SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 

Barnaamijkii Radio Xoriyo

07 August 2007.  

  • Dagaallo lagu jabiyey ciidamada Cadowga Itoobiya. 
  • Waxyeellooyin ay ciidammada gumaysigu dadwaynaha u gaysteen. 
  • JWXO oo qaraxyadii Jigjiga Itoobiya ku eedaysay. 
  • Gumaysiga iyo Petronas oo heshiis ku galay Gaaska Ogaadeenya. 
  • Gabagabadii shirweynihii 11aad ee Jaaliyadaha Ogadenya.
======================
Gumaysiga iyo Petronas oo heshiis ku galay Gaaska Ogaadeenya.
 
Xukuumada gumaysiga Itoobiya iyo Sharikada Batroolka ee Petronas ayaa dhammaadkii toddobaadkii hore heshiis ku kala saxiixday magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia. Heshiiskan ayaa ku saabsan in Sharikada Petronas ay soo saarto Gaaska Dabiiciga ah ee Jeexdin iyo Helalle.
 
Xukuumada gumaysiga iyo Sharikada Petronas, oo laga leeyaha dalka Malaysia ayaa tan iyo bishoo July 2006 waxay ka wadaxaajoonayeen sidii ay ula soo bixi lahaayeen Gaaska iyo Baatroolka Ogaadeenya, waxayna hadda sheegeen inay ku heshiiyeen in Sharikada Petronas ay soo saarto Gaaska Xeexdin iyo Helalle, iyo inay qoddo labo Ceel oo kale oo iyagana Baatrool laga soo saarayo.
 
Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa marba sharikad shisheeye ah heshiis kula gasha Gaaska iyo Baatroolka Ogaadeenya, hase yeeshee ilaa iyo hadda uma aanay suuragalin inay ku guulaysto siyaasadeeda ah inay boobto khayraadka Ogaadeenya, iyadoo geesiyada CWXO ay ka dhaariyeen in si sharci darro ah looga manaafacaadsado khayraadka dabiiciga ah ee ay ka gaajaysan yihiin dadwaynaha Ogaadeenya.

Dagaallo lagu jabiyey ciidamada Cadowga Itoobiya.

 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka gudihiisa ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, oo si wayn loogu naafeeyay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysatada Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
03/08/07 weerar ay CWXO ku qaadeen kolonyo baabuur ah oo cadowgu lahaa oo maraysay Fooljeex waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 13 askari, 16 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Isla 03/08/07 wuxuu dagaal qallafsani Nusdariiqa agtiisa ku dhex maray ciidammada gumaysiga iyo koox Dabaqoodhi ah oo laga soo diray degmada Gaashaamo. Ciidammada gumaysiga waxaa dagaalkaas kaga dhintay 9 askari, 13 kalana way kaga dhaawacmeen, halka kooxda Dabaqoodhiga ah ay ka dhinteen 3, 6 kalana ay ka dhaawacmeen.
 
02/08/07 weerar gaadmo oo CWXO ku qaadeen ciidammo cadowga ka tirsan oo ku sugnaa Masaarre, oo ka tirsan degmada Dannood, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 1 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
01/08/07 waxay CWXO weerar mir ah ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Fiiq, waxayna weerarkaas ugu gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
31/07/07 waxay CWXO sidoo kale weerar mir ah ku qaadeen ciidammo kuwa gumaysiga ka mid ah oo ku sugnaa meesha lagu magacaabo Miiro, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxayna kaga dileen inta la ogyahay 10 askari, 5 kalana way kaga dhaawaceen.
 
24/07/07 waxay CWXO weerar si fiican loo qorsheeyay la beegsadeen kolonyo ciidammada gumaysiga ka tirsan oo maraysay Tuulo-Cawil, oo ka tirsan gobolka Doollo, waxaana weerarkaas lagaga dilay 20 askari, 16 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Waxyeellooyin ay ciidammada gumaysigu dadwaynaha u gaysteen.
 
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah. Waxyeellooyinkan ayaa isugu jira dil, xidhay iyo dhac.
 
03/08/07 waxay ciidammada gumaysigu Tayin iyo Fooljeex dhexdeeda ku dileen Alla ha u naxariisteen nin lagu magacaabi jiray C/qaadir Daahir (Gacamey). Waxay sidoo kale isla taariikhdan deegaankaas ciidammada gumaysigu xidhay iyo ganaax ugu gaysteen dad dhawr ah oo shacab ah. Dadkaas waxaa ka mdi ah;

1-    C/llaahi C/qaadir, oo isagu wali xidhan, isla markaana lagu ganaaxay 3000 oo Bir.

