SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

Boosaaso: kulan ay Soo Qaban Qaabiyeen Gabdhaha Beesha Ismaaciil Cali.

Xaflad aad u ballaran oo ka dhacdey hoolka kaarama ee magaalada bosaso ayaa waxaa ka soo qeyb galey masuuliyiin kala duwan oo isugu jira ku ka tirsan maamulka puntland salaadiinta beesha ismaaciil cali ayaa waxaa kamid ahaa wasiir ku xigeenka dekedaha C/weli C/raxman Geyre Taliye ku xigeenka Booliska gobolka Bari Siyaad maxamed Bilcin iyo xiriiriyaha beesha ee dalka iyo dibadaba Cabdi Budul Guuleed.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen gabdhah beesha ismaaciil cali ayaa waxaa looga hadlayey baahida wax qabad ee beeshu ay u baahan tahay oo ay kamid yihiin, sidii loo hormarin lahaa loona wacyigalin lahaa hooyada oo ah saldhiga hormarka qoyska, iyo sidii wax looga qaban lahaa arimaha bulshada, iyo waliba arimaha reermiyiga, waxsoo saarka kheyraadka badda, iyo sidii loo xiriir lahaa..



Xiriiriyaha xafladan oo ahaa Cabdi Budul Guuleed oo islamarkaana isku soo dubaridey ayaa waxaa uu sheegey iney socotey qaban qaabada xafladani in muddo ah oo uu sheegey inuu isagu ku hawlanaa mudadan oo dhan uuna u taagana yahay sidii uu marwalba uga shaqeyn lahaa isku xirka beesha dal iyo dibadba..

Wasirku xigeen Dekedaha Cabdi wali C/raxmaan Geyre ayaa waxaa uu sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay ka soo qeybgal xafladan uuna sheegey in loo baahan yahay in laga hadlo masiirka beesha marwalba oo loo istaago sidii looga shaqeyn lahaa hormarkeeda, waxaa uu sheegey in hadii dal iyo dibadba la isku xirmo in la gaari doono hormar aad u balaaran.

Maxamed yuusuf oo isagu ah aqoonyahan ka tirsan beesha ayaa waxaa uu sheegey in ay tahay waajib in laga hadlo masiirka beesha, loona baahan yahay in xooga la saaro waxbarashada da'yarta u soo koreysa beesha.

si kastaba ha ahaatee beesha ismaaciil cali oo maalin dhaweyd ddoratey boqor ayaa maalmihii u danbeys wadey dadaal ay beeshu ugu xusulduubeyso sidii ay u meel marin lahaayen boqorkii ay doorteen oo beeshu ka shaqeynayso isku xirka dalka iyo dibadaba oo ay marwalba kala warqaadanayaan, arintan ayaa waxey u horseedeysaa iney beeshu midnimadeeda iyo iska war haynteedu ay aad u sii fido.

bashiir cumar cali/puntland
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com