SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
SOMALIYA DANO BADAN TALO BADAN & QALIN DAREER AH 

 Mahdi Muse Osam  

  Hagar131@hotmail.com

Hagar132@yahoo.com 

Dhibaatooyinka Rabbaaniga marka laga reebo waxaa jira in badan oo kamid ah dhibaatooyinka ku baahay dunida sadexaad oo kuwo kassab ah fal sameyaheeduna uu yahay qeyb insaanka ka mid ah, taa soo looga dan leeyahay yool higsasho mudan si uu u xaarto fal sameeyuhu dan asaga u gooni ah. (aan noolaadee adigu dhimo) . 

Soomaaliya maxaa ka jaban …????? 

      Waa lagu daalay tilmaanta Somalida ee dhan walba wadaaga ah, (dhaqan, diin, luqad, fir, iwm) hadana waxaa muuqata in dhibaatada Somaliya eey in badan ka sareyso hadii loo bar bardhigo kuwa lamidka ah ee Afrika ka dhacay. Dhibaatada siyaasadeed ee Liberia waxey u muuqataa mid laga talaabay,  rajada cadaaladuna waxey qaadan rabtaa jidkeeda oo waxaa u qoolan maxkamad  Charles Tailorkii in badan dagaalada kawaday wadankaa. 

       Bariga Afrika waa jirtaa in eey ka dhaceen xurgufo siyasadeed oo u dhaxeeya dadka wada daga, Barundi isir sooca ku baahay ee aan dhagaheyga kaga malqay muwaadin u dheshay dalkaa ma,ahan mid somaliya eey haweystay, hadana xaalka Burundi waxuu u muuqdaa mid aamusay oo sameystay hogaan dawladeed aan qeylo ka soo yeerin. 

     Xurgufta Siyaasadeed ee Sudan waxey leedahay dhumuc kastaa oo ay dad dagalamay ku kala  duwanaan karaan, dalka waxaa wadaaga qowmiyado Afrikan & carab ah , hadana waxaa ka jira  dhamaan diimaha caalamka laga helo, xaga kala duwanaanshaha luqaddana waa mid boqolkiiba boqol gaarsiisan, sidaa eey tahayna qaab lagu heshiiyay ayaa lagu wada socdaa oo dhamaan inta dood wadaaga ah waa heshiiyeen, inta dhimanna jidka nabad doonka ayeey hayaan, waxaa tilmaan mudan in dhan walbaa uu dadka ku la hadlo guusha nabaddu in eey xagiisa tahay qofkii guul raadis ahna waa in uu sheegashada nabad raadineed uu ku quutaa. 

      Itoobiya ma mudna sheegid Diktatoorki fadhiyay waxuu uga haluulay si sahlan oo aan jabaq laheyn waxuuna ka tagey dal & dad aan waxba dhaamin lana dhaamin. 

      Somaliya bur bur aan ka soo waaqasho laheyn, Dagaal aan xad laheyn , kala irdhoow aan hiloow laheyn & anaaniyo aan dhamaad laheyn buu na dhaxalsiiyay xurguftii siyasadeed ee lumisay qaranimadii dalka, waxeyna na gaarsiisay Duqii doona Ducana ugu dara .!!!!!!!!! maxaan uga duwanahay dalalkaa ayguba dhibkaa taabtay hadana sida sahlan uga haluulay..????? 

Dabinka Soomaaliya 

       Qeylo dhaanti Caalamka ee Biloowgi Sagaashameeyadii Ee qarnigii tagey ma,aheyn mid niyad Sami ku dhisaneyd, xalka Somaliyana Daacad lagama wada aheyn, waxaa Xasuus Mudan Khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Qaramada Midoobay ee ka hawlgalayay Somaliya, Talooyin mudnaan leh wax qabad la taaban karana abuuri lahaa ayuu muujiyay U qeybsanihii Qaramada Midoobey ee Somaliya Mr: Saxnuun Xiligii Rajo soo celinta, kolkii uu tilmaamay in dhibka soomaliya aan hab ciidan lagu xalin Karin, laakiin isku talo lama wada aheyn, Natiijadi ka dhalatayna waxey noqotay in hagardaamadii Caalamku eeysan wali ka harin Shacabka & dalka Somaliyeed ba, waxaana Tilmaam mudan in dhaqaalhii UNISOM ee xiligaa uu abuuray Hogaamiyaal hubeysan oo qaarkood ilaa hada soo taagan. 

