SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Af-hayeenka Baarlamaanka Sh, Aadan Maxamed Nuur {Sh.aadan Madobe} Gudi 31- xubnood oo magacaabey innay soo kormeeraan shirka dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka oo bilaabey inuu su’aalo kulul weydiiyo Xukuumada

Akhristayaal waxaan idiin soo gudbinaynaa kulankii baarlamaanka ee ay  shalay ku yeesheen hoolka shirarka ee Magaalada Baydhabo oo ay soo xaadireen 155 Mudane ayaa waxaa  ka hadlay Xidhibaanada kala ah Max’uud Axmed Kulalihi, Cali Jeyte Cismaan, Cali Cismaan Jiddow, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko Xanaf, Xidhibaan Ismaaciil Xasan Maxa’uud (Timir), Muuse Suudi Yalaxoow, waxaana  warbixin laga dhagaystay Wasiirka Dastuurka & Arrimaha Federalka Prof. C/llahi Sh. Ismaaciil  iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele.


Sh.Adan Madoobe iyo Boqore.

Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG Xidhibaan Sh. Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe) ayaa inta baarlamaanka dooda uu san dhexgalin waxaa uu amrey in 6-xubnood oo cusub lagu dhaariyo halkaas kwaasoo kala bedeley Enn, Xuseen Maxamed Faarx Caydiid, waxaa lau bedeley Maxamed Cali Xirsi,, Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi waxaa lagu bedeley Jawaahir maxamed Axmed, Eng, Munye Siciid Cumar waxaa lagu bedeley C/nuur C/qaadir Maxamed, Saleebaan Colaad Rooble waxaa lagu bedelay Muuse Waxgard C/llaahi,Yuusuf Nuur C/llaahi waxaa lagu bedeley Cabdow Maaxi Faarax, Cali Maxamuud Maxamed waxaa lagu bedelay Shariif Maxamed Siidii xubnihii dhaarta kadib  waxaa uu magacaabey Gudoomiyuhu gudi ka kooban 31 Xidhibaan oo soo kormeera Shirka Dibu heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee ka socda Magaalada Muqdisho. 

Magacaabida gudigaan ayaa waxaa ka hadaley Xildhibaan C/llaahi Geedi Shadoor oo hore u ahaa Gudoomiyaha Gudiga Dibu-heshiisiinta Baarlamaanka isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaa uu yiri ” Mudane Gudoomiye Aniga hadii aan dhegeystey hadalkii meesha aad ka jeedisay waxaan go’aansadey inaan hal su’aan meesha ka jeediyo, aniga waxaan isku ogaa inaan ahay Gudoomiyaha Gudiga Dibu-heshiisiinta Baarlamaanka, waxaan kala Aqoon waayey in Gudigii Dibu-heshiisiinta aan hogaamnayey in la baaba’ashey iyo in meesha wax kale ay ku jiraan, hadii aan la baabi’ina aniga waxaan qabaa in wax kasta dariiq loo maro ay leeyihiin ee aniga in naloo soo maro ee Gudoonka waxaan weydiinayaa in la baaba’ashey iyo in kale!?. 

Waxaa codbaahiyaha la wareegay Af-hayeenka Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo ka jawaabeyey su’aasha Xildhibaan Shadoor waxaa uu yiri ”Gudiga Dibu-heshiisiinta Baarlamaanka lama baabi’in waa jiraa, gudiga hada la magaacabayey waa gudi kormeerayo shirka dibuheshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee ka socda Magaalada muqdisho, waxaadn  la socotaan in Shirka su’aalooyin badan layska weydiinayo, sidaas darteed anaga waxaan go’aansaney in lagu shaqeeyo Axdiga KMG, sababtoo ah waxa ka jira lama oga, mana aha gudi shirka dhex fariisanayo ee waa gudi kormeer ah oo Baarlamaanka matalaayo  jawaabna  ku soo celinayo, waxaana gudiyada Baarlamaanka ka codsanayaa in shaqooyinka dalka ka socda lala socdo”. 

