SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAARGAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Maraykanka oo u Qiil Dayaya Degitaanka Xeebaha Bariga Soomaaliya.

  • A/rizak koronto
    Garowe Puntland

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxay duqayntii ay ciidamada Maraykanku ka gaysteen xeebaha Baargaal oo Gobalka Bari kaasi oo uu Maraykanku ku qaaday duulaan lagu waxyeeleeyay degaanka isalamarkaana aan ilaa iyo hada la shaacin cida wax ku noqotay sidoo kalena Ciidamada puntland ayaa dhankooda sheegay in ay la dagaalameen kooxo ay ku tilmaameen Alqaacida oo ay sheegeen in ay ka soo dageen xeebta Baargaal.

Puntland sidoo kale waxay sheegtay in dagaalkaasi ay kaga dileen kooxahaasi 6-ruux isla markaana ay ka qabteen laash dhereeya iyo sidoo kale Gaari nooca Sulfaha looyaqaan.? Hadaba waxaa is waydiin mudan halka iyo meesha uu gaarigaasi ka yimid maadaama ay kooxahaani ka soo dageen Xeebta oo aan gaari ku socon karin taas ayaana keentay in shaki badan laga qabo wixii ka dhacay xeebta Baargaal, ilaa iyo hadana wax badan la iskawaydiinayaa cida gaarigaasi iska lahayd.

"Dagaalkaas waxaa lagaga diley kooxda Argaggaxisada ah lix qof, oo kal aah nin Maraykan ah, nin Ingriis ah, nin Swidhish ah, nin Marookaan ah, nin Pakistaani ah iyo nin Yamani ah, qaar hore loo raadinayeyna waa jiraan" Sidaas waxaa yiri Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Wasiirka Maaliyadda DGPL, Halkan ka dhegeyso...

Shir jaraaid oo uu Axadii maanta (June 3,2007) qabtay wasiirka maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (gaagaab) ayuu arintaasi ku cadeeyay in ay jirto taasi oo keentay shakiga ah cida ay ciidankani ahaayeen iyo in ayba ahayd xaalad-abuur lagu dhul-gadanayo.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in aysan waxba ka jirin in ay kooxo argagixiso ah soo gashay degaanka Baargaal oo doonyo wata sida la sheegay kuwaasi oo lagu qiil gadanayo maadaama maraykanku uu aad u danaynayo xeebta Xaafuun halkaasi oo uu maraykanku doonayo, sida la rumaysan yahay, in uu ka dhigto saldhig ciidan kaasi oo u qabtay hawgalo badan oo laga qabnayo Somalia iyo Gacanka Carbeed.

Waxaan ilaa iyo hada la cadayn halka ay ku danbeeyeen kooxihii la sheegay in ay ka soo dageen xeebta Baargaal, 6 kamid ahna ay ciidanka puntland shegeen in ay dileen kuwaasi oo aan ilaa iyo hadana maydkooda la arag cid kale oo ka dhaawacantayna aysan jirin.

Puntland dhinaceeda waxay qiratay indagaalkaasi ay kaga dhaawacmeen 4 ruux kuwaasi oo aan la ogayn halka dhaawacooda lageeyay.

Arintaan ayaa hoosta ka xariiqaysan doondoonka uu maraykanku ugu jiro helitaanka dhul buuralay ah oo sidoo kalena kulaalaya Gacanka Carabta isla markaana ku yaala Xeebta Somalia kaasi oo sida uu maraykanku ku haminayana noqtay Xeebta Xaafuun halkaasi oo ay riyadii maraykanku gashay in ay ku soo afjaraan dhaqdhaqaaq kasta oo ka socda dhulka Muslimiinta Halkaasi oo isku xirta wadamada Somalia, Jabuuti, Suudaan, Masar, iyo Liibiya, sidoo kale waxaa dhinaca ka soo jeeda wadamada Yemen, Sucuudiga, Cumaan,Emaaraadka, iyo wadamo kale oo carbeed kuwaasi oo dhamaantood wada ah wadamo Muslim, Maraykankuna waxa u si wayn u doondoonayaa meel uu dhamaan wadamada Islaamka ah uu ugala xisaabtami karo taasi oo sida muuqatana noqotay Somalia oo aan 17sano wax dawlad ah ka jirin islamarkaana ay hareeyeen dagaalo qabyaalada ku dhisan.

Hadii ay arintani maraykanka u meel marto waxaan shaki ku jirin in Somalida iyo wadamada kale ee Islaamka ay uu maraykanku xiniinyaha kasiibi doono maadaama uu u doondoonayo adoonsi reer galbeed taasina ay keenayso in ay shabaqa soo wadagalaan.

