SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri


Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 
XAALADA DADKA KA SOO BARAKACAY MUQDISHO EE KU SUGAN DEEGAANKA DEGMADA CADAADO GOBOLKA GALGADUUD BARTAMAHA SOOMAALIYA 

Degmada Cadaado waxay ka tirsan tahay Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxay ka mid tahay degmooyinka ugu balaaran dhul ahaan iyo dad ahaamba Soomaaliya. Dadkeedu waxay u badan yihiin xoola dhaqato, ma lahan inta badan adeegyada aas aasiga ah ee kaaba nolosha aadanaha, 20-kii sano ee la soo dhaafay kama howl gelin maamul dowli ah, sidaasoo ay tahay hadda waxaa ku soo siyaaday dad ka soo barakacay Muqdisho caasimada Soomaaliya. 

Waxaa la dhihi karaa tiro ahaan waxaa laban laabmay tirade dadka marka laga hadlayo xadiga dadka yimid ama tirade dadka yimid sideedii bilood ee ugu dambeysay waxaa maalin walba imaanayey degmada Cadaado soo barakacayaal cusub, kuwaasoo isugu jira qoysas soo wada guuray iyo qoysas kala qeybsamay. 

Dadkani ma wataan wax sahay ah meeshaana ugama soo horayn dad ka nolol roon, inta badan dadkii horay ugu noolaa degmada cadaado iyo xitaa Gobolka Galgaduud oo dhan waxay ku tiirsanayd noloshoodu dadka Muqdisho hadda ka soo barakacay, sidaa daraadeed nolosha dadka degmada Cadaado kuwii horay u joogay iyo kuwii soo barakacayba waxay isugu timid laboo qaawan isma qaado. 

Hay’adda hormarinta iyo gargaarka ee Soojeed waxay in muddo ah ku howlaneed  u kuurgelida xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay, sidaa daraadeed ayaan la kulanay dad badan oo ka soo barakacay Muqdisho. 

Dadkaa waxaa ka mid ah Khadijo Maxamed Faray oo ah hooyo 8 caruur ah wadata kuna sugan degmada Cadaado, waxay sheegtay khadiijo in ay ka maqan yihiin labo ka mid ah caruurteedii, odaygii reerkuna uu jiro Muqdisho, noloshuna ay aad ugu adag tahay. 

dadka degmada Cadaado ku soo barakacay waxay qabaan baahi deg deg ah iyo baahi mustaqbalka ah, marka ugu horaysa waxay si deg deg ah ugu baahan yihiin in ay helaan hooy ama guri, ka dibna waxay u baahan yihiin biyo nadiif ah, cunto, daawo iyo isbitaal  

Arrimaha ku xiga ee ay doonayaan waxaa ugu horeeya shaqo, waxaa ku xiga waxbarasho, waxay kaloo doonayaa  soo celinta adeegyadii guud ee nolosha kaabayey. 

Caqabadaha ay la kulmeen dadkani waxaa ka mid ah cimiladii oo ay la qabsan waayeen, wel wel ku aadan waxa ay ku dambeyn doonaan iyo kala maqnaanta qoysaska dhexdooda ah. 

Sida aad ku arki doonto sawirada baabuurta keenta dadkan waxay jidka ku soo maraan cabsi iyo in la soo dhaco, waxaa weliba ka sii daran gabdhaha oo la kufsado, sida dhacday 7/5/2007 oo gaari xamuul ah lagu baartay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud sidoo kalana gabdhihii saarnaana la fara xumeeyey. 

Cabdi Daahir oo ka mid ah soo barakacayaasha ayaa cod dheer magaalada Cadaado dhexdeeda ku yiri “daaqadeen adduunka ka galnaa si aan tabaruc u waydiisano, markaas wuxuu waday xoogaa yar oo raashin ah oo aan ku filneyn reerkiisa, wuxuuna ka fakarayaa waxa ku xigi doona oo uu carruurta siindo ka dib dhamaadka raashinka yarka ah.

“Hadaanan shaqo helayn waxaa ii dhaanta sedan Muqdisho” ayuu yiri Jaamac Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada dadka ka soo barakacay Xamar, marka uu sidaas lahaa maalin cad shantii barqanimo ayuu sariir jiifay isagoo muujinaya in aan meherad la’aan la joogi Karin ayuu ku celceliyey sidani nolol maahan, Jaamac waa 20 jir aabihiis maxamed wuxuu ku dhintay dagaaladii kululaa ee April iyo May ka dhacay Muqdisho. 

Maadaama uusan Gobolkani soo jiidan Karin warbaahinta gudaha iyo dibada waxaa iska gaabis ah gurmadyada dadkani helaan oo inta badan hay’aduhu warba u ma hayaan baahiyaha jira, hay’adda ICRC ayaa ah mida ugu dhaq dhaqaaqa badan Gobolkan waxay bixidaa cunto,daawo,maacuun,bustayaaliyo  iyo weliba bacaha roobka laga okorto.

Ugu dambayntii hay’ada Soojeed waxay xarunteeda Cadaado ka furtay diiwaan ay ka muuqdaan dadka soo barakacay, arintaan oo ujeedadeedu  tahay in sifiican loogu ogaado tirda iyo nolosha dadka soo barakacay. 

    Hay’adda Soojeed, waa wadani madax banaan isla markasna, waxay ka howl gashaa Gobolada dhexe ee Soomaaliya, waana hay’ad ka qeyb qaadata horumarinta iyo u gargaarida dadka tabaaleysan ee ku sugan meelaha ay ka howl gasho.

 Waxaa soo aruurisay warbixintan amaba isku soo duwday hay’adda gargaarka iyo horumarinta ee Soojeed Relief and development organization. 

Guddoomiyaha hay’adda Soojeed
Cilmi Nuure Weheliye
Email: soojeed_org@yahoo.com / cilmi_nuure@hotmail.com
    Tel:00252-1-5515815/5564676

Faafin: SomaliTalk.com Aug 18, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com