SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaalida oo ay  beryahan dambe kusoo badaneyso dadka sheeganaya mansabyo aysan lahayn

Qalinkii: C/lahi Axmed Barkhadle(C/lahi Bookh)

Atlanta Georgia ,U.S.A

Barkhadle7@hotmail.com

Bookh02@yahoo.com

 

Marka  Dowlad la waayo waxaa meesha ka baxaya Nadaamkii iyo Kala dambeyntii , taas oo keeneysa in shakhsi kasta sameeyo wax allaalee iyo wixii maskaxdiisa kusoo dhaca ama uu sawirto , soomaaliya waa Dalka kaliya ee aduunka oo idilba muddo ku dhow 20 sano  Dowlad la’aani ka jirtey  , taas oo keentay in Umaddii Soomaaliyeed ay is bar bar yaacdo oo qof kasta sheegto ama sameeyo wuxuu maskaxdiisa  iska tuso ama la wacnadaa ha xumaadeen ama ha fiicnaadeene ,ileen ma jirto Dowlad kala hageysa oo qof walba  u tilmaameysa Dowga uu leeyahay , isla markaasna ku abaalmarineysa qofkasta xumaan iyo wanaag  waxa uu kasbado , Hadaba Mudooyinkii u dambeeyey waxaad ku arkeysaa Idaacadaha websites iyo Dhamaan aaladaha wararka laysugu tabiyo , Dad iska sheeganayo  mansabyo ama taytalo cid u dhiibtay iyo cid u magacaabatey aysan jirin (self Declared)  Sida Madaxweyne , Aqoonyahan ,Afhayeenka beesha reer Hebel ,Gudoomiyaha Jaaliyada reer Hebel iyo kuwo kale oo badna ,arintan oo sanadihii ugu dambeeyey aad usii badatay ayaa waxay khatar ku tahay in soomaalid is afgarato ama heshiiso ,sababtoo ah kii aqoonyahanka ahaa hadii   mid jaahil ah oo aan waxba baran uu la doodo uu kula doodo cilmigii uu bartey oo weliba dhaho waxba ka taqaanid akhristow Sidey isu afgaran karaan  ama u Heshiin karaan Labadaas Shakhsi ? ..

 

Hadii kii caalimka ahaa ee diinta ilaahay yaqaanay mid caamo ah oo aan diinta waxba ka aqooni kula  doodo arimihii Diinta sidey isu fahmayaan ama wax isula meel dhigayaan labadaas shakhsi,? Hadii kii Umaddu  Kalsoonida u dhiibatey ee Dooratay ee umaddu Tidhi na hagoomi mid aan cidiba u dooran oo isugu is magacaabay  kala doodo Umadda aayaheedii ama uu dhaho aniga ayey taladu iga go’adaa maxaay ka dhalan kara ? isku soo wada duuduuboo Hadii aan qof walba Aqoontiisa ,caqligiisa ,iyo mansabkiis lagu ixtiraamin  ka dhalanaya khilaaf iyo is afgaran waa joogto ,waxaana kula talinayaa  dadka sheeganaya Mansabyada aysan saaxiibka u ahayn inay joojiyaan ,waxaana u sheegayaan ineysan sharaf ku leheyn waxa aysan ahayn sheegashadooda ,sababtoo ah adiga oo aan Doctor ahayn  hadii aad Doctor sheegto oo aad dhahdo Dadka ayaan daweynayaa Muddo intee le’eg ayey kusoo socon kartaa Jawabta waa waxba  Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (beeni raad maleh)  Macnaha beentu malaha  lugo ay ku istaagto, oo mar walba waa tii fashilanta , waxaan usoo jeedinayaa dadka ku shaqeysta howshaas iyada ah inay ka waantooba oo ilaahay ka baqaan isla markaasna ka xishoodaan binu aadamka   ,waayo  wax aadan ahayn oo aad sheegto waa been , Beenta diinta islaamka ee  sharafta badani , qofka beent sheega meel adag ayey gaadhsiisey , waxaan kuu cadeynaya  qur’aanka in badan ayey ku timi, iyadoo Eebe weyne nacaladayo kuwa beenta sheega , waxay ka kaloo beentu ka mid tahay  sifooyinka lagu garto dadka munaafaqiinta ah  , Markaa is xisaabi inta aan lagu xisaabin

 

 

Qalinkii: C/lahi Axmed Barkhadle(C/lahi Bookh)

Atlanta Georgia ,U.S.A

Barkhadle7@hotmail.com

Bookh02@yahoo.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com