SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Shirkii Qurbajoogta ee ka Dhacay London iyo Baaqii Kasoo Baxay 

Waxaa magaalada London ka dhacay 27-28/08/2007 shirkii 3aad oo ay qurbo joogta soomaaliyeed isugu yimaadeen kaasoo looga hadlayey xaaladda dalkii hooyo ka taagan laguna yagleelayey urur mideeya soomaalida qurbaha.

Shirka oo ahaa kii 3aad, oo ay ka horreeyeen laba shir oo ka kala dhacay Sweden iyo Leicester ayaa guddigii qaban qaabada ee lagu magaacabay shirkii Leicester ay soo gudbiyeen barnaamijkii loo xilsaaray kaasoo ahaa soo qabanqaabinta shir ay Soomaalida qurbaha kasoo qayb galaan, laguna yagleelo urur leh barnaamij siyaasadeed iyo dastuur. 
 
Shirka ayaa maalintii hore ay khudbado ka jeediyeen aqoonyahanno, culimo iyo safiirro hore oo ka kala yimid wadamada galbeedka,  ka dibna waxaa laga dooday barnaamijka ururka iyo dastuurkiisa. Waxaa si guud ahaaneed loo ansixiyey barnaamijka ururka iyo dastuurkiisa iyo magaca iyo astaanta ururka, iyadoo sidoo kalana uu ururku yeelan doono shirweyne, gole dhexe iyo guddi fulineed.

Shirka oo ay kasoo qayb galeen xubno matalayey dhawr wadan oo ay soomaalidu degto oo Yurub iyo W. Ameerika ah ayaa xubnaha goloyaasha kala duwan lagu saleeyey tiro loo qoondeeyey dal walba iyadoo dal walbana uu dooranayey xubnaha uga mid noqonaya goloha dhexe.  
 
Shirka ayaa isagu ku salayeey xubnaha la dooranayo inay rumaysan yihiin mabaadiidiisa, karti leeyihin, hawlna diyaar u yihiin, waxaana meesha laga saaray foormuladii 4.5, taasoo dadku ku kalsoonayeen inaysan is weydiinin beelaha dadka meteleya wadamada kala duwan balse ay danaynayeen inay qadiyadda daacad u yihiin, la doortay, lalana xisaabtami karo.

Shirka ayaa gabagabadii waxaa kasoo baxay baaq ku kala qornaa afafka Soomaaliga (PDF) ama TEXT iyo ingiriiska oo lagu muujinayay mawqifka ka qaybgalayaasha kalfadhiga shirweynaha qurba joogta. 
 
Waxaa xusid mudan in billawga sebtembarna uu ka billaabanayo magaalada Casmara ee dalka Ereteraya shir isna ay isugu imaanayaan Soomaalida -kasoo horjeedda ciidamada gumaystaha Itoobiya ee ku sugan soomaliya, doonayana in la helo dawlad qaran oo madax bannaan oo  karti iyo cadaalad ku dhisan,- kuwaasoo isugu jira afar qaybood;Maxkamadii Islaamiga, Soomaalida qurba joogta, Bulshada Ilbaxa ah, iyo baarlamaanka xorta ah. 
 
Shirka ayaa isna la filayaa inuu kasoo baxo urur iyo barnaamij siyaasadeed oo ay ku midaysan yihiin xoogagga ka soo horjeeda gardarrada itoobiya iyo maamulka ay gacanta ku hayso.

Somali Concern Group

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 31, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com