SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Dagaalada dhex maraya ciidamada Mujaahidiinta MJXSG iyo ciidamadda Ethiopia oo sii xoogeysanaya.

Waxaa maalmahan sii xoogaysanaya dagaalada dhex maraya Mujaahiidnta MJXSG,iyo ciidamadda gumaysiga Itoobita dagaalkii ugu dambeeyay waxa uu shalay ka dhacay duleedka Tuuladda Galaalshe ee gobalka Nogbeed.

Waxaaa maalintii shalay 13/8/2007 kadhacay Aaga Galaalshe ee gobalka Nogbeed 3dagaal oo labana iskudhac ahaayeen midna uu dhabagal ahaa mujaahidiinta MJXSG, ay wadada ugaleen gawaadhi ay lahaayeen ciidamadda Itoobiya.

Dagaalkii shalay dhacay waxaa dhanka ciidanka gumaysiga lagaga dilay 7 askari oo dhisho ah iyo tiro dhaawaca, halka dhanka Mujaahidiinta uu kaga shahiiday Allha unaxariistee Mujaahid : Jacfar Cabdi Mursal (Jacfar Dheere).

Dhanka kale waxay wararka kasoobaxaya natiijadii dagaalkii dhacay maalintii Jimcaha ahayd ee 10-08-2007 ee kadhacay saldhiga Ceela Oba, ayaa waxay xaqiijiyeen ilo lagukalsoonyahay oo goobjooga yaal ahaa in dhimashada cadawgu ay gaadhay 24 Askari iyo dhaawac aad utira badan waxaana kamid ahaa Sargaal Gaashaanle ah.

Ciidamadda Wayaanaha ayaa siday caadadooduba ahayd waxay guuldaradii kasoo gaadhay dagaaladii ugu dambeeyay cadhadii kula dhaceen dad shacab ah oon waxba galabsan kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah ay kakaxaysteen guuryahoodii.

Allahu Akbar Allahu Akbar
Xafiiska warfaafinta MJXSG

Weeraradii xalay iyo Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ee Somalia kuna sugnaa xaafada Toowfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa xalay israaseyn culus dhex martay, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababaha keenay inay iyaga dhexdooda isku soo jeestaan.

C/qaadir Cali Dige oo kamid ah Saxafiyiinta Muqdisho isla markaana degan xaafada Toowfiiq ayaa saakay qadka telefoonka iigu xaqiijiyay in xalay ay labadaan ciidan oo ka wada tirsan Dowlada Federaalka ay si aan horey loo arag isku rasaaseeyeen.

C/qaadir waxa uu xusay inay jiraan qasaaro soo gaaray ciidamada israaseeyay naftooda iyo qaar kamid ahaa shacabkii ku dhaqnaa agagarka goobta ay isku fara saareen ciidamada Dowlada.

“Inta aan ogahay hal askari ayaa la ii sheegay inuu ku dhintay iska horimaadkii xalay labada ciidan dhex martay, dhaawacyo soo kala gaaray ciidamada iyo shacabna wey jiraan balse xiligaan lama sheegi karo qasaaraha oo rasmi ah” ayuu yiri C/qaadir Cali Dige.

Cabdiqaadir waxa uu sheegay in saakay goobta ay isku fara saareen ciidamada ka wada tirsan DF uu tagay Cali Mahdi Maxamed oo Dowlada KMG ah u magacowday Guddoomiyaha shirka dib u heshiisinta beelaha Somalia, isagoo ay wehliyaan ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah iyo saraakiil sar sare oo ciidamada Itoobiya ka tirsan.

Xaalada Towfiiq ayaa saakay degan, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababaha keenay inay israaseeyeen ciidamadaan halka dowlad ka wada tirsan, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay israsaaseyn dhex mari jirtay ciidamada oo kala dhici jiray qoryaha ay wataan iyo telefoonadaha gacmaha lagu qaato

Dhinaca kale, weerar culus ayaa xalay lagu waaday xarunta Guulwadayaasha oo ay degan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah.

Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in hal mar ay israsaaseyn xoogan bilaabatay iyo madaafiic dhowr ah, iyadoo dadka qaarkood ay sheegayaan inay arkayeen wadooyinka xaafadaha u dhow dhow xarunta guulwadayaasha oo ay aagag ugu jiraan kooxaha weerarada ku haya ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowlada KMG ah ee Somalia.

