SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

GANACASTADA XOOLAHA PUNTLAND OO U DIGAY SHIRKAD SUCIDIYAAN AH IYO MAAMULKA PUNTLAND

Bosaso | Soomaaliya

Magaalada Bosaso oo leh Dekad weyn oo laga dhoofiyo xoolaha waxa si weyn uga socday Bilihii danbe dhismaha Maxjarka Xoolaha ee Wadaniga ah kasoo ay sameysanayaan Ganacsatada dhoofisa Xoolaha Puntland.

Munaasabad lagu soo bandhigayo halka uu maryo dhismaha Maxjarka iyo fariimo ku socda Ganacsatada Puntland ayaa lagu qabtay Magaalada Bosaso gaar ahaan Hotel Karaama.

Munaasbadasi waxa ka soo qaybgalay dhamaanba Ganacsatada Puntland ee dhoofisa xoolaha iyo Dadweyne fara badan, ugu horeyn waxa ka hadlay Mahad Jebiye oo ah Gudoomiyaha Dalad ay ku mideysanyihiin Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa islamarkaasna gacanta ku haya dhismaha Maxjarka wadniga ah ee Puntland.

Gudoomiyaha Dalada Ganacsatada Xoolaha Puntland waxa uu ka warbixiyay dhismaha Maxjarka kasoo uu sheegay in iminka uu maryo meel aad u wanaagsan xili dhowna ganacsatada xoolaha Puntland ay adeegsan donaan.
Mahad Jebiye waxa uu xaqiijiyay in iminka lagu guuleysatay hirgelinta wejigii kowaad iyo kii labaad islamar ahantana loo diyaar garoboyo wejiga sadexaad.

Mr: Jebiye waxa intaasi uu kudaray in maxjarkan u furanyahay umuda soomaliyeed oo dhan kuwasoo inta badan dhaqalahooda uu ku tiirsanyahay Xoolaha balse sanooyinkii danbe ay la soo darseen xanibaado kaga yimi wadamada Sucuudiga iyo Imaaratka oo inta badan xoolaha soomalida loo iibgeyn jiray.

Maxjarka wadaniga ah ee Ganacsatada Puntland ay sameysteen ayaa bilooyinkii danbe dhismihiisa iyo hirgellintaasa waxa ay si xoog leh uga socdeen Magaalada Bosaso kadib markii Ganacsatada Puntland ay liqi wayeen Maxjar kale oo nin carab ah uu leeyahay oo Ganacsatadu ay ku tilmameen Maxjar u xiran nin shisheeye ah.

Ganacsade Siciid Xuseen oo ka mid ah Ganacsatada sida u dhoofiya Xoolaha oo kulankaasi ka hadlayay ayaa muujiyay sida Ganacsatada Puntland ay uga go'antahay hirgelinta Maxjarkaasi wadaniga ah.

Siciid Xuseen waxa uu sheegay in ay jiraan kooxo mar walba been abuurta Ganacsatada Puntland oo dano gaar ah wata kuwasoo uu sheegay in hadaladooda ay yihiin wax kama jiraan islamarkaasna ay u adegayaan dad shisheeye.

Ganacsade Siciid Xuseen waxa u mahadceliyay Dowlada Puntland oo ganacsatada u ogalaatay in ay dhistaan Maxjarka wadaniga ah ee u furan qof kasta oo soomaliyee.

Dhamaanba Ganacsatadii kulankaasi ka soo qaybgashay ayaa soo dhoweeyay warka farxada leh ee ka soo baxay Xubnaha gacanta ku haya dhismaha Maxjarka wadaniga ah, waxayna muujiyeen ganacsatadu in Naf iyo maalba ay diyaar ula yihiin Maxjarka wadaniga ah.

Isku so wada duboo Dhismaha Maxjarkan hadii uu soo gabagaboobo waxa ay noqonaysaa Fursad Ganacsi oo ay heleen Ganacsatada Xoolaha Puntland oo in mudo ah hasyteen culaysyo badan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com