SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Xasuuq ba'an ka geystey Muqdisho xilli uu dagaal xooggani ka dhacay...

Dec 13, 2007: Ciidamada Itoobiya ee kusoo duuley Soomaaliya ayaa maanta (Khamiis Dec 13, 2007) waxay xasuuq ba'an ka geysteen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo ay ku garaaceen madaafiic culus xilli uu magaalada ka socdo dagaal aad u xoog badan oo u dhexeeya Itoobiyaanka soo duuley iyo Soomaalida ka soo horjeedda.

Wararka ugu horeeya ee ka soo baxaya khasaaraha ay geysteen madaafiicda ay sida aan loo meel deyin u ridayaan ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in hal madfac oo ku dhacay aagga loo yaqaan Olympic uu ku diley dad lagu qiyaasay ilaa 9 qof (inkasta oo ay jiraan warar tirada intaas ka badinaya), waxaana la sheegay in ay dhaawacmeen ilaa 15 qof.

Ilaa siddeed madfac ayaa ku dhacay aagga Suuq Bakaaraha, halkaas oo wararka ugu horeeya sheegeen in ay geysteen khasaare naf iyo maalba leh.

Meelaha kale ee ay Ciidamada Itoobiyaanka soo duuley ay madaafiicda ku garaaceen waxaa ka mid ah xaafadda Towfiiq oo ay khasaare ka geysteen.

Sidoo kale waxay Itoobiyaanku duqayn xoog leh u geysteen degmaad Dayniile halkaas oo la sheegay in madfac ku dhacay laba qof oo ay geeiyoodeen ilaa 15 qof oo kalena ay dhaawacmeen.

Tirada dhaawaca ah ee cisbitaalada la dhigay gelinkii hore ayaa la sheegay in ay gaartey ilaa 40 qof.

Madaafiicda ay magaalada ku gamayaan Ciidamada Itoobaanku ayaa ku soo beegmay xilli weeraro xooggan ilaa xalay ilaa maanta lagu qaaday fariisimo ay Ciidmaada Xabashida ee soo duuley kaga sugan yihiin Muqdisho, meelaha ay kooxaha iska caabintu weerarka ku qaadeen waxaa ka mid ah: Xaruntii guulwadayaasha, Wasaaradii Gaashaandhigga, Wershadii Baastada ee Ex-contol balcad, aagga shaneemo shiirkole, guryihii Saraakiisha, Garoonka Isbartiibada, Jidka Dabka, Xaruntii xisbiga dhexe iyo goobo kale...
QuraanMuqdisho: Askarta Itoobiyaanka oo Kutubta Quraanka Iskaga Tiray Saxarada, Masaajiddana ku dhex saxarooday Ihaanadii ugu darayd ee ay askarta gumeystaha Itoobiyaanku u geystaan Diinta Islaamka.. Akhri

Bishii December 2006 dabayaaqadeedii ayey ahayd markii ciidamada Itoobiya ee soo duuley ay soo galeen Muqdisho, xilligaas wixii ka dambeeyey waxay magaalaad Muqdisho ka geysteen xasuuq aad u ba'an, burur hanti, in ay gubaan Buugaagta cilmiga ah ee ay ka helaan guryahay ay bililiqaystaan, wixii ay qaadan karaan oo buugaag ahna ay qaataan si ay Soomaalida ugala dagaalamaan cilmiga iyo kaydka aqoonta, in ay Masaajidda ku saxaroodaan, jeexjeexaan Kitaabka Quraanka kariimka oo weliba meelaha qaarkooda ay Kutubka Quraanka ku tireen saxaro iyo in ay Kutub Qur'aan ah ku gureen Musqulaha, in Addis Ababa ay ka fureen suuq lagu gado alaabada ay Askarta Xabashidu ka bililiqaystaan Soomaaliya sida qalabka Elektarooniga maadaama Itoobiya tahay meesha dunida ugu dambaysa xagga farsamada elektarooniga..

Soomaalida iyo Itoobiya waxaa muddo qarniyaal ah ka dhexeeyey cadaawad soo jireen ah oo ku salaysan diin iyo dhul, xasuuqa ay u geysanayaan shacabka ayaana jawaab cad u ah qorshohooda dheer ee ay muddo ku taamayeen. Waxaaase soo baxaya warar muujinaya in Itoobiyaanku u adkaysan la'yihiin iska caabinta kaga timid shacabka Soomaaliyeed ee halganka ugu jira sidii ay isaga rogi lahaayeen heeryada Gumeysiga.

Shalay (Dec 12) ayey ahayd markii magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay jabhad cusub oo la magac baxday 'Jabhadda Islaamiga ee Soomaaliyeed" oo ujeedadedu tahay in la mideeyo xooggaga ka soo horjeeda joogitaanak Itoobiyaanka ku sugan ciidda Soomaaliyeed.. [Akhri qorshaha Jabahaddaas...]

Ciidamada Itoobiya waxaa caado weligood u ahayd marka xooggaga Soomaaliyeed ay weerar kala hor yimaadaan in ay xasuuqaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana taas lagu ogaadey dagaalada 1964 iyo 1977 iyo kuwii Axmed gurey ku qaaday, waxayna mar kasta xasuuqaan shacabka, ilaa haddana ay ciqaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka SoomaaliGalbeed ee ay gumaystaan.

Qoraal ay 17kii Octoebr 2007 qortay jariidada Independent ee ka soo baxda dalk UK, oo ay cinwaan uga dhigtay 'Daafuurtii Ethiopia', ayey kaga warbixisay sida ay ciidamada Itoobiya u silic dilyeeyeen, una kufsadeen toddoba gabdhood oo ay ka kaxaysteen tuulada Kamuda oo ku taal dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya gumaysato.

Waregeysku waxa uu xusay in ciidamada Itoobiya inta ay rasaas ku fureen tuulada ay xoog ku kaxaysteen toddoba gabdhood oo da'doodu u dhexaysey 15 ilaa 18 jir. Subaxdii xigtey waxaa la helay gabadhii ugu yarayd oo inta ay kufsadeen, oo jir dileen ay geed ka soo daldaleen. Subaxdii xigtey waxaa gabadhii labaad laga helay isla geedkii iyadoo sidii oo kale loo galay. Subaxdii saddexaddna gabar sidii oo kale oo galay. Gabdhihii kale meel ay raq iyo ruux ku dambeeyeen lama arag.

Jariidadu waxay qortay in dhawr maalmood ka dib ay ciidamada Itoobiya inta ay soo laabteen ay tuuladii ka kaxaysteen wiil 12-sano jir ah oo ay si wadar ahaan ah u kufsadeen. Habeen kastana inta askartaasi ay tuulada yimaadaan ay albaabada soo garaacaan iyagoo raadinaay dumar ay kufsadaan. Waxayna jariidadu xustay hooyo dhashay toddoba carruur ah oo tuuladaas ku noolayd markii ay u adkaysan weydey ay halkaas ka cararay oo tagtay magaalada Boosaaso oo 300 km u jirta tuuladaas. (Qisadaas oo Af Ingriis ah ka eeg halkan...).

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com