Barnaamijkii Radio
Xoriyo
17 April 2007.
Dagaallo kala duwan oo cadowga lagu jabiyay.
Dadwayne cadowgu xidhxidhay.
Qaybta Hanqadh ee ciidammada xoreynta oo shir
yeelatay.
Itoobiya oo markii ugu horraysay qiratay inay
hayso Bashiir Makhtal.
Banaanbax lagaga soo horjeedo Itoobiya oo ka
dhacay Washington DC.
Barnaamij ku saabsan afkaaraha dadweynaha eek u
aadan xaalada gunaysi ee Somaliya.
======================
Dagaallo kala duwan oo cadowga lagu jabiyay
Wariyaha nooga soo warrama gobollada dhexe ee
Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay
dagaallo dhawr ah oo dhex maray ciidammada
xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa saama
la-luudka
ah ee gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay
meelo kala duwan oo
Ogaadeenya ka mid ah, isla markaana si wayn
loogu naafeeyay cidammada
dac-darraysan ee gumasiga Itoobiya.
06/04/07 Dagaal ka dhacay Qayla-dhoorrey, oo ka
tirsan gobolka Shabeelle, waxaa
ciidammada cadowga lagaga dilay 3 askari, waxaa
sidoo kale lagaga dhaawacay 4
askari.
06/04/07 ciidammada sida gaarka ah u tababaran
ee xoreynta Ogaadeenya ayaa
hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Shilaabo
dhexdeeda waxay cadowga kaga dileen 7
askari, waxay sidoo kale kaga dhaawaceen 9
askari. Ciidammadan gumaysiga ayaa
magaalada dhexdeeda lagu helay iyagoo roondo
magaalada ku maraya, intii firxadka
ahaydna waxay carar ku galeen xerada ciidammada
cadowgu u leeyihiin magaalada
Shilaabo.
07/04/07 dagaal ka dhacay Far-Hareeri, oo ka
tirsan gobolka Doollo, waxaa
ciidammada gmaysiga lagaga dilay 7 askari, waxaa
sidoo kale lagaga dhaawacay 4
askari.
09/04/07 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa
weerar ku qaaday kolonyo ciidammada
gumaysiga ah oo marayay Higlaley, oo ka tirsan
degmada Dhagaxbuur, waxayna ka
dileen 17 askari, 13 kalana way ka dhaawaceen.
10/04/07 cutubyo ka tirsan ciidammada xoreynta
Ogaadeenya ayaa weerar mir ah ku
qaaday ciidammo cadowga ka tirsan oo fadhiyay
magaalada Haar-cad, waxayna
weerarkaas ugu gaysteen khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
11/04/07 dagaal sidoo kale ka dhacay Balliga
Marsin, waxaa cadowga lagaga dilay
4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
11/04/07 meel u
dhaw Nusdariiqa dagaal ka dhacay waxaa
ciidammada cadowga lagaga
dilay 6 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.
15/04/07 ciidammada sida gaarka ah u tababaran
ee xoreynta Ogaadeenya ayaa
weerar mir ah ku qaaday Xerada Dhuumoodka ee
magaalada
Qabridaharre, waxayna
ciidammada cadowga u gaysteen khasaare ba�an oon
faahfaahintiisa la haynin.
Waxaa sidoo kale weerarkaas lagu gubay bakhaarro
ay ku kaydsanayd saanad
millatari, kuwaasoo iyaga iyo wixii yaallayba ay
danbas noqdeen.
Dadwayne cadowgu xidhxidhay.
Markii ay taariikhdu ahayd 11/04/07 waxay
ciidamma cadowgu magaalada
Qabridaharre ku xidhxdheen dadwayne rayad ah oon
waxba galabsanin, kuwaasoo qof
kasta oo ka mid ah lagu xukumay 5000 oo Bir oo
Ganaax ah. Dadkan qaar ayaa
diiday inay Ganaaxaas bixiyaan, qaar kalana
markii ay u adkaysan waayeen
jidhdilkii iyo dhibaatadii lagu hayay ayay
bixiyeen lacagtaas sida sharci
darrada ah loogu ganaaxay. Dadka diiday inay
Ganaaxaas bixiyaan ee wali
xidhxidhan waxay kala yihiin;
1- Xasan Maxamuud Macalin
2- Daahir Sh Axmed-nuur
3- Fataax Xasan Maxamuud
4- Asad Xasan Biixi
5- C/llaahi Maxamed Aar
6- Agaasin Wacdi Shaqlane
7- Dibjir Wacdi Shaqlane
8- Wali Xasan Maxamed Saxane
9- Maxamud Sh C/llaahi
10- Abshir Dayib iyo
11- Haybe Kilaas Xuseen
Dadka lacagtaas Ganaaxa ah bixiyay ee la sii
daayayna waxay kala yihiin;
1- C/llaahi Maxamed
2- Cabdi-Madoobe Yuusuf Jihaad
3- C/llaahi Cabdi Jikre
4- Shan-fool, oo magaciisa buuxa aanaan haynin
5- Axmed-shuun Ibraahim
6- Maxamed Cabdi iyo
7- Cirro Maxamed Baddal
Markii ay taariikhdu ahayd 23/03/07 waxay
ciidammada gumaysigu degmada Dannood
ku xidhxidheen dadwayne rayad ah oo fara badan,
kuwaasoo magacyadooda aanaan
haynin.
14/04/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada
Sagag jidhdil xun ugu gaysteen
gabadh lagu magacaabo Faadumo Deeq, taasoo ay
dhibaatooyin waawayn gaadhsiiyeen.
