SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

04 August 2007.  

Dagaallo meelo kala duwan ka dhacay. 

Dadwayne uu gumaysigu ku dilay meelo kala duwan. 

Dadwayne meelo kala duwan lagu xidhxidhay. 

Deegaano ciidammada gumaysigu gubeen. 

Shirwaynihii jaaliyadaha Ogaadenya oo Finland ka furmay. 

Guddoomiyaha guddiga arimaha afrika u qaabilsan aqalka cad ee waddanka Maraykanka,  Senator Russ Feinold oo Condelize Rice ka codsaday inay faragaliso arimaha Ogadenya

======================        

Dagaallo meelo kala duwan ka dhacay. 

Wariyaha nooga soo warrama Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, iyadoo dagaalladaas si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatadan 

30/07/07 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Qudhacley, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.          

30/07/07 weerar mir ah oo CWXO ku qaadeen kuwa gumaysiga ee ku sugan degmada Xamaro, waxaa ciidammada gumaysiga loogu gaystay khasaare ba’an oo aan faahfaahintiisa l haynin. Ciidammada gumaysiga ayaa iyaguna sidii caadada u ahayd waxay ku gaydhadeen dadwaynihii rayadka ahaa ee magaalada ku dhaqnaa, iyagoo dhibaatooyin kala duwan dadwaynaha u gaystay. 

02/08/07 weerar mir ah oo CWXO ku qaadeen kuwa gumaysiga ee ku sugan degmada Gunagado waxay ugu gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin. 

02/08/07 waxaa Buundada Qabridaharre lagu weeraray labo baabuur oo Uuraal ah, kuwaasoo duullaan ku ahaa labo baabuur oo shacabku leeyahay oo siday badeecado kala duwan. Weerarkan waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay. Ciidammada gumaysiga ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah labadii baabuur ee shacabku lahaa, waxayna baabuurka dushiisa ku xaraasheen badeecadii uu waday.  

Dhinaca kale dadka ku dhaqan magaalada Qabridaharre ayaa lagu soo rogay lacag qasab ah oo loogu magac daray lacagta nabadgelyada. Ruux k asta oo magaalada ku dhaqan waxaa lagu xukumay inuu bil walba bixiyo 3 Bir, qoyskana waxaa lagu xukumaya 10 Bir. Qofkii ama qoyskii bixin waaya lacagtan qasabka ah waxaa loo taxaabayaa xabsiga. 

Dadwayne uu gumaysigu ku dilay meelo kala duwan. 

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin. 

30/07/07 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Qudhacley 3 qof oo rayad ah, waxayna kala yihiin;

1-    Deeq Maxamed Ilyaas

2-    Xikam Sh Maxamed iyo

3-    Nin kale oo magaciisa aanaan helin. 

30/07/07 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Xeel-xaar, oo Dhagaxbuur ka tirsan, nin lagu magacaabo Axmed Mukhtaar Mawliid. 

Isla 30/07/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dhagaxbuur ku dileen nin lagu naanayso Darararmle oo magaciisa saxda ah aanaan haynin. 

31/07/07 Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu magaalada Dhagaxbuur ku dileen Dayr Wacdi. 

Dadwayne meelo kala duwan lagu xidhxidhay. 

Ciidammada gumaysigu waxay meelo kala duwan ku xidhxidheen dad rayad ah, kuwaasoo qaarkood ay jidhdil aad u ba’an u gaysteen, isla markaana dhaawacyo xunxun ku yaalliin. 

25/07/07 waxaa magaalada Dhuxun lagu xidhxidhay dadka kala ah;

1-    Axmed Xarbi Cabdi iyo

2-    Axmed Jeelle Mursal

Waxaa isaguna isla magaalada Dhuxun ku xidhan laga soo billaabo 09/07/07 ninka lagu agacaabo Abshir Mahdi Cumar. 