      Waxaa abuurmay Hey,ado ku dano gaara Magaca Somaliya, Qaar ha,aahdeen kuwo horey u jiray laakin dhibka Somaliya si kale ayeey Uga dooneen oo waxuu u noqday Qandaraas eey ku gaaraan Danooyin badan eey ayagu leeyihiin, Urur Gobleedka IGAD uma sameysmin mid siyaasadeed laakin waa loo riixay waxuuna Mug  culus ku leeyahay waxa Somaliya ka dhacaya . 

       Waxaaba ka daran Dadaalka Yurubta & mareykanka oo Noqday mar la,arag, marna ma la is weydiyay waxa fariintoodu u soo daahirto marka dhacdo Siyaasi oo Xajmi leh eey Soomaaliya ka muuqato. Rajadii Bulshada Somaliyeed & doonista shacabka Muqdisho waxeey u dhamaadeen sabab eey leeyihiin Dawladaha Reer Galbeedku,  waxaa hubaal ah in  kacdoonkii Muqdisho uu ahaa guul Soomali u soo hoyatay oo garab weydey, waana Aasaakii Somaliweyn isku imatankeeda oo har cad u dumay dan shisheeye oo aan arxan laheyn laakin adeegsanaya  Gacan Gacal oo ka irdhoowdey Gacanteeda  kale . 

       Dawladaha Reer Galbeedku marna ma siin wax daneyn ah Dawladda Kumeelgaarka ah ka hor inta eeysan soo bixin maxkamadihii Islaamka, horey  waxaa su,aal uga  taagneyd inta Maryekanku uu Ictiraafsan yahay Xakuumaddan cusub ee Mbagathi lagu dhisey, waa lawada xasuustaa Bayaankii kharijayada mareykanku in eeysan dhaafin Hubsiin ama ka fiirsasho mawqifkooda ku aadan Dawladda,  sidaa eey tahayana dhawrkii Bilood eey Maxkamaduhu jireen ilaa intii eey ka Baxaan  Xariir Muuqaal leh ayuu Muujiyay Mareykanka tasoo aheyd awoodda dhabt ah ee Maxkamadaha ka bixiyey Caasimadda Somaliya .  

Talabo talo ayeey keentaa.. 

      Natiijo xumida & ballo abuurka shirarka Soomaaliya loo qabtaa waxaa ka dhalatay baahi loo qabo in la helo xal soomaliyeed oo lagu doonayo qaab Soomaliyeed, Soomali la hashiisiinayo laakinse ayagu is heshiisiinaya, Goob ahaan, Waqti ahaan, Ergo ahaan intuba, waxaana Hubaal ah in Masrixiyadda Soomaliya gabagabadeedu  eey sidaa ku soo afjarmi doonto. 

       Nabad , Nabad , Nabad waa Oraah Kulmisa dhamaan inta isku heysa Siyaasada Soomaliya, laakin waxaa Quman in dhan walba uu eego dhanka kale, si eey ugu cadaato boogta dhabta ee dhayidda u baahan, Doodihii Qabiilka , Qeybsigii Xukunka IWM waxay u Muuqataa in laga soo gudbay,  arimaha Afkaarta , mabaadida, qaab maamulka ayaa noqotay kuwo u badan khilaafka Siyasdeed ee hadda Soomaliya ka taaagan, waana talaabo mudan in la dhiiri galiyo,  waxaa  fududaanaya qaab loo wajaho dhibaatada Dalka, maxaa yeelay hadiiba uu garto qofka waxa uu doonayo & waxa laga doonayo waa calaamad xariiqi karta wada qeybsi & kala qeybsi, dhanka kale dhamaan waxii dhib dhacay ee naf & maalin leh waxeey ku soo hoobteen aan heshiino waloow sida aan horey u sheegnayba heshiisyada badankood eeysan aheyn kuwo daacad laga yahay loona yahay, Waqtigan xaadirka ahi  talo waa in la heshiiyo qof walbana ha u diyaargaroobo in uu laqqo waxuusan qaadan karin xataa hadiiba eey taabaneyso mabda,a aan wax u dhimeyn asaaka diinta, laakin Oraahdan waqtiga waa ka horeysaa qaabka wax u socdaana nasiib kuma leh nasteexada noocan oo kale ah, waase dadaalaa waa gaaraa, hadii eey ugu yaraatana talaba talo ayeey keentaa ku biiri caqligaaga Badbaadada dalka inta aad ka awooddo. 

Qalin dareer ah mase…?????? 

        Qoraalku  waa habka ugu munaabsan ee fikrad lagu gudbin karo, waxuu reebaa raad raac dheer oo waayo waayo jira, Qalinkuna waa waxyaabaha ugu cimriga dheer, macnaha ku jirana waa baahnaanta hawsha qalinka & waarida macnihiisa, qoraalku waxuu u dhadhamaa inta eey la egtahay culeyska hadaba Fikradda uu xambaarsan yahay marka laga reebo midka loo qoro Suugaan ahaan, kaas waxaa dheeha Oraaho isku xiran oo u taxan sida farsan Muuqal leh. 

