SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Aug 27, 2007

  • Xarunta Wargeyska Ayaamaha ee Hawl-wadaag  oo shalay ay galeen ciidamo ka tirsan DFKMG
  • Maxay tahay sababta ay ciidamada Kenya u soo galeen Xuduuda Soomaaliya
  • Qaraxyadii ugu badnaa oo shalay ka dhacay Muqdisho
  • Gaari uu lahaa mid ka mid ah guddoomiye ku xigeenada Gobalka Banaadir oo..

    Wararka SomaliTalk.com Muqdisho

Xarunta Wargeyska Ayaamaha ee Hawl-wadaag  oo shalay ay galeen ciidamo ka tirsan Dowladda FKMG

Iyadoo shalay qaraxyo ka dhaceen isgoyska Hawl-wadagaa ayaa waxaa Xarunta Wargeyska Ayaamaha oo ah wargeys Maalinle ah oo ka soo baxa Magaalada Muqdisho ayaa qaybtiisa Hawl-wadaag waxaa shalay soo galay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku hubeysnaa qoreyga AK 47, xiligaas oo ay xarunta ka socotay Hawlihii Wargeyska,  ayaa waxay ciidamadaasi argagax geliyeen shaqaalihii halkaasi ka hawlgalayey waxaana xiligaasi ku sugnaa ilaa iyo lix ruux oo qaar ka mid ah halkaasi loogu qabanayey hawlo, waxaana markiiba lagu amray iyagoo qoryo lagu hayo in ay banaanka u baxaan, waxaana la fariisiyey wadada laamiga ah, waxaana lagu yiri “Fariista dhulka oo shaarka kor u qaada”, waxayna shaqaaluhu deg deg u qaateen amarkaasi, hase yeeshee wadada ayaa xiligaasi  cidlo ahayd, waxayna ciidamo ka dul ridayeen rasaas oo aysan garaneyn cidda ay ku ridayaan, taas oo mar kale aragagax weyn ku abuurtay qaar ka mid ah shaqaalaha.

Mid ka mid ah ciidamada ayaa ku amray shaqaalahaasi in ay u dhaqaaqaan dhinaca saldhiga, iyagoo isku diyaariyey in ay dhanka Saldhiga aadaan ayaa mid kale soo booday oo ku amray in ay fariistaan oo aysan dhaqdhaqaaqin. Sidii ay u fadhiyeen oo qoraxdii dhacday ayaa qaar ka mid ah ay sii argagaxaan, waxaana sidoo kale ku wehliyey dad iyana laga qabqabtay jidka.

Mudo markii ay halkaasi fadhiyeen ayaa askari kale oo ordahay ku amray in ay baxaan oo ay cararaan, markiibana hal haleel ayay u carareen, waxayna qaarkood dib ugu soo laabteen xarunta wargeyska, mudo kale ayay halkaasi ku jireen.

Isku soo wada duuboo, ciidamada Booliiska waxay ahaayeen jireen kuwo Bulshada u naxariista una damqada dhowrana goobaha dadku rayidku leeyihiin, iyadoo afhayeenka Ciidamada C/waaxid Max’ed Xuseen uu sheegay in ciidanka Booliiska loo soo tababaray in ay xaq-dhowraan bulshada una hiiliyaan.

Dhinaca kale markii ay socdeen dagaaladii u dhexeeyey ciidmada Itoobiya iyo kuwa Dowladda oo isku dhinaca iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa 21-kii April ee sanadkaan waxa uu madfac ku habsaday xarunta Wargeyska Ayaamaha ku lahaa xaafadda NBC, waxaana halkaasi ku geeriyooday mid ka mid ah dadkii damcay inay xarunta kaga gambadaan madaafiicda, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qof kale oo isna ka mid ahaa dadkii u soo cararay xaruntaasi. 

Maxay tahay sababta ay ciidamada Kenya u soo galeen Xuduuda Soomaaliya

Maaalintii shalay ahayd ayaa ciidamo aad u tiro badan oo ku hubeysan dabaabaad oo ka tirsan Ciidamada wadanka Kenya waxay 10Km u soo gudbeen gudaha dalka Soomaaliya.

Ciidankaas oo u socday raxan raxan ayaa waxay galeen tuulooyin ay ka mid yihiin Amuume iyo Dhoobley.

Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in ay wateen boorar la sheegay in ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “Dowladda Federaalka ayaa inoo ogolaatay in aanu soo galno xuduuuda”.

