SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Qaar ka mid ah Xukuumadda Prof.Geedi oo Jawaabihii ugu horeeyey ka Bixiyey su’aalihii Baarlamaanka

iyo Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka Arimaha Haweenka iyo Caruunta ee Baarlamaanka Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo ka hadashay dilkii Wariye Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan

{Baydhabo} Kulankii 14/08/007 ee maanta ay ku yeesheen Xubnaha Baarlamaanka FKMG Hoolka shirarka oo ay soo xaadireen 139 mudane oo uu shirgudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Max’ed Nuur {Sh.aadan Madobe} ayaa waxaa Jawaabo ka bixiyey Wasiiradii maalmahaan su’aalaha la weydiinayay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo Wasiirka Caafimaadka oo sheley jawaabihii ugu horeeyey bixiyey

Akhristayaal annagoo dhawaanahan idiin soo gubinaynay doodahii ka dhanka ahaa Xukuumada uu hogaamiyo Prof. Cali Max’ed Geedi iyo su’aalihii  ayaan  waxaan idiin soo  bandhigaynaa jawaabihii  ay bixiyeen qaar ka tirsan Golaha wasiirada ee u dhego nuglaaday u yeerista Baarlamaanka waxaana idiin soo xulney jawaabihii ugu muhiimsanaa ee aan u dookhnay iindhaha Akhristiyasheena   ee ku nool daafaha Caalamka, jawaabaha su’aalaha ayaa waxay u dhacayaan sidan tan:-


Wasiirada oo su'aalaha dhegeysanaya 

Xildhibaan Max’ed Cali Shiriye  ayaa Su’aalahan hordhigay wasiirada ayaa waxay yihiin:-

1-Hay’ada Qaramada Midoobay waxay siiyaan wasaarad kasta $40,000 oo dollar oo looga tala galay dhismaha iyo qorshaynta wasaaradaha, wasaarad kasta  waxaa laga bixiyaa  Guriga, qalabka Xafiiska iyo Gaariga uu wato waxaa kaloo mushaaro la siiyaa Agaasimayaasha Guud, 3-da Agasime waaxeedyada, Darawalada iyo waardiyaasha marka wasiiradu waxay haka jawaabeen waxay ku qabteen, Dhamaan wasiirada waxay yiraahdeen waxaan wax ka dhisi wayney awood la’aanta dhaqaale weyna qariyeen lacagta ay UN-ka bixiyaan waxaan ka sugaynaa saaxiibadayda wasiirada ah inay noo cadeeyaan lacagta gaareysa 300 oo malyan ilaa 400 boqol ee malyan oo dalka soo galay?

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad  Cali Jeele oo ka jawaabayay Su’aalo badan oo weydiiyeen Xildhibaanada ayaa yiri:-

“Wasaaradii Gaashaandiga ee Soomaaliaya Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa degan, Ciidamada Xoogana waxay xarun ka dhigteen xarunta Villa Baydhabo, Gurigii hore Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa degan Saraakiisha Ciidamada,  wasaaradana waxaa loo dayac tiray Guriga ku dhegan,  qolo Ganacsato ah ayaan ka codsanay inay noo dayactiraan wasaarada Gaashaandhiga,

Xildhibaan Ibraahim Garabay mudane wasiir  Gaashaandhig lacagtii ugu horeysay  ee Puntland laga keeno waxaa la go’aamiyay in 70% in la siiyo Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed lama siinin xagay lacagta ka baxday?  Waxaa jira sarkaal Beeleedyo oo darajo la siiyay hadaba maxaa u diyaariseen oo aqoontooda kor looga qaadaayo, Mudane wasiir darajada in la qaato ma xuma laakiin in aqoonteeda la leeyahay sow ma haboona?

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad  Cali Jeele:-  waxaa jirta ilacag in debada laga keenay ee uu soo daabacay nin Ganacsade reer Puntland ah  oo laga soo dajayay garoonka Magaalada Baydhabo lana geeyay Xarunta Madaxtooyada magaalada baydhabo ayaa jirta, xilligaas waxaa laga hogaaminaayay  xarunta madaxtooyada  Maadaama    aysan xafiisyo jirin, lacagtaas hal bil ayay ahayd  joogto in la siiyo ciidamada inkastoo xilligaas ay xilli dagaal ahayd, waxaana lagu bixiyay howl galkii Muqdisho ilaa kisaamyo lagu  qabtay, markii ay soo xareeyeen xildhibanada baarlamaanka Ciidamadooda goobjooge kasta wixii  darajo ah oo uu nasiib u helay ayaa la siiyay, ee darajo aan hadabixinay oo aan ugu tala galnay ma jirto, miisaamiyada qaran ee loo baahan yahay iyo inta sarkaal ee loo baahan yahay Golaha .