Xukuumada DGPL ee uu madaxda ka yahay cade muuse arintaasi ma garawsantahay mase ogtahay mise waa mid u jeeda hunguri dhaqaale, maxaase la gudboon in ay arinkan cakiran wax ka tiraahdo mase dareensan tahay in maraykanku shabaq la doonayo.

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Faafin: June 3, 2007


Markab Laga Leeyahay Denmark oo Lagu Afduubay Xeebaha Soomaaliya

COPENHAGEN, Denmark - Markab ah kuwa xamuulka qaada oo laga leeyaay Denmark ayaa lagu afduubay xeebta Soomaaliya, sida uu Sabtidii sheegay mulkiilaha markabkas, isagoo soo xiganey warbixin laga helay markab ay leeyihiin ciidamada Faransiisku, sida ay werisey AP.

Markabka oo lagu magacabo Danica White waxa uu kusii jedey magaalada dekeda ah ee Mombasa Kenya isagoo ka yimid Dubai, waxan auu Mombasa u wadey qalab dhisme, waxaana la qafashay Sabtidii (Jun 2) ama gelinkii dambe ee Jimcadii (Jun 1), sidaas waxaa yiri, Jorgen Folmer, oo ah afhayeen u hadlayey shirkada xamuulka qaada ee Danish-ka ah ee la yiraahdo H. Folmer & Co.


Isha sawirka: Shirkadda http://www.folmer.dk/

Waxaa wararku tibaaxeen in markabka ay saaran yihiin shan shaqaale ah.

Waxa uu afhayeenkaasi sheegay in markab ciidamada Fransiisku uu aagga lagu afashay markabkaas ku sugnaa, laakiin ay u suurta geli wedey in uu markabkaas badbaadiyo maadaama Markabka Faransiisku uusan geli karin biyaha Soomaaliya.

Afhayeenku macadayn meesha qafakaasi ka dhacay, laakiin waxa uu sheegay in ay tahay biyaha Soomaaliya. Shirkaddana waa u suurta geliweydey in ay wax xiriir ah la sameeyaan shaqaalihii markabka saarnaa.


Lix Dagaal-yahiin ah ayaa Lagu Diley Soomaaliya: Reuters

BOSSASSO, Somalia (Reuters) -- Six Islamist fighters, including foreigners from Western nations, were killed in U.S. air strikes and battles with local forces in northern Somalia this weekend, a regional official said on Sunday.

BOSSASSO, Somalia (Reuters) -- Lix Islaamiyiin ah, oo ay ku jiraan ajaaniib reer Galbeed ah, ayaa lagu diley duqayntii Maraykanka iyo dagaalkii lala galay ciidamo degaanka ah ee Woqooyi Bari Soomaaliya dabayaaqadii toddobaadka, sidaa uu axadii Sheegay sarkaal gobolka ka tisan.

"Shalay (Sabtidii) waxaan dilley lix argaggaxiso ka yimid America, Britain, Sweden, Morocco, Pakistan iyo Yemen," Sidaas waxaa yiri Maxamed Cali Yuusuf, Wasiirka Maaliyadda ee Maamul Goboleedka  Puntland.

"Waa guulaysaney, dagaalkiina waa dhammaaday. Shan ciidamada Puntland ahna waa la dhaawacay," ayuu ku sheegay shir saxaafaeed uu ku qabtay Boosaaso.

Wax kale oo faahfaahin ah ma uusan bixin, ayey tiri hay'adda wararka ee Reuters.


Telefishanka CNN oo Sheegay in Maraykanku Duqeeyey Aagga Baargaal


Eeg magaalada Baargaal

Juun 1, 2007: Telefishanka Maraykanka ee CNN ayaa sheegay in Jimcadii uu Maraykanku duqeeyey meel ka tirsan Woqooyiga Bari ee Soomaaliya (Aagga Baargaal), waxana uu sheegay in weerarkaas lagu qaaday wax looga shakisan yahay Al-Qaeda, waa sida warku u dhigay'e. Telefishanku waxa uu soo xigtey ilo aan la cayimin, kuwaas oo sheegay in aan la aqoon khasaaradii uu weerarkaasi geystey.

Baargaal waa magaalo ku taal xeebta Badweynta Hindiya, gaar ahaan cirifka Woqooyi Bari ee Soomaaliya, waxay fogaan ahaan qiyaastii magaalada Boosaaso dhanka bari ka xigtaa 230km marka laga eego cabbirka khariidada. Islamar-ahaantaasna waxay qiyaastii 100km woqooyi ka xigtaa magaalada Xaafuun.

Eeg magaalada Baargaal oo kor laga sawiray... Guji...

READ: U.S. strikes reported on Qaeda suspect in Somalia

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com