SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Md. Mowliid Macaane Maxamed oo xilall mas'uuliyiin Isboorti ku magacaabay wareegto.

Waxaa qaybaha kala duwan ee Saxaafada ka hawlgasha Magaalada Baydhabo la soo gaarsiiyey wareegto uu ku sixiixan yahay Wasiirka Isboortiga iyo dhalintyarada Mudane Mowliid Macaane, wareegtadaan oo ahayd mid lagu magacaabayo xilalall Isboorti ayaa waxaa Dhamaan xubnaha GOS, xubnaha xiriirada Kubada Koleyga iyo dhamaan xiriirada kale ee isboortiga la faray inay si daacadnimo ula shaqeeyaan ku simaha Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada koleya iyo mas置uliyiinta sare ee la magacaabay" Wareegtadaan oo sumadeedu ahayd W Is/190/07 taariikhdeeduna tahay 4/8/2007 ayaa waxa ay u qorneyd sidan:

WAREEGTO WASIIRKA ISBORTIGA & DHALINAYARADA DFKMG.

macagacaabid xilall Isboorti

Wareegto uu ku saxiixan yahay Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Mowliid Macaane Max置ud uuna soo gaarsiiyay Saxaafada Sumadeedu tahay W Is/190/07 taariikhdeeduna tahay 4/8/2007 ayaa ku magacaabay mas置uliyiin Isboorti Qoraalkaas ayaa waxa uu u qornaa sida tan:-

"Mud. Ibraahim Xuseen Cali (Rombo)

Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyed ee Kubada Koleyga

Cc:Intarnational BasketBall Federation (translated copy)

Mud. Cali Xaaji Amiin (Xog-hayaha guud ee X.s kubada Koleyga)

Dhamaan Naadiga kubada koleyga

Dhamaan Xubnaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada koleyga

Og: Ra段su wasaaraha

Og:GOS

Og: Dhamaan Xiriirada kala duwan ee Isbortiga dalka

Og:Mud. Aadan Xaaji Yabarow (Wiish)

Og:Wasiir ku xigeenka wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada

Og; Agaasimaha guud

Ka dib markii la tix geliyay codsigii Md. Aadan Xaaji Yabarow (Wiish)

Gudoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada koleyga oo ka mid noqday shaqaalaha wasaarada Isboortiga & Dhalinyarada loona magacaabay Agaasimaha waaxda hormarinta Isboortiga Gobolada & Degmooyinka.

Ka dib markii mudnaan gaar ah la siiyay qorsho howleedka xukuumada Federalka KMG ee dardargelinta hormarinta Isboortiga dalka iyo dib u habeynta maamulka & maareynta Isboortiga oo mudo 16-sano ah habaac iyo jaha wareer ku jiray.

Laga bilaabo taariikhda wareegatadani sidato mudanayaasha magacyadooda hoos ku qoran waxaa loo kala magacaabay jagooyinka qof walba ku hor qoran:-

1-Mud: Ibraahim Xuseen Cali (Rombo) waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Koleyga

2- Mud: Qaasim Salaad Geele (Dhegnas) waxaa loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka kubada koleyga

3-Mud: Cali Xaaji Amiin waxaa loo magacaabay Xog-hayaha guud Xiriirka kubada koleyga.

4-Xubnahii hore ee xariirku waa sideedii hore inta laga sameeynayo dib u habeyn iyo doorashooyin xor ah.

Mud. Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) waxaa la farayaa inuu xilka si deg deg ah ugu wareejiyo Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Koleyga Mud: Ibraahim Xuseen Cali (Rombo)

Dhamaan xubnaha GOS, xubnaha xiriirada Kubada Koleyga iyo dhamaan xiriirada kale waxaa la farayaa inay si daacadnimo ula shaqeeyaan ku simaha Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada koleya iyo mas置uliyiinta sare ee la magacaabay"ayuu lagu yiri wareegatadan oo wasiirka soo gaarsiiyay Saxaafada fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo.

waa markii ugu horeysay oo uu magacaabo Wasiirka Isboortiga tan iyo markii loo magacaabey xilka, waxay ku soo beegantay xili dalka ay ka jiraan laba shir oo midba geestiisa hawl gaar ah u wata, islamarkaana laga cabsi qabo in mid kasta natiijada ka soo baxda ay isbedel weyn ku dhaliso dalka, inkastoo labada shirba aysan dadka wada amaanayn sida ay u socdaan, halka qaarkood labada shir ay si weyn uga dhursugayaan in waxa ka soo baxa ay noqon doonaan wax u cuntama dadka Soomaaliyeed, waxaase jira kuwa aanba ogeyn waxa dhacaya waxayna ku jiraan xaalado aan la qiyaasi karin.  

Maxamed Macallin Csimaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 6, 2007

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com