SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirweynihii caalamiga ahaa ee Lund oo si habsami leh u socda

  • W/D: Ikraam Cali-kaar
[Prof. Janis Grabbelaar" Ma fahmin ciidamada Itoobiya macnaha dhabta ah ee ay u joogaan Soomaaliya, waxaanse ogahay iney yihiin gunta mushkilada"]
 

Iyadoo maanta gelinkii hore si rasmi ah uga furmay magaalada Lund ee wadankan Sweden shirweynihii caalamiga ahaa ee sanad walba lugu qabto magaaladan ayaa arrimihii halkaasi looga hadlay waxaa kamid ahaa. Arrimaha Darfur iyo Soomaaliya oo aqoonyahanadii halkaasi iskugu timid ha hadlaan, waxaana kamid ah haweeneyda la yiraahdo. Prof. Janis Grabbelaar ayaa waxey si cilmiyeysan oo aad loola dhacay uga hadashay arrimaha murugsan ee Soomaaliya. Haweeneydan oo ah macalin wax ka dhigta jaamacada Pretoria ee dalkaasi Koonfur Afrika, ayaa waxey xustay in dalkaasi markii ugu horeysay laga hirgeliyey Gudiga u qaabilsan waxa ay ku sheegtay "Runta iyo Dib u heshiisiinta" si la isku soo horfariisiyo dadkii la dulmay iyo kuwii wax dulmi jiray.

 Dowladii ku dhisneyd midabtakoorka ee ka arrimin jirtay dalkaasi Koonfur Afrika.

Gudigan oo haatan shaqeynaya muddo toban sanno ah ayey Prafasooradu xustay inuu suuragal ka dhigtay in dadkii dambiyada dalkaasi ka geystay ay cafis weydiistaan kuwii ay dhibka u geystaan halkaasi lugu cafiyey.
 
Dhinaca kale iyadoo hadalka kor ku xusan tusaale ugu soo qaadatay mushkilada Soomaaliya ka jirta ayey sheegtay in sida keliya ee Soomaaliya nabad uga dhalan karto ay tahay in si cadaalad ah loo wadahalo lana qirto qaladaadka laga galay dadka dhibka loo geystayna iyagana ay cafiyaan.

Sidoo kale iyadoo weli arrimaha Soomaaliya ka hadlaysa ayey xustay in sanadkii hore ay tagtay dalka Soomaaliya iyadoo horey u sii raacday koox soomaali ah oo aadayey magaalada Muqdisho. Durba waxaan dareemay bey tiri nabad lugu soo dabaaladay magaalada Muqdishoiyo dhamaan goboladii koonfureed ee ay gacanta ku hayeen maxaakimtii Islaamka. Waxaa amaan mudan bey tiri hadana iney fureen ilihii dhaqaale ee bulshada sida garoonkii diyaaradaha iyo dekedii weyneyd. Waxaan markaasi isweydiiyey bey tiri hadana maxaa dadkii qabyaalada kala leexisay ee dirirta ka dhaxeysay mudda badan midaayey? Waxaan ogaaday in arrinta mideysay ay tahay Diinta Islaamka. "Haddii xalka ummadaasi la doonayana waa in loo daaya Diintooda" ayey hadalkeedii ku soo afjartay proffosooradan wax ka dhigta jaamacada Pretoria ee dalkaasi Koonfur Afrika oo arrimaha Soomaaliya siyaalo kala duwan uga hadashay. Waxaase xiiso badnyd markii ay iyadoo la yaaban awooda ay adeegsadeen ciidamada itoobiyaanka ee ay ku soo xad gudbeen dal dhan qaranimadiisa tiri " Waxaan maqlay in ciidamada Itoobiya ay tageen Soomaaliya mase famin macnaha dhabta ah ee ay halkaasi u joogaan, waana gunta mushkiada dalkaasi ee haatan jirta"

 
Ma ahayn haweeneydan oo keliya dadkii halkaasi ka hadlay hadana waxaa jiray shaqsiyaad badan oo ajanabi ah dhamaantoodna isku aragti ka noqdeen in Soomaalida ay haboon tahay arrimahooda ay wadahal ku dhameeyaan qilaafka dhexdooda ah si loo badbaadiyo ummadda Soomaaliyeed ee dagaaladu daashadeen muddada ka badan 17 sanno.
Maalinta berito ayaa shirkani waxaa uu geleyaa wejigiisii labaad waxaana lugu wadaa in halkaasi ay ka hadlaan qaar ka tirsan mas'uuliyiintii baaralaamka Soomaaliya ee aan ku fikrada aheyn Dowlada KMG sida  Zakariya Xaaji Maxamuud.

W/D: Ikraam Cali-kaar

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 25, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com