       In badan baa Soomalida ka qoreen waxa ka jira Dalka , doodo badanna waa laga dhiibtay, Kol hore waxeey u muuqatay dhex galka waxa Somaliya ka jiraa & qoraalkeedu in eeysan waxba is dhaamin, horaa loo yiri Dadku waxey u qeybsamaan Gacan ku dhiigle, af ku dhiigle, Jiib ku dhiigle, Qalin ku dhiiglana ku dar, asagaaba ka xun oo eey Ceebtiisu & dambigeeduba uu baahaa. 

      Kadib Soo Bixitaankii Xoogaga Maxkamaduhu saaxada Siyaasadda Soomaliya waxey yeelatay waji kii hore ka duwan, Tusaale Cusub ayaa soo baxay oo Muujiyay in xalka Soomaaliya si daakhili ah loo xalin karo, maxkamaduhuna waxeey noqdeen Mithaal loo qaadan karo dib u dajinta & cag dhigidda bulsho dhawr & toban sano Fawdo & wax ka daran hooy u noqotay, in badan oo xussaad ah ayaa qiray wax qabadka Maxkamadaha, qaarna waa qarsadeen aygoo ka turjumaya shakhsiyadooda liidata aan awood Nafsi u siin Karin in Geyrkii uu wax u o golaado, Caddaaladdaa muuqaalkaa ah ee aay Muteen koxaha Maxakamada ahi dhaliil kama marneyn, waa Hubaal ah in camal bashar uu san ceeb laawe noqoneyn. 

      Fariimaha eey xambaarsanaayeen Hogaanku maxkamaduhu waxuu ahaa Aasaaska Bulsho weyn muslin ah dhaqan ahaan & Dastuur ahaanba, waxeyna arintaa u mareen qaabka Xooga malateri oo xukun noocaa oo kale ah lagu gaaro, laakin ka dhashay kadib baahi gaamurtay oo ku habsatay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan inteeda ku nool Caasimadda oo ah ubucdii Dalka ee  Soomaali weyn, waxeyna abuurtay Kacdoonkii eey hogaaminayeen Kooxaha kala duwan ee ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamka, taana waxey abuurtay dhawaaq ka yimi xaga Maxkamadaha si eey u cadeeyaan dhambaalkooda hogaamin & qorshahooda Siyasdeed ee ku dhisan Aragtida Islaamka. 

      Barnaamijka Maxkamaduhu xaga fikirka & Mabda,a ahaanba  ma aheyn mid kadis ku yimi, waxaa horey u jirey Dareen Islaami ah oo arintan higsanayay, in ka badan Qarni barkii  ayaa Xarakaadka  Islaamku sidaa u guuxayeen,  meer meer dheer kadib waxaa dhawaaday geedi furkoodi  oo waxey u xuubsiibteen Maxakamdaha Islaamka oo eey Noqdeen Horjoogayaal & hormuud Hiil & hoo u haya, taa oo eey tahay xaqqa fikirka & mabda,a uu qofka ka mutto, waana Ammaan in  qof kasta waxuu aaminay uu ku sugnaado. (allow nagu sug sida xaqqa ah). 

        Qoraalku waxuu xaq u leeyahay in uu taabto muuqaalka Maxkamdaha fikri ahaan , mabda,a ahaan , qaab ahaan IWM, waxaana banana boos Mug leh marka la rabo in la tilmaamo muuqaal is badel intaa la eg  sameeyay, waxaad se moodaa in badan In qalin dadreer ah lagu qoray, ama Fikir Ciil qaba uu qoray, Caddaaladda Fikirka & macnaha dhabta ah ee qoraalku waa Mid mudan in eey ka soo baxdo shakhsi sidaa ku sifeysan, Qoraagu waa dhaye raba in uu  daaweeye boog biirtay oo loo caal waayay, ma mudna dhakhtarku in uu u Caroodu bukaanka hortaagan ee dhayidda ka raba, mana aha Asluub qoraal in la baahiyo qaab qaldan oo u muuqatay Qoraagu, dadku waa wada qaldan yihiin laakin waxaa Madhluub ah saxidda in la qaado dariiqeeda & sida aad ku gaari karto qalbiga qofka Qaldan adoon Dareenkiisa ki cin, si aad u saxdo waa surro Gal Qoraaga Qalinka dareerka ah wataa in uu Noqod ugu yaraan Garab Sedexaad oo meel cidla ah Taagan. 