Isla 14/04/07 waxay ciidammada gumaysigu
Karin-barkhadle, oo ka tirsan degmada
Sagag, ka afduuben labo nin oo iyagoo indhaha ka
duuban halkaas ay ka afduubeen,
ka dibna ay ula kaceen dhinaca Sagag. Labadan
nin waxaa lagu kala magacaabaa
Xuseen Maxamed Aaden iyo Yuusuf Sh Axmed
Good.
Magaalada Wardheer waxay sidoo kale ciidammada
gumaysigu toddobaadkan gudihiisa
ku xidhxidheen dadwayne rayad ah oo la sheegayo
in tiradoodu 100 gaadhayso.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu aad u
baadhayaan gaadiidka ka imanay
dhinaca Soomaaliya ee yimaada magaalada
Wardheer, waxayna gaadiidkaas ka
dajiyaan rarka saaran oo dhan, iyagoo u gaysto
xayiraado kala duwan.
Qaybta Hanqadh ee ciidammada xoreynta oo shir
yeelatay.
Taliska Qaybta Hanqadh ee
ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee ka hawlgasha
gobolka
Nogob ayaa kulan uu yeeshay intii u dhaxaysay
11�15/04/07, waxaa lagu falanqeeyay hawlgalladii
ay Qaybtu fulisay iyo kuwa
mustqabalka la doonayo inay fuliso.
Waxaa kulankaas lagu qiimeeyay waxqabadkii
Qaybta iyo sida ay u
gudatay
waajibkeedii ciidan ee kaga aaddanaa dagaalka
lagula jiro ciidammada gumaysiga
Itoobiya ee ka socda dalka Ogaadeenya.
Waxaa sidoo kale kulankaas lagaga hadlay arrimo
badan oo khuseeya gobolka iyo
dadwaynaha ku dhaqan, xidhiidhka u dhexeeya
ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo
dadwynaha iyo xidhiidhka u dhexeeya
dadwaynaha gobolka wada dega laftooda.
Go�aamadii kulankaas ka soo baxay waxaa ka mid
ahaa; In siday ahaayeen loo
fuliyo go�aamadii ka soo baxay Kalfadhigii ugu
denbeeyay ee Golaha Dhexe; In
laga shaqeeyo sidoo wax looga qaban lahaa
colaadaha u dhexeeya beelaha gobolka
wada dega; In laga hortego qorshaha gumaysiga ee
deegaamaynta loogu magic daray,
kaasoo uu gumaysigu u adeegsado iska horkeenida
dadwaynaha gobolka ku dhaqan;
Inaan la isticmaalin (la dagin) goobaha la isku
haysto inta ay Jabhaddu qorshe
cad uga dajinayso;In la joojiyo
dhul-daaqsimeedka la seeraynayo, kuwii hore ee
la seereeyayna la baabi�iyo iyo In Jabhadda iyo
shacbigu ay gacmaha
is-qabsadaan
oo iska kaashadaan danaha guud, isla markaana
tallaabo wadajir ah ka qaadaan
cidda ka soo horjeedsata danta guud ee isku
dayda inay u adeegto cadowga.
Itoobiya oo markii ugu horraysay qiratay inay
hayso Bashiir Makhtal.
Xukuumadda Itoobiya ayaa markii ugu horraysay
qiratay inay gacanta ku hayso
Bashiir Axmed Makhtal, oo afar bilood ka hor
laga soo afduubay magaalada Nairobi
ee dalka Kenya. Xukuumadda Itoobiya ayaa
ballanqaaday inay qunsulka Canada u
fasixi doonto inuu la kulmo Bashiir Amxed
Makhtal, marka ay dhammaato waxa ay
ugu yeedhay baadhis lagu hayo oo ku saabsan
xidhiidhka uu la
leeyahay Jabhadda
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
Sargaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibada ee
dalka Canada ayaa warkan soo
gaadhsiiyay qaraabada Bashiir Axmed Makhtal ee
ku sugan magaalada Ottowa.
Wasaarada arrimaha dibada ee Canada waxay
sheegtay in wasiirka arimaha dibada ee
xukuumadda Itoobiya uu qirtay in xukuumaddiisu
ay
hayso Bashiir Axmed Makhtal.
Xukuumadda gumaysatada Itoobiya ayaa sheegtay
inay baadhayso in Bashiir Axmed
Makhtal uu xidhiidh la leeyahay Jabhadda
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, ka dibna
ay safaarada Canada u oggolaan doonto inay soo
aragto.
Bashiir Axmed Makhtal, oo uu awow u yahay
halgmihii caanka ahaa Garaad Makhtal
Daahir, wuxuu ahaa ganacsade haysta dhalashada
Canada, oo bishii Disember eek al
hore laga qabtay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo
Kenya, ka dibna gacanta loo
galiyay ciidammada Itoobiya ee qabsaday dalka
Soomaaliya, kuwaasoo isla markiiba
u gudbiyay dhinaca xabsiyada tacaddiga ee
Itoobiya.
Bashiir wuxuu ka mid yahay 41 qof oo u kala
dhashay 17 waddan oo kala duwan,
kuwaasoo ay xukuumadda Itoobiya qiratay inay
xabsiyada dalkeeda ku haysay.
Radio Xoriyo
17 April 2007
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda
19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo
internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalinta
Talaadada ah 7:00PM � 8:00 waqtiga Afrikada Bari
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | April 18, 2007
|