Haddaba warar kala duwan ayaa ka soo baxaya soo gelitaanka ciidamada Kenya ee xuduuda Soomaaliya, qaar waxay sheegayaan in ciidamadaasi halkaasi soo galeen kadib markii dhawaan la sheegay in kooxo mucaarad ku ah Dowladda Federaalka lagu arkay degmooyin ka tirsan Gobalada Jubooyinka.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Kenya ay halkaasi u soo galeen arrimo la xiriira dhinaca ammaankooda  kadib markii Dowladda Kenya lagu wargeliyey in halkasi ay ka sameysanayaan saldhigyo kooxaha mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka.

Dad kale oo  aan kala xiriirnay dhinaca deegaanka, ayaa waxay noo sheegeen in ciidamada Kenya ay ilaalinayaan ceelal shidaal oo ay Dowladda Kenya ka qodoneyso dhul ay leedahay Soomaaliya kuna teed-teedsan Badweynta Hindiya, waxaana arrintaani horey u kashifay wargeyso ka soo baxa beesha Caalamka oo sheegay in Dowladda Kenya ay shidaal ka baaraneyso dhul ay leedahay Soomaaliya. 

Qaraxyadii ugu badnaa oo shalay ka dhacay Muqdisho

Waxaa shalay Magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo iyo weeraro lagu tilmaamay in ay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee maalmahan ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Ilaa shan qarax iyo israsaaseyn ayaa waxay ka dhacday Suuqa Xoolaaha, waxaana qaraxyadaasi iyo weeraradaasi ku geeriyooday ilaa shan qof oo rayid ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad gaaraya 10 qofood oo ay ku jireen ciidamada Dowladda federaalka.

Meelaha qaarkood ayaa waxaa lagu waramay in uu ka dhacay dagaal ka fool ka fool ah, waxaana markii dambe ciidamada Dowladda gacan siiyey kuwa Itoobiya, iyadoo la sheegayo in dadkaasi halkaasi laga soo qabqabtay lagu soo xareeyey xarunta CID-da ee Magaalada Muqdisho, sidoo kale saddex qarax ayaa ka dhacay Isgoyska Hawl-wadaag, waxaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana ku dhintay qof iyadoo labo qof oo kale ku dhaawacmeen.

Qaraxyadaasi kadib ayaa waxaa goobta xiray ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo joojiyey isku socodka gaadiidka iyio dadka, iyadoo walibana xirxiray ganacsigii halkaasi ka socday.

Xalay oo la weeraray Hotel Madiina ee Magaalada Muqdisho

Xalay fiidnimadii ayaa qarax iyo is-raasaaseyn waxa ay ka dhacday Hotel Madiina ee Degmada Xamar-jajab oo la sheegay in ay ku sugan yihiin ergay ka timid puntland oo ka qaybgaleysa Shirka dib u heshisiinta Soomaaliyeed.

Ilaa iyo hadda lama garanayo khasaarihii halkaasi ka dhashay, balse warar ayaa waxay sheegayaan in hal qof uu dhaawac ka soo gaaray oo la sheegay in uu ahaa qof ay rasaastu ugu tagtay meel ka durugsan goobta la weeraray.

Ma ahan markii ugu horeysay oo weeraro iyo qaraxyo lala beegsado Hoteelada ay degan yihiin ergooyinka, waxaa habeen dhaweed la weeraray Hotel Lafweyn oo la sheegay in ay degan yihiin ergooyin ka tirsan Shirka dib u heshiisinta, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo labo qofood oo ka mid ah ergadii ka qaybgaleysay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

Gaari uu lahaa mid ka mid ah guddoomiye ku xigeenada Gobalka Banaadir oo..

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka waxay dib u soo celiyeen Gaari laga dhacay mid ka mid ah guddoomiye ku xigeenada shirka dib-u heshiisiinta soomaaliyeed oo lagu magacaabo Max’ed Cumar Tootow. Gaarigaan oo ay dhaceen ciidamo xirnaa dareeska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay in ay markii dambe meel cidlo  ah uga tageen, kadibna waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Waxaa maalmahan dambe Magaalada Muqdisho ku soo badanayey rag wata dareeska ciidamada oo dhibaato u gaysanayey Bulshada, hase yeeshee Dowladda Federaalka ayaa dhowr qabqabatay raggaasi


 Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com