SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Walxaha Qarxa Oo Laga Soo Buuxiyey Bac Madow Oo Ku Qarxay Agagaarka Madasha Shirka.

Qarax sababay dhimashada hal nin oo rayid ah ayaa saaka ka dhacay agagaarka xarunta shirka dib uheshiisiinta qaran ee xerada gaadiidka booliska ee degmada c/casiis ee magaalada muqdisho .

Qaraxan ayaa dhacay saaka subaxnimadii hore xili lagu qiyaasay 7;30 daqiiqo ee xiliga caasimada muqdisho islamrkaana la sheegay inuu ahaa walxaha qarxa oo laga soo buuxiyey bac madoow islamrkaana laga hagayey rimuudka taasoo ku qaraxday meel aan sidaa uga dheerayn goobta shirka loogu tala galay .

Qaraxan ayaa sidoo kale la sheegay in la rabay in lagu waxyeeleyo baabuur cabdi bile ah oo ay saar-nayeen tiro ciidamada dowlada KMG ah oo kusii jeeday saldhiga bari ee degmada c/casiis ,waloow baabuurkaasi xili uu dhaafay meeshaas uu qarxay bamkani ka buuxay bac madowda .

Qaraxan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay labo dhalinyaro ah oo arday ah oo kusii jeeday goobta ay wax ka baranayeen oo aan sidaasi uga sii fogayn goobta uu shilku ku qabsaday .

Maaha markii ugu horasay ee qarax noocan oo kale ah lala beegsado agagaarka madasha shirka islamrkaana ay ku waxyeeloobaan dadka rayid ah asbuucii lasoo dhaafay ayay ahayd kadib markii qarax xoogan uu ka dhacay ex-shinemadii hore ee xadra-muud oo dhabarka ku haysa madasha shirka taasoo ay dad badani ku dhawacmeen .  

Odayaal Iyo Waxgarad Ku Baxay Goobihii Gacan ka Hadalku Ku Dhexmaray Labada Beelood Ee Xawaadle Iyo Murursade.

Dagaalkii lagu hoobtay ee dhowaanahanba ka soconayey degaanka gal-gudud iyo hiiraan ayaa waxaa qaylo dhaan kadib ku baxay odayaasha iyo waxagaradka kasoo jeeda labada beelood ee dirirtu ku dhex martay degaanka wabxo iyo maxaas.

Dagalaadan oo ahaa kuwo iska soo daba noqday mudooyinkii ugu dambeeyey islamrkaana ay ku nafwaayeen in ka badan 20-qofood oo isugu jira dad rayid ah iyo maato ayaa waxaa dagaalkani salka ku hayaa ceel biyood oo ka qodan deegaanka wabxo oo ay labada belood ay ku andacoonayaan in mid waliba ceelka gaarkeeda u leedahay .

Sidoo kale waxgaradka kasoo jeeda guurtida dhaqanka beesha hawiye ayaa shalay kulan ay ku yeesheen madasha shirka ku baaqay in si shurud la,aan ah dagaalkaas loo joojiyo islamrkaana u magacabay gudi beeleed oo ka kooban 15-qof in loo diro degaankaasi.

Garabka maxamed xasan xaad oo kamida odayaasha dhaqanka beesha hawiye islamrkaana kasoo jeeda labada beelood mid kamid ah ayaa ah ayaa sheegay inay degaanka dagaalku ka dhacay ay u diri doonaan gudi nabadoono ah oo ka kooban 15-xubnood oo uu hogaaminayo garaad Fiidoow oo kasoo jeeda beesha degta gobolka hiiraan .

Nin Ganacsade Ah Oo Maanta Lagu Diley Suuqa Weyn Ee Bakaaraha

Nin Ganacsade ah ayaa maanta dabley ku hubaysnaa baastoolado ay ku dileen gudaha suuqa weyn ee bakaaraha gaara ahaan agagaarka suuqa sarifka ee loo yaqaano cakaara .

Ganacsadahan ayaa sida ay saxaafada u xaqiijiyeen goob joogayaal xiligaa dilka loo gaysanayey marxuumka ka ag dhowaa ayaa waxay tibaaxeen in marxuumka labo xabadood madaxa lagala beegsaday islamrkaana lagala baxay markuu dhacay lacag aan cadadkeeda la sheegin oo ahayd sida ay sheegayaan goob joogayaashasi lacag dollar ah .

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa dilkan loo gaystay marxuumkan ganacsadaha ahaa iyo weliba cida ka dambaysa dilka ninkan balse wararka qaar ayaa tibaaxaya inay ahayd fal burcadnimo oo laga dhacayey marxumka lacagta uu xiligaa watey .