        Guushu waa mid lawada wadaago, waxaan xasuustaa biloowgii Dagaaladii Muqdisho ee u dhaxeeyay Maxkamadaha & Isabheysiga ladagaalanka Argagaxisada in in badan caga jiid ka muuqday ama dhaliil ka imaaneysey ku wajahan qorshaha dagaalka ah eey Islamiyiintu la galeen Hogaamiya Kooxeedyada ayaagoo u sameynaya Magacyo aan niyad wanaag ka muuqan, ka gadaal guushi maxkamaduhu waxaa goob jog loo ahaa Mabruukiintii guushaa & sida loogu jiheystay Xarunta guusha ee Muqdisho,  dhamaan tabihii dagaal ee guusha sababay waxey noqdeen ceeb ka saliim, Hogaankii Maxkamaduhuna waxuu helay qadarin guushaa u dhiganta. 

    Ka gadaal jabkii Maxkamadaha waxaa muuqday qoraalo badan oo taabtay hawlhii maxkamdaha, waxaa ugu darnaa kuwii shakiga galiyay awooda hanasho ee Islaamiyiinta Soomaliya Hogaanka Dalka, & u dhaweyn Mustaxiilnimada  Mudnaanta arintaa, dhamaan fariimaha sidan Muujiya ma ahan kuwo cusub  in badan oo caalamka ayaa wax ka qoray mid u cadaalad sameeya & mid ku xadgudbaba, badanaana Qoraalada Noocan ah waxey Tusaale u soo qaataan Tajrubooyin ka dhacay Caalamka Sida Hogaankii Islaamka ee Dhaalibaan, laakiin waxaa Quman in dib loo fiiriyo arimaha qaar, Gaar ahaan Tajrubadii Maxkamadaha ee Lixda Bilood. 

       Hogaanka maxkamdaha waxaa looga mara kacay Taalaabo Taariikhi ah, taa oo ah waxa Caajis galiayay In badan oo Caalamka ka mid ah, Ku soo dabaaliddi Amniga caasimadda waxuu Noqday mid fajaciso ku noqotay dhamaan Caalamka Xabiib & cadowba, laakin waxaa Hubaal in Maxkamduhu eeysan gaarin xili lagu qiimeeyo hanashada Hogaanka Dalka, Mudada oo gaaban & xaalada Oo aheyd Mid Colaadeed ayaa si sahlan u siibtay Jiriddii Asaaska u noqon laheyd qorshe Siyaasdeed oo qiimeyn la la tiigasan karo. 

       Is dhex galka Afkaaraha & u xuub sii basho la,aanta hal  Mabda,a ayaa dheeh badan galiyay Qoraalada wax ka yiraahda Maxkamadaha, Fariimaha Qoraal  oo ay qoraan la doodaha Maxkamduhu waa ku wo Daw ah kolka la tixgalinayo ra,yi kale, maxaa yeelay waxaa jira Khilaaf  sababay walax la isku diidan yahay oo u baahan in loo maro asluubkiisa mudan in la qaado, waxaase Nuxur la,aan ah Fariimaha u muuqda  talo dhiibasho ama wax saxid   hadana in badan haleynaya,  taa oo ka dhalatay macno la,aan Fikradda qoraalka ama fariin baahiyaha , Tusaale ahaan  ma mudan tahay Dawladdu in aan Niraahno ayadoo dhan maxkamadaha ha raacdo si nabad loo helo!!!!!!  Taa waxaa la mid ah fariinta ku baaqeysa in maxaakimtu eey dawladdu isku dhibaan si nabad loo helo, maxaa dagaal keenay hadaanu jirin wax la isku diidan yahay, mase saaxiibka fikraddan ama Qoraaga macnahan waa ka baxay Caalamka Afkaarta & mabaadida, waxaa kaloo mudnaan leh Talo dhiibtuhu in uu kalsooni ka qabo intee in la,eg ayeey fariintaada ku qancin karaan dhanka aad u waddo, waxaa suuro gal ah in talo xaq ah eey kuula muuqato in eeysan qaadasho mudneyn hadaad baahiso, sababo la xariira xaga waqtiga & boosakaba, sidaa darted  waxaa mudan in qalinku noqdo mid ka dhibca macno dhisid, xaqiiq Dhab ah , & naf daacad ah oo u run sheegeysa waxa eey aaminsan tahay. (Allow Hadalkeena & qoraalkeena waa faji niyad wanaagsan )  Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiinnnn. 

    Mahdi Muse Osam  

  Hagar131@hotmail.com

Hagar132@yahoo.com   
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com