, hadaba hadii la doonayo in saraakiisha la dalacsiiyo inaga hanala weydiiyo, balse marka hore noqda dadd woxooda qabsanaya”.


Xildhibaan Cabdullaahi sh.Ismaaciil

Xildhibaanada Beesha Direed ee ku sugan Magaalada Baydhabo oo Bayaan adag soo saarey.

Shir socdey saacado badan oo lagu qabtey Hoteel Bakiin ee magaalada baydhabo, ayna isugu yimaadeen Xildhibaanada Beesha Direen isla markaana looga hadlaayey xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhinaca aawood qaybsiga siyaasadeed ee DFKMG, maamulka, adkeynta Hay’adaha Qaranka, ku dhaqanka Axdiga iyo Sharciga, ayaa shirkaan si wada jira ah uga wada qaybgaleen wakiilada Beelaha Isaaq, Biimaal, Madaluug, Awsiciid iyo Baajimaal waxaana gudnaanadkiisa laga soo saarey qodobadan.

1-in Beesha Direed dhinaca looga riixey ka qaybgelinta wadatashiga sare ee lagu go’aaminayo jaangooyada wada dhiska awoodaha Dowladda xag siyaaso, maamul iyo Amniba, taasoo soo jiitameysay Sedaxdii sano ee la soo dhaafey dibna loogu dulqaadan Karin.

2-In ay jiraan xadgudubyo bareer ah oo Beesha Direed uga imaanaya hogaanka sare ee Dowladda oo lagu dhaawacayo karaamadooda, laguna duudsiinayo kaalintii kaga aadaneyd Qaran dhiska Soomaaliyeed, loona gacan dhaafayo had iyo jeer xulka iyo magacaabista xubnihii uga qaybgelilahaa awoodaga sare ee Dowladda.

3-In lays dhex jiirsiiyey Awoodihii Dowlanimo ee Axdigu qorey, dhabahana loo xaarayo wiiqida kala soocnaanta Awoodaha Hay’adaha Dowlanimo ee Qaranka si talada meel ugu uruurto oo mabda’ii isu dheelitirka Awoodaha loo buriyo.

4-In ay tahay arin fool xumo ku ah qaranimada Soomaaliya iyo sharafta Dowladnimo in ilaa iyo hada Gudoomiyihii maxkamada sare uu sharcidaro u xiran yahay, taasoo loo aaneyn karo kali ah asbaabo ismaandhaaf siyaasadeed ku lug leh.

5-In la sii la ciifinaayo Midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, dibna loogu tumanaayo is aaminkii Qaran ee ka dhashay shirkii dibuheshiisiinta ee lagu soo dhisay Hay’adaha Federaaliga ee Dowladda,
sibabahaas oo idil aawgood Xildhibaanada Beelaha kor ku xusan, waxay hoosta ka xariiqayaan in loo baahan yahay wadahadalo adag oo lagu saxaayo dhaliilahaan oo wadanka u horseedaya bur bur iyo is aamin daro ayaa lagu yiri bayaankan ay soo saareen Xildhibaanad Beesha Direed eek u kulmay Hoteel Bakiin ee Magaalada Baydhabo.

hase ahaatee arimahaan dhacaaya ayaa waxay ka mid yihiin caqabada horyaala Xukuumada cusub ee Ra’iisul Wasaare Col/ Nuur Cade ee aan wali helin kalsoonida Baarlamaanka, islamarkaana laga cabsi qabo in ay dhicisoowdo, inkastoo hadal haynteeda ay ku badan tahay in xubin kasta oo Wasiiradda ka tirsan Baarlamaanka mid mid looga weydiindoono kalsooni, balse ma cada in ay dhaceyso iyo in kale arintaas, laakiin la ogaandoonee Todobaadyada soo socda, halka ay ku biyo shubtaan hadaladaan is burinaaya.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 14, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com