20/07/07 wxay ciidammada gumaysigu magaalada Shilaabo ku xidhxidheen, oo waliba jidhdil aad u ba’an u gaysteen dadwayne aad u badan oo ay ku jiraan Ugaasyadii iyo Oday-dhaqameedyadii deeganka. Dadka dhaawacyada xunxun loo gaystay oo qaarkood ay meelo kala duwan ka jajabeen waxaa ka mid ah;

1-    Ugaas Colaad Ugaas C/llaahi Yaasiin

2-    Sh Xasan Ugaas Yaasiin

3-    Nabadoon Cali Saleebaan

4-    Sh Xasan Nadiif Ooge

5-    Maxamed Caydiid Isaaq

6-    Faarax Cumar Xaashi

7-    Cabaase Faarax Aw Dool.

Waxaa iyaguna dadkan la xidhxidhan;

8-    Cabdi-Gaas Cali Xaashi

9-    C/llaahi Sh C/raxmaan

10-  C/llaahi Cismaan Cali

11-C/llaahi Jaamaca Dhoorre

12-Asad Cabsiiye Cumar iyo

13- Fiixiya Cabdi Salal 

30/07/07 Ciidammada gumaysiga ayaa dad badan ka soo qaqabtay meesha lagu agacaabo Goomaar, waxayna ku xidhxidheen magaalada Shaygoosh. Dadkaasi waxay kala yihiin;

1-    Mukhtaar Yuusuf Jaacuun

2-    Khadar C/llaahi Dayib

3-    Sulub Cabdi Budul

4-    Mukhtaar Aw Axmed Gaab iyo

5-    Qorane Wali Kaariye 

22/07/07 Cawl-ku-dhal waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

1-    Xaaji Abshir Axmed

2-    Quraab Cali Daahir

3-    Axmed Shafeec iyo

4-    Sh Axmed Xasan 

30/07/07 waxay ciidammada gumaysigu Ceel-xaar, oo Dhagaxbuur ka tirsan ka soo xasuuqeen dad aad u badan, kuwaasoo lagu xidhxidhay magaalada Shaygoosh, waxayna kala yihiin;

1-    Asma Cali Gumud

2-    Ardo Axmed Muxumed

3-    C/raxmaan Cali Gumud

4-    Cabdi Khaliif Yuusuf

5-    C/llaahi Cali Ciijiye

6-    Xuseen Cabdi Geedi

7-    Siyaad Cali Khayr

8-    Qorane Macalin Shaafi

9-    Khaliif Xuseen Goodir

10-                  Xuseen Muxumed Shariif

11-                  Aaden Faarax

12-                  Bishaar Axmed Buug-site

13-                  Jamaal Baddal Raage

14-                  Shukri Cabdi Tagfi iyo

15-                  Xasan-Qable Maxamed Cali 

15/07/07 magaalada Dhanaan waxaa iyadana lagu xidhxidhay dadka kala ah;

1-    Maxamed Yare Qase

2-    Wali Macalin Khaliif

3-    Mahdi Aaden Jeelle Isaaq

4-    Maxamuud Maxamed Aaden

5-    Ardo Colaad

6-    Xaaji Cismaan Dhuux iyo

7-    Raage Xasan Aaden 

Deegaano ciidammada gumaysigu gubeen. 

29/07/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen meesha lagu magacaabo Dhadhiin, oo qiyaastii 20 km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Qabridaharre. Ciidammada gumaysigu waxay isla taariikhdaas ku qasheen deegaanka Dhadhiin 5 Neef oo Adhi ah oo ay lahaayeen Barkhadle Muuse Cagoole iyo nin kale oo magaciisa aanaan helin. 