wasiirada ayay ka soo baxysaa,  ciidamada waxaan u sameynaa tababaro ka dib markii ay tababarka ka soo baxaan waxaan u dhibnaa Ragg mas’uuliyada qaadi kara, sarkaal beeleedkana dadkaas ayuu ka mid yahay ee ma jirto wax gaar ah oo aan ugu talagalnay,


fadhiga Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo

Xildhibaan Sheekh  Nuur  Cali Aadan:- Mudane wasiir  waxaad sheegta in 10 Guuto oo ciidamada Xooga dalka aad dhisteen hadana waxaa  kale oo aad tiri Guutada 17-aad oo aadsheegayso maxay tahay?

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad  Cali Jeele:-  Magac ahaan unbay u jirtaa mooyane tiro ahaan uma jirto.

Xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyow Mudane wasiir Ma jitaa    wax ciidamo ah oo aad la socoto uruurintooda?

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad  Cali Jeele:-  10-ka Guuto oo aan uruurinay ayaan tababareynaa oo dishibiliinkoodii dhisaynaa laakiin hada waa joojinay oo ma jiro wax ciidamo oo la uruurinayo, arintaas  inay jirto iyo in kale waan daba kaceynaa waana war aad na siisay.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Xuseen Ceelaabe Faahiye

Wasiirka Arrimaha Debada  Xuseen Ceelaabe Faahiye  oo  isna halkaasi ka hadlay ayaa ku  jawaabay su’aalooyinkii ay weydiinayeen Baarlamaanka wuxuuna Wasiirku  yiri:- “ugu waxa uu ku amaanay in mudanayaasha su’aalaha ay weydiiyeen Xukuumada wuxuuna ku tilmaamay kuwo wax dhisaya.

wuxuuna u gudbiyey jawaabaha suaalaha,   “Waxaan diyaar u ahay inaan la shaqeeyo gudiga Arimaha debada ee Baarlamaanka inay  nagu koontoroolaan howsheena, sida Axdiga ku qoran safiirada waxaa magacaaba Madaxweynaha waxayna soo maraan  marxalado mid Odayaasha ay soo xulaan oo  kadibna loo gudbiyo Madaxweynaha iyo mid ay Wasiirada ay soo jeediyaan labadaas ayay soo maraan sidaa  ayuuna Madaxweynahu ku magacaabaa, sidaas awgeed waxaa la soo magacaabay ilaa iyo  hada 33- Safiir, safiiradaasi si loogu helo sharci waxaa la keenay Golaha wasiirada,  waxaana hada gacanta ku haynaa   wareegtadii  ay ku howl-gali lahaayeen, sida ay u howl galayaan iyo dalalka ay wakiilka ka noqon doonaan,  ee magacaabista safiirada kama imaan Wasaarada  Arimaha dibadda oo keliya ee waxay ka timid 31-ka Wasiir,  waxaadna ogtihiin in dalka ay soo food saartay bur bur aad u weyn mudadii dowlad la’aanta, xitaa waxa uu saameeyay adeegyadii guud oo aynu ku   la hayn dibadda  sida safaaradaha, xitaa waxaa la gaaray in safaaradaha  dalalka Kenya iyo Beljimka ku yiilay la isku dayo in la iibayo,  laakiin  waxaa la gatay tan Kenya oo hada weli ay socoto dacwadeedii lalana sugaayo go’aan Maxkamadeed, Wasaaradu  waxay   heshiisyo la  gasahy dalalka Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Yeman dhamaan heshiisyadaasna waa la idiin  soo gudbin doonaa.

Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibadda Md, Xuseen Ceelaabe Faahiye, markii uu warbixinta siinayey Baarlamaanka waxaa uu yiri “Safiirada la magacaabey ma waafaqsana Nidaamka 4.5-ka, laakiin waxaan ku dadaalidoonaa in nidaamka la waafajiyo”


fadhiga Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo

Dhinaca kale waxaad moodaa jawaabaha ay bixinayeen Wasiiradda su’aalaha qaarkood ma ahayn kuwo sidii la rabey ay ugu jawaabayeen, waxaan isku dayidoonaa hadii Alaha awooda leh uu inoo saamaxo inaan idiin soo gudbino qaar ka mid ah su’aalaha iyo jawaabaha ay bixiyeen.

Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka Arimaha Haweenka iyo Caruunta ee Baarlamaanka Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo ka hadashay dilkii Wariye Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan.

Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka Arimaha Haweenka iyo Caruunta ee Baarlamaanka Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad ayaa ka hadashay dilkii Marxuum Wariye Mahad Axmed Cilmi iyo Mid ka mid ah Milkiilayaasha Idaacada Hornafrik Marxuum Cali Iimaan Shar ma’arke, Waxayna u tacsiyeysay Qoysaskii ay ka dhasheen labada marxuum iyo Bahda Saxaafada.  

Iyadoo arimahaas ka hadleysa ayaa Waxay tiri “ Anigoo ku hadlaya magaca Gudiga Xuquuqul insaanka Haweenka iyo caruurta, waxaan ka xumahay Wariyaha sida xun loogu diley Magaalada Muqdisho, waxaana Qoysaskii iyo eheladii ay ka Geeriyoodeeyn ilaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, waxaan keloo tacsi u dirayaa dhamaan Bahda Saxaafada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana ka xumahay inagoo og inaysan qaadan Mushaar u qalma, dhibaato weyna ay ku qabaan Wadanka gudihiisa in dhibaato loo geysto, ayey  tiri Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo hadalkeeda sii wata ayaa intaa ku dartey Waxaad moodaa in qiimaha Saxaafada aysan dadku wada fahansaneyn, Shacabkuna ma kaalmeeyo sidey hawshooda u gudan lahaayeen, waayo waxay ifafaalo ka bixiyaan dhibaatooyinka haysta Shacabka Soomaaliyeed, marka ay tilmaamaan boogahaas waxay kala kulmaan dhibaato iyaga si gooni u taabata, kuwa xadgudubyada kula kaca waxaan u sheegeynaa inay ka waantoobaan, waayo Saxaafadu wax bay nagu kordhisaa.    

Xildhibaanad Xaawo C/llaahi oo ka muuqata inay si aad ah uga xuntahay dilka marxuum Mahad iyo Cali Iimaan ayaa Waxay tri "waxaan Ummada Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in la ilaaliyo Warbaahinta, cadowga soo hajuumana laga qabto, loona dhega nuglaalaadaa dadka ka shaqeeya Saxaafada si ay u gutaan hawshooda, waxaana gef ku ah in la caburiyo Saxaafada, kuwa sida qaladka ah Saxaafada u adeegsanaya  waxaan ka codsanayaa inay ilaaliyaan Amaanka iyo degenaanshaha Wadanka ayey hadalkeeda ku soo gebagabeysay Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad”. 

Hase ahaatee tan iyo markii Xukuumadu lagu soo dhisay Nayroobi oo ay  u soo guurtey dalka gudihiisa waxaad moodaa in dhibaatooyin aan la soo koobi Karin ay ku dhacaan Qaybaha kala duwan ee saxaafada, waxaase wax lala yaabo ah in dilka Wariye Mahad Axmed Cilmi ay isku weydaarsadaan Mas’uuliyiinta kala duwan ee iska soo horjeeda Soomaaliya oo isku ah Dowlad iyo Mucaarad iyaga dhexdooda, iyagoon hubsan cida ka dambeysa falkaas foosha xun ee lagula kacay dad aan waxba galabsan, ama lagana yaabo in ay wax ka og’yihiinba mana ahan wax la qaadan karo, waayo Qofka wariyaha ah Mas’uuliyada saran waxaa ugu muhiimsan in waxa ay kala qabaan kuwa iska soo horjeeda la ogeysiiyo shacabka ama ay isku xirto saxaafada shacabka iyo mas’uuliyiintooda, halka Caalamka kalena uga soo gudbiso wixii ka dhacay, isagoo hawshaas muhiimka ah haya in loo geysto dhibaayo.  

Arintaan hadii aad u kuurgasho waxaa kuu soo baxaya in  Dowladaha Afrika ee maamulada qaldan ka jira, Warbaahinta ka dhex shaqeysa waxay kala kulmaan dhibaatooyin, waxayna isweydiintu tahay Wariyaha Fikirka xun inta badan waa layska qaban karaa ee waxaa dhib ah sida lagu saxo maamul qaldan!!?.

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo

fatxumaalik@hotmail.com.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com