 Xildhibaan Cali Cismaan Jiddow oo ka mid ahaa Gudigii Turxaan bixinta hawlaha Baarlamaanka ee ka koobnaa 15-ka xubnood ayaa wuxuu yiri ”Gudigii farsamo ee loo saarey mooshinka turxaanbixinta iyo dardargelinta hawlaha Baarlamaanka aragtidoodii ayaa doonayaa inaan idiin soo gudbiyo, Gudigu waxaa uu soo jeediyey, markuu arkey gudigu habacsanaanta hawlaha Baarlamaanka, islamarkaana eegey Axdiga Qaranka qodobkiisa 33-aad iyo ka xeerhoosaadka, oo falanqeyn dheer laga yeeshey gudigu wuxuu isku raacey in la helo Qalab Xafiiseed dhameystiran oo ay ku hawlgalaan Xafiiska Gudoomiyaha iyo laamihiisa kala duwan,lana helo gaadiid ay ku hawlgalaan gudiyada Baarlamaanka, lana dhiso Agaasimaha Guud ee Baarlamaanka iyo Qaybaha kale ee Baarlamaanka Agaasimayaashooda, in isku dheelitir lagu sameeyo xubnaha Gudiyada Baarlamaanka islamarkaana la buuxiyo xubnihii xasaanada laga qaadey, in gudi kasta hawlaha shaqo ee uu qabto bishiiba laba jeer u soo gudbiyaa Baarlamaanka si

looga warqabo shaqadooda, in la xadido xubnaha Baarlamaanka fasaxyada qaadanaya, loona sameeyo Buug lagu qoro xildhibaan kasta intuu fadhiga soo xaadirey, taana ay saameyso gunooyinkiisa,in la xaq dhowro hadal qaadashada lana xurmeeyo xildhibaanka hadlaaya”ayuu yiri Xildhibaan Jiddow. 

Wasiirka Dastuurka & Arrimaha Federalka C/llahi Sh. Ismaaciil ahna Ra’isu Wasaare ku xigeen ahaana wasiirkii ugu horeeyay ee Baarlamaanku  warbixin ka dhegeysto ayaa  yiri:- ” Anniga waxaan qabaa in dowladnimda la xoojiyo laysna dhaliilo dabadeedna qorshihii wadanka uu nagu aaminay aan horey ugu socono, hadaan lays dhaliilin oo lays tuxaan bixin ma adkaanayno dowladnimada, in laygu hormariyo aad baan ugu faraxsanahay, Soomaalidu waxay tiraahdaa (WAX IS WEYDIIN MA XUMEE WAX IS WEDAARIN BAA XUN), waxaana guda galayaa inaan idiin soo ban dhigno xaalada Dastuurka FKMG ee hore loogu balamay, waxaana ka codsanayaa in dib loo eego tan iyo intii la gudagalay hirgelinta Dasruurka FKMG, waxaana lays moogeysiin karin hawlihii uu soo qabtey Wasiirkii aniga iga horeeyey ee naftiisa u hurey ee la xiriirey Arimaha Dastuurka, waadna garaneysaan intaan xilka hayo, waxay xukuumadu soo jeedinaysaa in hormuudkii Dastuurka Soomaaliyeed loo aqoonsado islamarkaana loogu magacdaro Machadka Dastuurka, intaan aniga xilka aan qaban waxaan soo maray goobihii Gaalada ay naga caawinayeen waxaana iiga muuqday isku dhex yaac, waxaana ku dhex jirey madax isugelin Wasaarada iyo gudiga qaabka ay u kala shaqeynayeen, waxaana u soo noqoney Axdigii si loo meel mariyo waxayna si cad ugu qoran yihiin Axdiga mudada ay ku dhisayaan Gudiga Dastuurka iyo Arimaha Federaalka, Arimaha ugu waaweyn in la dhowro ayuu sharciga qorayaa sida Sharciga Islaamka, dhowrista dalka IWM, mar hadii la ansixiyey sharcigii ay ku shaqeyn lahaayeen gudiga dastuurka, waxaana hada laysweydiinayaa heerka uu marayo Gudiga Dastuurka iyo caqabadaha la soo gudboonaadey,

mar hadii sharci ahaan loo dhameeyey qaab dhismeedkooda iyo shaqadooda, waxaa kale oo taagan xiligii loo qabtey in dasruurka la diyaaro oo aad moodo in la joogo waxa hortaagan, hadii 24/5/006 la ansixiyey, waxaan mareynaa sanad iyo laba bilood, waxa noo harey oo laysweydiinayo waa sanad iyo seddax bilood, markii gudiga iyo wasaaradu ay isla baareen waqtiga dhaqan galka uu noqonkaro, shaqo waxay bilaaban kartaa markii sharcigii lagu shaqayn lahaa uu jiro, xitaa hadii la bilaabo ma noqon karto mid eber ah, waxaan dastuurka waaqasaneyn idiin ma keeni karo,hadii la eego talaabooyinka qaabka sharcidejinta inoo yaala, hadii uusan dhameystirmin sharcigaas mid jira ma ahan sida caalamka uu qabo, iyadoo la og’yahay heerarka kala duwan ee lagu soo gudbin karo, waxaadna tihiin xildhibaano sharcidejiyeyaal ah, waxaana loo baahan yahay in arintaan si xilkasnimo iyo geesinimo loo wajaho ee ku lug lahaan kara dhinacayada sharciga Xukuumada, Gudiga, Siyaasada iyo Dhaqaalahaba   waa in loo fahmaa sababaha dibu dhaca keeney, islamarkaana laga cabsi qabo in lala walwalo, waana mid marag ma doonto ah ee la soo gudboonaatey xaga diyaarinta Dastuurka, iyagoo faah faahsan waxaa ka mid ah ka soo guuritaankii Nayroobi iyo sidaan isaga daba jiitameyney aan Jowhar tagno iyo kala qaybsanaantii Xukuumada iyo Baarlamaanka ee ay kala degeen Muqdisho iyo Jowhar, gudasho la’aantii Hay’adaha DFKMG 


