SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri


Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Caaqil Macalin haaruun macalin yuusuf  oo ay kooxo hubeysani Habeenkii Axadu soo geleysey ku dileen magaalada muqdisho

Aug 19, 2007: Macalin haaruun macalin yuususf ayaa xiligii salaada maqrib mar uu ka soo baxayey masaajidka waxaa 3 nin oo hubeysani toogasho ku dileen meel aan gurigiisa ka fogeyn ,


 
Nabadoon Macalin Haaruun macalin yuusuf  oo ahaa Naboodoon caan ah si weyna loo yaqaan koofurta somaliya  ayaa xalay maqribkii si gaadmo ah loogu  dilay gurigiisa oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee W/magaalada Muqdisho. 
 
Nabadoonka ayaa kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneynin  rasaasku fureen  xiligii salaada maqribnimo xabadahaas oo ka haleelay jeegada taasoo dhexfadhiisatay madaxa , dhegta iyada oo ka baxday dhegta kale iyo mid uga dhacday lugta ,
 
Lama qaban kooxdii ka danbeysay Dilka Nabadoonka kuwaas oo ku hubeysnaa  Bistoolada agoona si xarageysana isaga dhaqaaqay ka dib markii ay fuliyeen dilka mar xuunka 
 
Dhacdadaan ayaa aheyd tan iyo xalay fiidkii hadal haynta ugu badan ee qofbo uu ka bixiyo tilmaanta sababata dilkaan
 
Macalin haaruun ayaa ahaa sanadihii ugu danbeeyey wadaad caanka ahaa magaalada muqdisho wuxuuna ka mid ahaa ka qeyb galayaashii shirka dib u heshiisiinta beelaha somaliyeed haatan uga socdo xerada gaadiidka booliska ee magaalada muqdisho ,
 
Meydka macalin haaruun oo laga qaadayo gurigiisa oo ku yaala xaafada suuq bacaad ayaa lagu wadaa in manta lagu aaso magaalada muqdisho   
 
Dilka noocaan oo kale ah ayaa ah mid ku soo noqnoqda xaafadaha ka tirsan magaalada muqdisho waxaana laga maqlaa markasta meel aan laga filaneyn iyo qof si aad ah looda damqado waxayna u muuqataa kuwa caadi ka noqday oo aanay sahal aheyn in wax laga qabto


 
Ma jiraan ilaa iyo hada cid isu taagtay wax ka qabashada arintaa murugada leh iyo cid awood u leh in ay is hortaagto arimaha noocaan oo kale ah alle mooyee
Qorshaha  dilka ee dadka wax garta ayaa Muqdisho ka noqday kuwo ku soo badanaya ,
 
Sidoo kale ma jirto cid damaanad qaadi karta amaanka dadweynaha oo maalmiihii u danbeyey noqday kuwo u nugul gacmaha kuwa dialaya oo ka koobma qeybo kala duwan   
 
 Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya 
025215576666
002521653623
 


Nabad doon caan oo ka qayb galey shirka d/heshiisinta oo la diley.

bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com

Nabadoon Macalin Haaruun Macalin Yuusuf oo ka mid ah nabad doonada caanka ah magaalada Muqdisho ayaa habeen axada lagu diley gurigiisa oo ku yiil xaafada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
 
ALLAHA u naxariistee Marxuum Macalin Haaruun ayaa la diley ka dib markii uu ku soo tukadey masjid gurigiisa u dhaw salaada maqrib, waxaana lagu diley banaanka gurigiisa oo ku yaal xaafada Buulo Shiidle ee degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho 18/82007.
 
Qof codsaday inaan magaciisa saxaafada laga sheegin oo degan deegaanka lagu diley marxuumka ayaa u sheegay somalitalk.com in marxuumka ay dileen laba nin oo ku hubaysnaa baastoolado, waxaana uu ku geeriyoodey isla goobtii uu ku sugna.
 
Marxuumka la diley ayaa ka mid ahaa ergada ka qayb galaysa shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida, waxaana uu ka mid ahaa dadka sida weyn ugu dhaqdhaqaaqa nabada iyo dib u heshiisiinta, isagoo inta badan ka qayb qaadan jirey kulamada nabadeed ee ka dhici jirey magaaalda Muqdisho..

Agaasimyaasha Guud ee Wasaradaha Puntland oo Isniinta kulan gaar ah la yeelan doona M.waynaha DGPL , muxuu kulankaasi ku saabsan yahay ?

Agaassimayaasha Guud ee Wasaaradaha kala duwan ee Puntland ayaa maalinimada Isniinta ah haddii Eebe idmo waxay kulan gaar ah la yeelan donaan M.waynaha Puntland Cadde Muuse , ujeedada kulan ayaa la shegayaa in ay la xiriito sidii loo sixi lahaa hab maamulka Wasaradaha.
 