Wali lama sheegin qasaaro halkaasi kasoo gaaray ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxdii weerarka soo qaaday, iyadoo ciidamadana ay saakay bilaabeen sidii caadada u aheyd inay baaraan goobaha u dhow dhow xarunta, isla markaana ay xiraan dhalinyarada xaafadahaasi ku dhaqan qaarkood.

Si kastaba, weerarada lala eeganayo ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo arrimahaan ay kusoo beegmayaan xili maamulka gobalka Banaadir uu ku faanayo in ammaanka gobalka wax weyn uu ka qabtay xiligii uu xilka qabtay.

Muqdisho: waddooyinka qaarkood oo xiran.

Ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa saakay baaritaano ka bilaabay qeybo kamid ah caasimada Somalia ee Muqdisho, xili habeen iyo maalinba lala beegsado qaraxyo iyo weeraro bareer ah.

Ciidamadaan ayaa xiray qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo wada KM4 ilaa hotel Jubba isku xirta ay xiran tahay maalintii labaad iyadoo aysan jirin wax gaadiid ah oo halkaasi maraya.

Ciidamada Dowlada ayaa xiray wadadaasi, iyadoo aan ilaa iminka la ogeyn sababaha rasmiga ah oo ay u xireen waddooyinka.

Dadweynaha soo mara wadadaasi ayaa lagu soo waramayaa inay si xun ula dhaqmayaan ciidamada dowlada, iyadoo ciidamada inteey baaraan dadka kadibna si xushmad daro ah dib ugu celinaya wadada.

Mid kamid ah haweenka xamaaliyaasha ka ah suuqa Bakaaraha ayaa Saxaafada u sheegtay in labo cisho aysan arkin caruurteeda oo ay ku xayiran yihiin guriga iyadana loo diiday inay u gudubto.

“Aad ayay u baahan yihiin cid usoo adeegeysa ama cunno siineysana ma jiraan aniga ayaa u xamaala, waxii aan usoo xamaaleyna inaan u gudbiyaan ciidamada ii diideyn” ayay tiri haweeneydaasi.

Ilaa hada maamulka gobalka Banaadir kama aysan hadlin sababaha keenay in la xiro wadadaasi oo aad dadka u isticmaali jireen.

Puntland iyo Maaqir State oo is dhaafsanaya hadalo cul culus.

Maamul goboleedka Puntland ee uu madaxweynaha u yahay Cadde Muuse Xirsi iyo maamul cusub oo la magac baxay Maaqir State oo laga dhisay gobalka Sanaag ayaa maalmihii ugu dambeeyay is dhaafsanayay hadalo cul culus iyadoo labada dhinacba midka kale uu sheegayo inuusan aqoonsaneen.

Puntland ayaa sharci daro ku tilmaamtay maamulka cusub ee gobalka Sanaag laga dhisay iyadoo sheegay in maamulkaan uusan kalsooni ka heysan dadka deegaanka.

Cabiraxmaan Bangax oo ah wasiirka warfaafinta Puntland ayaa Saxaafada u sheegay in salaadiinta iyo waxgaradka gobolka Sanaag ay horey uga qeyb qaateen dhismaha maamulka Puntland isla markaana ay ku leeyihiin ahmiyad gaar ah ayna mar walba diyaar u yihiin soo dhaweyntooda.

Madaxweynaha maamul goboleedka cusub ee Maaqir State Col. Jabril Cali Salaad ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Puntland uu yahay mid la iska yiri oo aan laga fiirsan waxa uu keeni karo iyo sababta loo yiri.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa wax qabad aan horey loo arag gobalka Sanaag uu ka sameyn doono isla markaana dadweynaha gobalka ay 100% taageersan yihiin.

Dowladda KMG ah ee Somalia oo aqoonsan maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin jiri taanka maamulka cusub ee Maakhir State, inkastoo madaxweynaha maamulkaasi uu sheegay in maamulkaan uu yahay mid sharci ah isla markaana dowladda KMG ah ay aqoonsan tahay.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Puntland ayaa sheegtay qaarkood in Puntand laga yaabo inay dagaal ku qaado maamulkaasi cusub, balse waxay ka digeen qasaaro iyo ceeb kasoo raacda Puntland hadii ay arintaasi ku dhaqaaqdo.

Isku soo duuboo, maamulkaan cusub ayaa kusoo beegmaya xili Puntland ay qaban qaabineyso inay shidaal ka qado goobo u dhow gobalk Sanaag sida la xaqiijiyay.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com