Xildhibaan Maxamuud Axmed (Kulalihi).

waajibaadkooda iyo ka oo guuristii ay dowlada ka soo guurtey Magaalada Jowhar, islamarkaana ay soo degtay Baydhabo, nabadgelyo xumidii guud ahaan saameysay dalka oo dhan, khal khalgelinta Xukuumada iyo Baarlamaanka inay ku shaqeeyaan Magaalada Baydhabo , iyaduna waad og-tihiin hagrashadii Beesha Caalamka xag siyaasadeed iyo xag maalgelinba waad la socotaan, iyagoo hore u sheegi jireen inay lacag badan inay inoo hayaan, waxaan soo baxdey waxa ay sheegayeen iyo wax soo baxayba, gudigana waxay siinayeen wax aan macquul ahayn marna way ka goosanayeen marna way siinayeen, waxayna shuruud inooga dhigeen waad kala qaybsan tihiine soo heshiiya, markii aan isu nimidna waxay nagu yiraahdeen waxaa soo baxay Maxkamadihii, markaan wax weydiino waxay nala aadayaan arin siyaasadeed, iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa waqti naga cunay kalsooni kala noqoshadii Xukuumada, waxaan galney dagaal hada ayaan Waqti fiican helney,

intaas waxay noqdeen caqabado na hakiyey, sheki kuma jiro in dhibaatooyinkaas ay yihiin kuwa naga dhumiyey waqti badan, waxaa jira arin aan isla qaadaney anaga iyo gudiga oo ah inaan wadamada Federaaliga looga dhaqmo aan isla tagno, si aan uga qaadano fikir, anagu ma nihin niman safarada markii ay ka soo noqdaan kuwo qalinka iyo xaashida isa saara, Soomaaliya waxay leedahay dadd Aqoon yahano ah oo Dastuurkeeda dejiya, waxaana maaleynaa Aqoonteena wadaniga ah, waxaan u sheegaynaa inaan hawsha guda galney oo aan gacmaheena laabaney, meel fiican bayna mareysaa, xukuumada ayaana u soo gudbindoonaa, kadibna Baarlamaanka, Ugu dambeyn waxaan soo gudbin doonaa dastuur hufan, mana aha wax layska yiri, Barnaamijka wasaarada u degsana waa mid kaas, waxaan idiin sheegey midka aan wada degsaney anaga iyo gudiga dastuurka, waxaana ku darayaa waxaa nagala qayb galay nin SWSerland u dhashay, waxaana na amaaney Hay’ada UNDP, laakiin waxaa nagu socda Mu’amarad, mana aha mid hadal ah oo aan idiin ka gadeyno, waxaana jira laba socdaal oo aan ka soo faa’iideysanayey, wasaarada iyo gudiga waxay yeesheen aqoon is-weydaarsi, waxaana jira dhowr iyo toban su’aalood oo laydiin soo gudbin doono, waxaa kale oo jira inaan Puntland aanu ka codsaney ay inoo qabtaan siminaar la tashi ku saabsan ee ogaada howshaan baaxada weyn   waa mid u baahan miisaaniyad gaar oo badan arintan is jiid jiidka ah naceybna ma gasho laba tiimna wax layskuma wadi karo ee waa in hal dhinac wax layskula wadaa mana gasho hirig hirig waan idiin ifinay wixii hnaga lumay  iyo wixii naga qasaaray”ayuu ku yiri Wasiirka Dastuurka & Arrimaha Federalka C/llahi Sh. Ismaaciil.







 La Soco qaybta kale oo ay ku jiraan arimo muhiim ah. 

Maxamed Macallin Cismaan {All-man) Somalitalk Baydhabo.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2007

camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD

Boorama - 104 arday ayaa... Akhri Aug 6

guuleedDareenka ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii Duntay ee Minneapolis

Maxammed Guuleed oo ay qaraabo... Akhri Aug 6

xamarShirka Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay

balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna waxey u ekeyd afwax cunay xishood... Akhri Aug 6

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com