SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Wakaallada Wararka Talyaaniga ee Peace Reporter oo Maanta Barnaamij xoogan ka diyaariyey Jaaliyada Somalida Kenya.kadib markii.....

 
AUg 10, 2007: Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Sare ee Jaalliyada Somalida Kenya oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka Jaaliyada Eng,Maxamed Cali Maslax "ilkacase" iyo Madaxda Dhaqaalaha Jaalliyada Somalida Kenya Cumar Cabdi Xaashi ayaa Maanta Xaruntooda ku qaabilay Wariyayaal ka tirsan Wakaallada Wararka Talyaaniga ugu weyn,Kuwaasi oo Todobaadkan Barnaamijkooda Nabada kusoo qaatay Geedi socodka Nabada ee Jaaliyada Somalida Kenya iyo Wakaallada sida ay arintaasi wax uga qori laheyd.
 
Guddoomiye Kuxigeenka Jaalliyada Somalida Kenya Mudane,Maxamed Cali Maslax "ilkacase" ayaa waxaa uu Wariyayaasha Maanta uu ku qaabilay Xarunta Jaaliyada uu usheegay in ay Waxbadan kaqabteen Dhibaatooyinka Somalida Kenya kunool heysata,waxaana uu markii uu arintasi ka hadlayey uu ku dheeraaday Marxaladaha ay usoo mareen ka gun gaarista Hadafka Jaaliyadooda ee ah sidii wax loogu qaban lahaa Somalida Kenya ku nool.
 
Eng,Ikacase waxaa uu dhinaca kale ka hadlay inta uu ku guda jirey Wareysiga uu siinayey Wariyayaasha ka socday Dalka Talyaaniga Xirirka ka dhexeeya Jaaliyada uu Madaxda ka yahay iyo Dowlada Dalka Kenya,waxaana uu sheegay in Dhamaan qeybaha kala duwan ee Maamulka Dowlada Dalkan Kenya ay la leeyihiin Xirir Wax u wada qabashada Somalida ku nool Dalka Kenya,Taasi oo ah mida ugu weyn sidii Somalida Kenya ku nool loogu heli lahaa Sharcigii ay ku joogi lahaayeen Dalkan.Maadaama ay yihin Dad Qaxooti ah oo in mudo ah ku jirey Dowlad La'aan aan weli dhamaan.
 
Dhanka kale Waxaa isna Halkaasi ka hadlay Xoghaya Guud ee Jaaliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya Mudane,Abdiweli Ibraahim Aden "Garyare" oo isaga Barnaamijka ay Wakaallada Peace Reporter ee Talyaaniga ka sameysay Jaaliyada Somalida Kenya uga hadlay Himilada Mustaqbalka iyo waqtiga dhaw oo ay leeyihiin
 
Jaalliyadooda Wakiilka ka ah Somalida Kenya ku nool,Waxaana uu Garyare sheegay in Todobaadyadii ugu danbeeyey ay Kulamo la lahaayeen qeybo ka mid ah Dowlada Somalia,Dowlada Kenya iyo Hay'adaha Caalamiga ah ee ku sugan Dalkan Kenya kuwaasi oo uu sheegay inay kawada hadlayeen wax u qabashada Somalida Kenya Qaxootiga ku ah.
 
Xoghaye Abdiweli Garyare ayaa Markii ugu horeysay Shaaca ka qaaday in Dowlada Kenya ay hor dhigeen Qodobo ay ka mid yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen Waxbarasho La'aanta,Caafimaad Xumida,Sharci la'aanta Somalida ku heysata Dalka Kenya intii lagu jirey 17 ka Sano ee loo yaqaan Waqtigii xumaa ee Somalida,Arintan ayuu sheegay Garyare inay Rajadeedu fiican tahay Waqti dhawna ay ka war sugayaan Maamulka Dowlada Kenya inay
 
Dhamaan jawaabo cad oo wax qabad u badan inay ka heli doonaan.Taasi oo haddii la helo Noqon doonta buu yiri Guul usoo hooyata Somalida Kenya Qaxootiga ku ah Halka Dowlada Kenya ay u noqon doonto Tilaabada u sahli karta Xirir dhaw oo ay la yeelato Somalida ku soo jabtay Dalkeeda ee Maanta loo arko inay noqdeen dadka abuurey Dhaqaalaha uu ku taagan yahay Dalka Kenya Marka loo eego Dhaq dhaqaaqa ka socda Magaallada Nairobi gaar ahaan Xaafadda islii oo ah Meesha Somalida ku ganacsato.
 
Sidoo kale Waxaa Barnaamijka Nabada ee Wakaallada Peace Reporter ay Wariyayaasheeda ka socda ka sameeyeen Xaallada Somalida Kenya ayaa waxaa ka dhexmuuqday Madaxa Dhaqaalaha Jaaliyadda Somaliyeed ee Dalka Kenya Cumar Cabdi Xaashi oo sheegay in Jaalliyada Somalida kenya ay ku timid Rabitaanka Somalida Kenya sidoo kalana ay Maanta ku taagan tahay Maskaxda,Maalka iyo Xooga Somalida ku nool Dalkan Kenya,Waxaana Hadalada Madaxa Dhaqaalaha ay u badnaayeen kuwo uu Somalida ugu Baaqayo inay si wada jir ah wax uqabsadaan.
 
Dhanka kale Waxaa uu Mudane, Cumar Cabdi Xaashi Madaxa Dhaqaalaha ee Jaalliyada Somalida Kenya iyo Guddoomiye ku xigeenka Jaaliyada waxay si wada jir ah Wariyayaasha usoo mariyeen Dhamaan qeybaha kala duwan ee Somalida Kenya Xaafadaheeda,Sida,Xarumaha Ganacsiga,Waxbarashada,Caafimaadka Taasi oo sahan u aheyd Wariyayaasha Ka socday Peace Reporter si ay wax uga qoraan Warbixinta Dhabta ah ee Somalida Kenya. 
 
Waa markii ugu Horeeysay ay Somalida Kenya dhistaan Jaaliyad sidan oo kale ugu shaqeysa,Taasi oo Dowlada Kenya iyo Beesha Caalamka gaarsiisa Hadba Xaaladaha Somalida Kenya ku nool sida ay tahay,Xeeldheerayaasha indha-indheeya Geedi socodka Jaalliyada Somalida Kenya ayaa ku tilmaamay Xowliga ay ku socoto Shaqada Jaalliyada Somalida Kenya inay tahay Himilo Mustaqbal tii ugu horeysay ee soo marta Somalida Dalka Kenya joogta.
 
W/Q.Abdilaahi Abdi Abdulle "Mantaana"
Email:- mantaana003@hotmail.com
Mobile:- +254-729827800
Nairobi,Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com