Dilalka isugu jira bur-cadnimada iyo kuwa qorsheysan ee salka ku haya siyaasada ayaa kusoo badanaya caasimada muqdisho xili ay ku sugan yihiin ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira kuwo shisheeye iyo weliba soomaali waloow aysan jirin cid wax qabanaysa amaanka caasimada oo faraha kasii baxaya . 

Waxgaradka Kasoo Jeeda Beesha Hawiye Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Falalka Dilka Ah Ee Ka Socda Casimada Muqdisho.

Odayaasha iyo waxgaradka dhaqanka beesha hawiye ayaa baaq iyo qaylo dhaan kasoo saaray dilalka kala duwan ee ka dhacaya caasimada muqdisho iyagoo ku baaqay in la joojiyo dilalkaasi .

Afhayeenka odayaasha dhaqanka beesha hawiye Axmed Diiriye ayaa waxa uu sheegay in dilalka ka dhacaya caasimadda ee loo geysanayo dadka , aqoonyahanada, saraakiisha iyo waxgaradka ay tahay mid wax weyn u dhimeysa sharafta iyo hanaanka beelaha Hawiye, isagoo farta ku fiiqay in dadka ugu badan ee dilalka loo geystaa ay ka soo jeedaan beesha Hawiye islamrkaana ay wiiqayso aqoonta iyo waxgarnimada beeshu ay leedahay waa siduu hadalka u dhigaye .

Axmed diiriye oo saxafada la hadleyey isagoo ku sugan muqdisho ayaa tibaaxay in dadka lagu laayo macno daro islamrkaana aan loo baahnayn in dhiiga si macno daro ah loo daadiyo taasina ay islaamnimada ka fog tahay waa siduu sheegaye islamrkaana la ilaaliyo walaaltinimada iyo wada noolaanshaha .

Si kastaba ha ahaatee afhayeen axmed diiriye ayaa ku baaqay in si shuruud la,aan ah loo joojiyo dilalka ka dhacaya magaalada muqdisho .  

Maxamed Dheere Oo Hanjabaad Mar kale Usoo Jeediyey Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye.

Maxamed cumar xabeeb (maxamed Dheere ) oo ah gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa caasimada dowlada KMG ah ayaa hanjabaad kulul usoo jeediyey odayaasha dhaqanka beesha hawiye islamrkaana ku eedeeyey dhibaatooyinka amaan darro ee ka jira caasimada muqdisho inay iyagu ka dambeeyaan waa siduu hadalka u dhigaye.

Gudoomiyaha gobolka banaadir maxamed dheere ayaa maanta mar uu shir jaraa,id ku qabtay xaruntii hore ee booliska soomaaliyeed ee loo yaqaanay Commando Bulusiya ee magaalada Muqdisho waxuu uu ku sheegay in dhibaatada amaan daro ee ka jirta caasimada ay masuul ka yihiin odayaasha dhaqanka beesha hawiye islamrkaana uu si gaara farta ugu fiiqay garabka ugu weyn ee ay ku midaysan yihiin odayaasha dhaqanka beeshaasi ee ay madaxada u yihiin Max'ed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye.

" arheey waxaan u sheegaa in marka ugu dambeysa dabka ay wadaan uu iyaga taaban doono , maxaa yeelay kuwii ka horreeyay oo arintaan aas aasay waa kuwa ka soo hadlaya dalka Eritrea iyo Meelo ka fog fogba , ka dib markii uu gaaray dabka, iyagana waa gaari doonaa, maalinta dambena waxaad arki doontiin, iyagoo ama ku dhintay ama banaanka ka soo hadlaya, Dab ninkii shidana isaga ayuu gubaa" ayuu yiri Max'ed Dheere

Maxmed dheer oo ah duqa caasimada muqdisho ayaa carabka ku adkeeyey in ay odayaasha dhaqanka beesha hawiye ay dabka ka shidan muqdisho ay iyagu shidayaan islamrkaana ay ka dambeeyaan dhibatooyinka amaan daro ee ka jira caasimada muqdisho waa siduu hadalka u dhigaye .

Hadalkan kasoo yeeray maxamed dheere ayaa kusoo beegmaya xili ay maalinkii shalay ahaa xafiiska gobolka banaadir ee uu madaxda ka yahay lagu tuuray bam gacmeed islamrkaana uu gaystay khasaare nafeed oo uu ku dhawacmay nin kamida xafiskiisa dowlada hoose ee gobolka banaadir .

Yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 20, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com