SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR

MACHADKA WAXBARASHADA NAAFADA SOOMAALIYEED OO SHALAY SI WAYN U XUSAY MAALINTA NAAFADA ADDUUNKA

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si wayn looga xusay maalinta Naafada Adduunka gaar ahaanna naafada Soomaa-liyeed iyadoo xaflad aad u wayn oo ay ka qayb galeen xubno isugu jiray ganacsato, arday ka socotay qaar ka mid ah dugsiyada waxbarashada Gobolka Banaadir, madaxda NGO-yada qaarkood iyo xubno kale oo lagu casuumay.

Xafladdan oo uu soo qaban qaabiyay Machadka waxbarashada Naafada Soomaaliyeed oo lagu qabtay xaru-nta ururka Horumarinta dhallinyarada Banaadir ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano BAYDO ayaa waxaa ugu horreyn xafladdaasi ka hadlay xubno ka kala socday ganacsatada, kan dugsiyada waxbarashada, madaxda NGO-yada, kuwaasoo si wayn uga hadlay munaasabaddan loogu talo galay in lagu aqoonsado maalinta Naafada adduunka gaar ahaanna naafada Soomaaliyeed ee ku beegan 3-da December 2007-da.

Xubnahan waxay sheegeen in naafada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aad iyo aad ugu nugul dhibaatooyinka baaxadda leh ee dalka ka jira sida dagaallada sokeeye, barakaca, bur-burka iyo guud ahaan khilaafaadka baaxadda leh ee sababay in ay sare u kacaan dadka naafada ah, kuwaasoo haatan caga-cagaynaya in ka badan 8468 xubnood.

Gudoomiyaha Machadka waxbaras-hada Naafada Soomaaliyeed Md. Cabdi Cismaan Siyaad oo munaas-abadaas ka hadlay ayaa ugu horreyn waxa uu hambalyo u jeediyay guud ahaan naafada Soomaaliyeed, isagoo ugu bogaadiyay munaasabaddan caalamiga ah ee loo aqoonsaday inay noqoto maalinta gaarka u ah naafada caalamka gaar ahaan tan Soomaliya.

Md. Cabdi Cismaan Siyaad wuxuu ka warramay dhibaatooyinka haatan haysta naafada Soomaaliyeed xag maskax iyo xag jir intaba, kuwaasoo uu sheegay inay ka dhaxleen dagaalada soo noq-noqday iyo barakaca, iyadoo ay taasi u dheer tahay in naafadu ay tahay mid ay kala dhantaalan tahay lixda lixaad ee uu qofka ku shaqeyso, wuxuuna ka cod-saday beesha caalamka inay la soo gaaraan gar-gaar deg-deg ah, sidoo kalena wuxuu ka codsaday mux-siniinta Soomaaliyeed inay walaalahooda Soomaaliyeed ee naafada ah ay daryeelaan.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com