SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidanka Ladagaalanka Xaalufka ee Degamada Dhahar oo utafa xaytaya say u soo af meeri lahaayeen la dagaalanka Xaalufka [Daawo Sawirada]

  • Isha Qormada: LaasqorayNet/Dhahar

Dhahar:- Laga bilaabo June-07 waxaa ka socday degmada Dhahar  hawlgal ballaaran oo lagaga hortagayo xaalufin ba’an oo ka socotay degaankaas iyo deegaamada dariska la ah muddo kabadan 13 sano, hawlgalkan oo ah kii 10aad waxa bilaabay dhalin yaro ah ka soo jeedda degaanka Dhahar, kadib markii ay u adkaysan waayeen dhibaatada ballaaran ee ka jirta degaankooda , taasi oo sababtay in uu baaba’o dhul daaqsimeed aad u wanaagsan laguna gubay dhir aad u tiro badan, dhulkaas oo isu rogay lama dagaan ama safaane, taas oo sabab u noqotay In la degaameeyo dhul ballaaran , isla markaana ay guurtay duur joogtii  ku dhaqnayd dhulkaas.

Iyada oo ay jirtay hawlgallo badan oo noocan ah oo lagu guul darraystay , ka dib markii ay ka yimeeddeen khasaarooyin naf iyo maalba leh, waxaa la isku dayay in wax laga beddelo qorshayaashii here ee fashilmay iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimadii laga dhaxlay hawl galladii hore iyo caqabadihii ku yimid dood iyo falanqayn qaadatay muddo dheer waxaana la qaaday  tallaabooyinkan soo socda:

1-     Bishii June oo dhan waxaa lagu jiray wacyi galin lagu soo maray dhammaan dhulka laga gubo dhuxusha ee ku teedsan deg.Dhahar. Iyo magaalooyinka u dhaw deg.dhahar, hawlgalkaas oo lagu guulaystay in laga soo saaro inta badan dadkii loo soo kaxaystay inay dhirta gubaan .

2-     Bishii July waxaa lala shiray dadka dhuxusha shida ee ka soo jeeda degaanka Dhahar, iyagoo loogu tagay goobohooda, waxaana lagu qanciyay in si nabad galyo ah ay u joojiyaan gubista dhirta, waxaana loo qabtay in ay kaga soo baxaan muddo ku simayn 15/07/2007.

3-    Bishii July waxaa loo tagay dhuxul shidayaasha aan u dhalan degmada Dhahar oo si xawli ah u guba degaano badan oo ka tirsan degmada , waxaana laga codsaday inay si nabad galyo ah u joojiyaan xaalufinta ay ku hayaan degaanka , waxaana la siiyay muddo 15 cisho ah oo ku ekaa 15/07/2007.

4-    Waxaa la sameeyay shirar iyo socod lagu soo maray dhamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ku dhaw dhahar. Waxaana ka mid ahaa: Qardho, Xingalool ,Ballibusle, Baraagaha iyo Ceelbuh, iyagoo laga codsaday inay kala baxaan dadka kaga jira dhuxusha isla markaana ka qayb qaataan ilaalinta degaanka.

5-     Waxaa xusid mudan in 01/08/2007 odayaal u socday wacyi galin ay tageen degaanka Farshabeel iyo Garabka cad oo dhahar u jirta 10 Km , markii ay gaareen halkaas waxaa dagaal ku soo qaaday niman dhuxulaysato ah oo halkaa ku sugnaa oo kasoo doolay gobolka karkaar waxaana dagaalkaas si xun ugu dhaawacmay nin ka mid ahaa odayaasha oo lagu magacaabo Cali Daahir Qodax, iyada oo dhinaca kalena hal nin kaga dhintay nina ka dhaawacmay.

6-     15/08/2007 Waxaa Magaalada Qardho lagu gaaray heshiis dhigaya in ninkasta oo dadkiisu ay dhuxusha gubayaan uu halkaas kala baxo ugu danbayn 18/08/2007.Qorshahaas oo lagu fuliyay dadka ka soo jeeda deg.Dhahar lagana soo saaray dhamaan dadkii u dhashay degmadan (eeg sawirrada hoose), iyada oo aanay go’aankaasi ilaa hadda fulin odayaashii u saxeexay heshiiska dhinaca Karkaar  iyo maamulka P/land oo ay heshiiska u saxiixeen masuuliyiin heer gobol ah.

7-     23/08/2007- 24/08/2007 waxaa la qaaday hawl gal ballaaran oo lagu fuliyay dadkii u hogaansami waayay go’aamadii hore loo gaaray ee dhigayay in ay  joojiyaan gubista dhulka , waxaana dadkaas laga soo baabi’iyay dhuxul  badan oo ay diyaariyeen  iyo qalabkii dhulka ay ku gubayeen , dhuxushaas oo gaaraysa 46 hogood oo ay ku jireen dhuxul dhan: 1380 kiintaal , hawlgalkaas oo ay noqotey in ay wax ka fuliyaan ciidan gaaraya ilaa iyo 250 waxaana loo fuliyay si nabad galyo ah waxaa aad u taageeray dadwaynaha iyagoo si wayn ugu diirsaday hawsha la qabtay.

Eeg sawirrada laga soo qaaday hawlgalkii
 

GABAGABO:

Waxaan ugu baaqaynayaa dhamaan wax garadka iyo masuuliyiinta maamulka P/land inay si dhakhso ah ugala baxaan wiilasha gubaya duleedka magaalada dhahar, kuwaas oo in badan loo digay , si ay u badbaadiyaan in halkaas dhiig ku daato.
ALLE AYAA WAAFAJINTA LEH

BY: GUDDIGA LA DAGAALLANKA XAALUFINTA DEGAANKA
Dhahar.com+LaasqorayNet

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com