Warar hoose aya waxay sheegayaa in uu M.waynuhu iminka doonayo in uu shaqada inta badan ay qabtaan Agaasimayaasha Guud Wasiiradanu ay arimaha siyaasada dawlada ay hagaan.
 
Wasaaradaha Puntland ayaa waxaa la sheegaa in iska daa Agasimyaasha Guud aysan wax shaqo ah aysan qaban Wasiirkuxigeenadu oo ay buul yihiin.
 
Dadka la socda arimaha gobolka ayaa waxay tilmaamayaan in xiligan ay adag tahay in wax laga badalo qaabka maamul ee mudada dheer lag u shaqaynayay.

MADAXWEYNE YUUSUF: "Inta shiddadu socoto oo cidi ka soo horjeedo dowladda wey soconayaan howlgallada" Shir Jaraa’id.

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo axadii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia isagoo ka warbixiyay waxyaabihii u soo qabsoomay mudadii uu ku sugnaa Nairobi iyo kulamadii uu halkaasi kula soo yeeshay mas’uuliyiinta sare ee Kenya iyo Safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in safarkiisa uu guul ku soo dhamaaday isla markaana waxaa uu sharaxay waxyaabihii ay ka wada hadlaan safaaradda Mareykanka ee Nairobi iyo ergayka gaarka ah ee Mareykanka u soo magacaabay arrimaha Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in 16-ka bishan kulan ka dhacay Safaarada Mareykanka kaasoo looga hadlayey qorshaha cusub ee dowladda Mareykanka ku taageereyso Soomaaliya.

"Dowladda Mareykanka waxay kordhisay qorshaha lagu taageerayo Soomaaliya waxayna sanadkan gaarsiiyeen 149,293.000 (Boqol afartan iyo Sagaal Milyan Labo Boqol sagaashan iyo sadax Kun oo Dollarka)" ayuu yiri Madaxweynaha dowladda KMG ah oo intaa raaciyay in Boqol iyo Kontan Milyan Dollarka Mareykanka ay soo hormarin doonaan.

Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in xiligan dowladda Mareykanka ay diyaar u tahay iney wax u qabato shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa raaciyay in taageeradaasi maaliyadeed ay isla garteen xubnihii uu kula soo kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sidoo kale Madaxweynaha iyo Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa isla soo qaaday arrimaha la dagaalanka argagixisada caalamiga sidii la isaga kaashan lahaa taasoo ay isla meel dhigeen.

Mar uu ka hadlayey Madaxweynaha dowladda F.Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxyaabaha ka dhacaya Muqdisho iyo howlgalada ay wadaan ciidamada dowladda ayuu sheegay in ay howlgaladaasi ay sii socon doonaan inta laga xaqiijinayo amaanka caasimada dalka iyo goob kasta oo dalka ka tirsan oo wax ka jiraan.

"Inta shidadu socoto oo cidi ka soo horjeedo dowladda wey soconayaan howlgalada, ninkii la saamaxay ee mar kale danbi gala mar kale lama saamixi doono" ayuu yiri Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlay mudada ay soconayaan howlgalada ciidamada dowlada wadaan iyo maxaabiista horay loo cafiyay.

Madaxweynaha dowladda KMG ah Md. Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in uu magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo xaruntiisa uu ku booqday, sidoo kale safiiro ay ka mid ahaayeen dalalka Ingiriiska, China, Kuuriyada Koonfureed, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.Midoobay Mar. Francious Fall iyo xubno kale oo ay isla soo qaadeen arrimaha dalka Soomaaliya iyo sida gacan loogu geysan karo dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta.

xubno ka mid ah maamulka Gobolka Banaadir oo lagu weeraray qaraxyo.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax lala beegsadey baabuur ay wateen xubno ka mid ah maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxaasi uu ku dhaawacmey gudoomiyaha degmada Hawlwadaag.
 
Qaraxa ayaa lala beegsadey gaariga oo uu iska lahaa gudoomiyaha degmada Hawlwadaag Yuusuf Geelle, waxaana gaariga la saarnaa gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka siyaasada C/laahi Xasan Ganey (Firimbi), balse waxba aysan soo gaarin.
 
Gudoomiyaha degamda Hawlwadaag oo ayaa la xaqiijiyey in laba ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, halka burbur uu soo gaaray gaarigiisa.
 
Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada Waerdhiigley Xasan Cali Xashaash ayaa ka badbaadey isku day dil oo lala maaganaa ka dib markii bambooyin lagu tuuray gaari uu la socdey oo ka mid ah ciidamo Booliis ah oo hawlgal ka wadey magaalada Muqdisho, gaar ahaan degamda Wardhiigley.
 
Xasan Cali Xashaash  ayaa  xaqiijiiyey in aanay jirin cid wax ka noqotey weerarkaasi lagu soo qaadey, iyadoo bambooyin gacanta lagu tuuro oo ahaa labo ay lagu soo tuuray, oo mid ka mid ah ay qaraxdey, halka midii kale aanay qarxin.
 
Xubnaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa lala tiigsanayey weeraro, waxaana la diley ama la dhaawacay in ka badan 10 xubnood oo ka mid ahaa maamulka Gobolka Banaadir.
 
Dhinaca kale 1 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyoodey qarax lala beegsadey ciidamo Booliiska DFKMG ah oo saldhig ku lahaa Isgoyska Hawlwagaag, qaraxaasi markii uu dhacay ciidamado waxay fureen rasaas xoogan, iyadoo qofka dhintey uu ahaa haweenay da'a ah oo halkaasi ku laheyd goob ganacsi.

Boosaaso iyo Qardho laga xusay Maalinta caalamiga ah ee naas nuujinta.

Waxaa maalintii sabtidii si weyn looga xusay magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ee gobollada Bari iyo Karkaar, maalinta caalamiga ah ee 'Naas Nuujinta Adduunka'.
 
Xaflad caaqiba lahayd si weyna looga soo qayb galay ayaa lagu qabtay Hotel Karaama 2 ee magaalada Boosaaso taas oo lagu weynaynayey xuska maalinta naas nuujinta adduunka taasoo ahmiyad gaar ah u leh hooyooyinka Soomaaliyeed.
 
Ururka waddaniga ah ee Hodman kana shaqeeya barnaamijyada dhinaca horumarinta ah ayaa xafladdan isku soo dubba ridey, waxana lagu soo bandhigay qiimaha ay carruurta u leedahay naas nuujintu.
 
Guddoomiyaha ururka waddaniga ah ee Hodman, Mahado Sheekh Axmed oo xaflada ka hadashay ayaa sheegtay in ay habboon tahay in hooyo kasta ay naaska nuujiso cunugeeda kaas oo caafimaadka ilmaha kaamilaya wax kasta oo kalena lagaga kaaftoomi karo lixda bilood ee ugu horreeya nolosha ilmaha.
 
Waxay intaasi ku dartay in hooyooyinka qaarkood ay ku marmarsoodaan in aan naaskoodu caano lahayn ama aasnay awoodi karayn in ay nuujiyaan ilmaha taas oo ay Marwo Mahado ku sheegtay wax la iska aaminey oo aan sal lahayn.
 
Sidoo kale, xaflad ballaaran oo lagu oogayey maalinta Naas Nuujinta ayaa lagu soo bandhigay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar xafladdaas oo ay inta badan ka qayb galeen ururrada bulshada rayidka ah iyo maamulka deegaanku.

israsaaseyn iyo qarax ka dhacay suuqa Bakaaraha ...

Qof haweeneey ah ayaa ku geeriyootay inta la ogyahay askar ka tirsan ciidamada dowladda dhaawac ayaa ka soo gaaray Qaraxyo xoogan iyo israsaaseyn goordhaweyd ka dhacday wadada labaad ee suuqa Bakaaraha iyo agagaarka Geed Jaceyl ee degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.
 
Haweeneeyda geeriyootay ayaa waxaa haleelay rasaas ay is dhaafsanayeen ciidamo ka tirsan dowladda iyo kooxo ku hubeysan bustoolado, iyadoo sidoo kale la maqlay qarax xoogan oo loo adeegsaday bam gacmeed oo halkaasi ka dhacay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
 
Haweeneyda geeriyootay ayaa waxa ay goob ganacsi ku laheyd agagaarka dhismaha Global.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ay arkeen dhaawaca askari ka tirsan ciidamada dowladda Sidoo kale qarax xoogan ayaa waxa uu ka dhacay wadada Geed Jaceyl ee degmada Wardhiigleey, halkaasi ay howl-gallo baaritaano ah ka wadaan ciidamo ka tirsan dowladda.
 
Lama oga wali qaraxaasi qasaaraha ka dhashay.
Guddoomiyaha degmada Wardhiigleey Xasan Cali Maxamed Xashaash oo saxaafada uga waramay qaraxaasi ayaa waxa uu sheegay in labo bam gacmeed ah lagu soo tuuray ciidamada dowladda, iyadoo mid ka mid ah uu qarxay halka midkii kalena aanu qarxin.
 
Mar wax laga weydiiyay rasaas la maqlay qaraxa ka dib waxa ay aheyd ayaa waxa uu beeniyay in ciidamada dowladda ay fureen rasaastaasi oo uu sheegay in lagu soo riday ciidamada.
 
Si kastaba ha ahaatee waxaa sii kordhaya weerarada ka dhanka ah fariisimada ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia, iyadoo 24 kii saac ee la soo dhaafay ay ka dhaceen caasimadda weeraro kooxo hubeysan ay la beegsadeen fariisimada ciidamada dowladda.

somalitalk.com
bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Aug 19, 2007  

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com