2-    Saafi Xaashi oo iyadana lagu ganaaxay 4000 oo Bir

3-    Abshir Xaashi oo isagana agu ganaxaay 5000 oo Bir

4-    Gabadh Ina Ugaas ah oo magaceeda aanaan haynin, waxaa iyadana lagu ganaaxay 3000 oo Bir

 
Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale dadwaynahaas ka dhaceen 3 Qori oo AK 47 iyo 1 Qori Baasuuke ah. Dadka Qoryahaas leh waxaa ka mid ah;

1-    Muxumed Xirsi Cabdi Gaas iyo

2-    Xuseen Cumar Xujaale 

 
02/08/07 ciidammada gumaysigu waxay gubeen tuulada Kala-jeex, oo wax yar u jirta magaalada Dhoobawayn.
 
04/08/07 waxay ciidammada gumaysigu boobeen oo rarteen guud ahaanba wixii hanti ahaa ee shacabku lahaa ee tallay tuulada Yaxoob.
 
05/08/07 waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale bobeen oo rarteen wixii hanti ahaa ee taallay tuulada Haynsaraar, oo Fiiq ka tirsan. Hantidaasi waxay isugu jirtay badeecad iyo lacag caddaan ah. Waxayna halkaas ka afduubteen oo meel uu ku sugan yahay aan ilaa iyo hadda la garnaynin nin lagu magacaabo Bishaar Maxamed.
 
02/08/07 ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa Aqallo soomaali ku gubay deegaanka Qarsoodi. Tirada guud ee Aqallada la gubay ma hayno, laakiin waxaa ka mid ahaa dadka Aqallada laga gubay;

1-    Khaliif Qarwaashe, oo isaga iyo caruurtiisa laga gubay 4 Aqal

2-    Qabdiid Cilmo Qoorjeex oo 3 Aqal laga gubay

3-    C/llaahi Faarax Good oo isaga iyo carruurtiisa 4 Aqal laga gubay

4-    Faalug Xasan Muxumed oo isaga iyo carruurtiisa 5 Aqal laga gubay iyo

5-    Cali-Gurey Cabdi Jikre oo isagana 1 Aqal laga gubay. Aqalkan waxaa lagu gubay Maqal 12 ah.

 
JWXO oo qaraxyadii Jigjiga Itoobiya ku eedaysay.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa taliska dhiigya cabka ah ee Addis Ababa ku eedaysay inuu isagu ka denbeeyay qaraxyo axaddii lala beegsaday meelo kala duwan oo ka mid ah magaalada Jigjiga. JWXO ayaa bayaan ay isla axaddiiba soo saartay waxay ku sheegtay in qaraxyadii ala beegsaday Suuq iyo Kaniisad ku yaalla magaalada Jigjiga uu ka denbeeyay taliska Addis Ababa, taasoo ula jeeddada ka denbaysa ay tahay in lagu marin-habaabiyo halganka xaqa ah ee shacbiga Ogaadeenya. JWXO waxay sidoo kale taliska Addis Ababa ku eedaysay weerarkii uu toddobaadkii hore ku dilay madaxii iyo shaqaale ka tirsan ururka samafalka ah ee Ogaden Welfare and Development OWDA.
 
Qaraxyadan denbe ee Jigjiga ee taliska Addis Ababa fuliyay waxaa loola jeedaa oo kaliya in marmarsiinyo loogu raadiyo denbiyada dagaal ee taliska Addis Ababa ka galayo dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadenya.
 
JWXO waxay canbaaraysay qaraxyadan lala beegsaday goobaha rayadka ee bulshada Ogaadeenya, waxayna tilmaantay in tallaabadani ay caddayn u tahay in xukuumadda Itoobiya ay taageerayso fal kasta oo ay ku dabooli karayso hawlgalladeeda, si ay sii waddo denbiyada bani’aadamnimada ka baxsan ee ay ka gasanayso Ogaadeenya. JWXO waxay beesha caalamka mar ale ugu baaqday inay si toos ah u faragaliso arrimaha Ogaadeenya inta ayna xaaladu faraha ka bixin.
 
Axaddii ayay labadan qarax ka dhaceen magaalada Jigjiga, iyadoo qaraxyadan lala beegsaday suuq magaalada ku yaalla iyo Kaniisa, waxaana la sheegayaa inuu ku dhintay hal qof oo rayad ah, siddeed kalana ay ku dhaawacmeen. Ma aha markii ugu horraysay ee xukuumada Itoobiya ay magaalada Jigjiga ka fuliso qarax noocan ah oo lala beegsanayo goobaha rayadka, iyadoo ula jeeddada ka denbaysa ay tahay inay ku masabido CWXO. 

07 August 2007

Axmed Gaal-Eri

 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2007

camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD

Boorama - 104 arday ayaa... Akhri Aug 6

guuleedDareenka ay Dadweynuhu ka muujiyeen Dadkii ku dhintay ama lagu la'yahay Buundadii Duntay ee Minneapolis

Maxammed Guuleed oo ay qaraabo... Akhri Aug 6

xamarShirka Muqdisho oo looga dooday xagjir diimeed waxa ay tahay

balse aan looga doodin sidii la filayey arintuna waxey u ekeyd afwax cunay xishood... Akhri Aug 6

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com