13/07/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen deegaanada u dhexeeya Galadiid iyo Karin-blicille, iyagoo gabi ahaanba dab qabadsiiyay 64 Aqal oo dadwaynuhu lahaa. Dadka Aqalladooda deegaanadaas cadowgu ku gubay waxaan magacyadooda helnay;

1-    Muxumed Siraad Gurey

2-    Maxamed Siraad Gurey

3-    Xirsi Siraad Gurey

4-    Cabdi Siraad Gurey

5-    Nabadiid Barkhadle

6-    Muxumed Shafad oo 90 jir ah

7-    Sahra Macalin Axmed

8-    Luul Cumar Muxumed

9-    Carab Muxumed Nuur

10-                  Sariif Bashiir Shariif

11-                  Sh Xuseen Cabdi Xaashi

12-                  Xasan Khaliif

13-                  Maxamuud Cabdi Gaas

14-                  Axmed Nuur Dhicis Siyaad

15-                  Saxardiid Muxumed Faarax iyo

16-                  Maxamed Cabdi Jikre. 

Shirwaynihii jaaliyadaha Ogaadenya oo Finland ka furmay. 

Maalintii khamiista ahayd ee bisha Agoosto labada ahayd waxaa magaalada Helsink ee dalka Finland ka furmay shirwaynihii sannadlaha ahaa ee jaaliyadaha Ogaadeenya. Shirwaynahan, oo ah midkii 11aad, waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka socda jaaliyado kala duwan, aqoonyahano iyo qaar ka mid ah madaxda JWXO. 

Shirwaynahan ayaa lagaga hadlaa marba arrimaha ku cusub qadiyada Ogaadeenya iyo sidii loo harumarain lahaa halganka ay dadka Soomaalida Ogaadeenya ugu jiraan xornimadooda. Shirkani wuxuu soconayaa ilaa iyo shanta bisha Agoosto

Guddoomiyaha guddiga arimaha afrika u qaabilsan aqalka cad e waddankan maraykanka,  Senatorka lagu magacaabo Mudane Russ Feinold ayaa01-08-07 wuxuu warqad culus oo ay ku saxiixan yihiin Xubnaha guddiga arimaha afrika & waliba Senataro badan oo wada matalaya gobolada kala duwan ee dalak maraykanka u diray Xoghayaha guud ee A/dibada ee dalka maraykanka, marwada lagu magacaabo Marwo Dr Condolece Rice!

              Warqaddan oo ay ku wada saxiixan yihiin magacyada madaxda ay ka midka yihiin.:_

 Senator Russ Feingold oo laga soo doorto gobolka Wisconson

Senator Norm Coleman------ oo matalaya Gobolka Minesoto

Senator Susan Collins -----       Gobolka Michigan

Senator Patrick Leahy------- ----Gobolka Vermont

Senator Ben Cardin --    -------- Gobolka Maryland

Senator Barbara Boxer --  --     Gobolka Maryland

Senator Dick Durbin -----       -----Gobolka Illions

Senator Claire McCaskill-- --- Gobolka Misuuri
                                                   
                       ayaa waxay ugu baaqaysaa in Xoghayaha guud Dr Rice ay cadaadis xag siyaasadeed/dhaqaale/diplomaasiyadeed   ku saarto Ra'iisal wasaaraha Ethiopia, K/taliye Melez oo ku tumasho aan xad lahayn, xasuuq aan kala go' lahayn iyo gumaad ka dhan ah bini aadannimada kula kacay kuna haya shacabka waddanka Ogadenia,,waana sida ay mas'uuliintu u dhigeen baaqooda!
                       Nuqul warqaddaas ka mid ah oo loo gudbiyey  ku xigeenka Xoghayaha guud ee dalka maraykanka J - Frazier & Masuulka qaramada midoobay u qaabilsan arimaha afrika, Daniel Yamomoto ayaa waxay u qornayd sidatan:_
              Xoghaye, Waxaanan marna loo dulqaadan karin gumaadka guracan & bururinta bulsheed ee xoogagga milatariga Ethiopia ay ku haysaan  dadka rayidka ah ee ku dhaqan dhulka Ogaden, waa masuuliyad adag oo dhabarka u saaran dawlada maraykanka inay isla saacaddan hawlgaliso guddi baadhid isla markaana digniin culus oo wadata talaabo sharci ah u dirto Ra'iisal wasaare Melez!!
                     Xoghaye,   Waxaan la wada soconaa warbixintii ku soo baxday wargayska NEW YORK times, taariikhdu markay ahayd 17kii june ee sanadkan, ee sida cad u xusayay dilka waxshinnimada leh, faraxumaynta dumarka, boobidda hantida bulshada ee ay gaystaan xoogagga Milatarigu ee ku sugan Dhulka Ogaden, gubidda aqalada, jaridda iyo baabi'inta beeraha bulshada ee loo gaystay Bulshada rayidka ah ee ku dhaqan dhulka Ogaden,, inkasta oo ay dawladdu isku daydya inay beeniso falalkaa ( waa sida ay senataradu dacwaddodoa warqadda ugu xuseene) haddana waxaa noo xaqiijiyey wargaysyo madaxbanaan iyo waliba hay'aadkii samafal ee gobolka laga soo eryey ka dib kolkay dibadda soo dhigeen falalka guracan ee xoogagga milatariga.
                       Xoghaye, sida aad la socoto waxay 4tii July ee sanadkan hay'adda xuquuqda aadamuhu soo saartay warbixin dheer oo ay kaga waramaysay sida naxariis darrada ah ee ay xoogagga milatariga Ethiopia u wada gubeen aqaladii bulshadii rayadka ahayd ee ku dhaqnayd miyiga kuna qasabtay inay dhamaan ka wada guuraan tuulooyinka iyada oo marmarsiyo ka dhiganaysa waxaan la dagaalamaynaa xoogagga naga soo hor jeeda.  waxay sidoo kale xoogagga milatarigu xidheen oo ay is hor taageen baabuurtii bulshada rayidka u keeni jirtay raashinka, waxay wada qufuleen albaabadii ay noloshu uga iman jirtay caruurta & dumarka, waxay si aan gabasho lahayn u caydhiyeen hay'aadkii waxqabadka & samafalka Bulshadaa dulman, waxaa intaa dheer in  dhawaanla galayo xilli roobeedkii isla markaana cudurada faafa ay burburin karaan naflayda dad & xoolaba leh ee ku sugan dhulka Ogaden.
        Xoghaye, Waxaa sharaf dhac dhinac walba ah ku ah dalka dunida ugu ololeynta badan xagga bani'aadannimada (waa Dalka maraykanka e) inuu noqdo mid qorshaynaya inuu miisaaniyadda u labalaabo dawlad dadkeeda falalkan kula kacaysa!
       Xoghaye,  Waxaa hubanti ah in dalka Maraykanku uu xidhiidh  istaraatiijiyadeed la leeyahay dalka Ethiopia, haddana taasi ma noqon karta mid ka hor imanaysa mabaadii'ida  aasaasiga ah ee lagu dhisay dastuurka maraykanka ee ah tixgalinta aadamiga, is garabtaagga xoriyadda iyo ka hor tagga dulmiga!

       Xoghaye, waxaan aad ugu rajo waynahay inaad sida ugu dhakhsaha badan u oofin doonto dacwaddan ay soo gudbiyeen  aqlabiyadda madaxda arimaha afrika isla markaana aad dadajin doonto cadaadiskan lama-huraanka ah si loo tixgaliyo sharafta dastuurka waddanka aad matasho isla markaana aad nala wadaagi doonto  wixii waxqabad ah ee soo kordha. 

Dhinaca kale Haayada lagu magacaabo International Crisis Group   oo fadhigeedu yahay Magaalada Brussels ee wadabka Belgium oo ka warbixinaysay 6 meelood oo ay dhibaatoyinka ugu badani kajiraan caalamka ayaa waxay ku xuseen inay Ogadenya Kamid tahay 6 daa melood oo ay dhibaato biniiaadminimo kajiraan.

 

04 August 2007

Axmed Gaal-Eri

 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 5, 2007

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com