SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Daabaco Boggan | Print
...

C/LAAHI YUUSUF AXMED, MADAXWEYNAHA KMG EE DAWLADA DHEXE EE JAMHUURIYADA SOOMAALIYA

C/Lahi Yuusuf Axmed oo 70 jir ah ayaa maanta oo Axad ah (October 10, 2004) loo doortay madaxweynaah DKMG ee Soomaaliya ee 5ta sano ee soo socota.

Xubnaha baarlamaanka KMG ah oo ka kooban 275 ayaa codkooda bixiyeye si ay u kala saaraan 28 musharax oo isu soo taagey jagada madaxweynaah. Bilowgii cod bixinta intii aan lagaarin codaynta ayaa waxaa musharaxnimadoodii ka tanaasuley labo musharax, sidaas ayaa waxaa isku soo haray 26 musharax.

Markii xildhabaanadu codkooda dhiibteen waxaa wareegii koowaad codadka ugu badan helay  C/Lahi Yusuf, waxana uu helay 80 cod, halka musharaxii ugu soo dhwaa uu helay 35 cod.

Wareegiii labaad waxaa usoo gudbey lix musharax, laakiin intii aan codka la bixin ayaa musharnimadii waxaa ka tanaasuley saddex musharax, sidaas oo ay isu soo hareen saddex musharax oo uu uu C/Laahi Yusuuf ka mid yahay, markii codka la dhiibteyna waxa uu marlabaad C/Laahi Yuusuf helay cododka ugu badan, kuwaas oo ahaa 147 cod, halka musharaxii ugu soo dhowaa uu helay  83 cod.

Wareegii saddexaad ayaa markaas la tartan siiyeyey labada musharax ee ugu codka badnaa oo ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed iyo C/llaahi Axmed Caddow, halkaas oo uu C/laahi Yusuuf mar saddexaad helay cododka ugu badan oo ahaa: 189 cod.

Sidaas ayuu maanta C/Laahi Yuusuf ku noqday madaxweynaha KMG ee Dawlada Dhexe ee Jamhuuriya Soomaaliya.

ISREEB-REEBKII DOORASHADA

TAARIIKH KOOBAN C/LAAHI YUUSUF AXMED

C/Lahi Yuusuf Axmed waxa uu u dhashay magaalada Gaalkacyo ku dhashay December sanadkii 1934.

Markii uu waxbarashadiisa dugsiga dhexe iyo sare ku dhamaystay soomaaliya,  wuxuuna galay kuliyada sharciga ciidamada, markaas kadib ayaa laba sano oo waxbarasho gaaban ah loogu diray talyaaniga sanadadii 1954-1956.

Sanadkii 1957 dii ayaa loomagacaabay ku xigeenka taliyaha booliiska ee gobolka Benaadir, isagoo jagadaas hayay mudo sanad ah. jagadiisii labaad waxaa 1958 kii uu noqday taliyaha qaybta booliiska ee gobolada Jubada sare iyo jubada hoose.

1960 bilawgiisii ayaa sanad waxbarasho militery ah loogu diray talyaaniga. Markii uu talyaaniga kasoo laabtay ayuu qabtay jagadii ugu horaysay ee militariga isagoo noqday taliyaha policemilitaryga ee qaybta 26 aad ee fadhigeedu ahaa gobolada Woqooyiga soomaaliya.

Sanadkii 1964tii ayaa loo Dalacsiiyay darajada Gaashaanle dhexe "Lieutenant Colonel" waxaa uuna isla markaasi u soo gudbay maamulka dhexe ee wasaarada gaashaandhiga soomaaliya.

Markale ayaa waxbarasho loogu diray dalka Ruushka (midawga soviet) isagoo galay kuliyadda dagaalka ee militariga (Military war college) sanadkii 1965-66.

Markii uu halkaas ka soo noqdayna waxaa laga dhigay taliyaha hogaanka tababarka ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed biishii may ee sanadkii 1968dii.

Markale ayaa lagu celiyay gobolada woqooyiga soomaaliya sanadkii 1969kii isagoo halkaas looga dhigay abbaanduulaha ciidankii looyaqaanay "ciiidanka koobaad" ee fadhigooda woqooyiga soomaaliya.

Waxaa maalmihii curashada kacaanka sanadkii 1969kii loo taxaabay xabsiga asagoo lagu eedeeyey in uu ka caga jiidayey kanaackii uu hogaaminayey Siyaad Barre. waxaana uu xidhnaa muddo lix-sano ah iyadoo la soo daayay sanadkii 1975tii. Maxamed siyaad barre oo madaxa u salaaxaaya ayaa waxaa uu ka dhigay taliyaha hogaanka gaadiidka iyo dayactirka ee xoogga dalka sanadadii 1975-1977dii.

Dagaalkii xoraynta ee soomaalida Galbeed ayaa waxaa loo magacaabay in uu hogaamiyo ciidamada Dagaalka, wuxuuna noqday taliyaha qaybtii kadagaalamaysay koonfur Galbeed soomaaliya, wuxuuna ciidamadii itoobiyaanka cabdulaahi kaga adkaaday dhankaas isagoo ka qabtay dhamaan aaggii isaga ku aadanaa,illaa uu gaadhay magaala madaxda gobolka Nagaylle1978dii.

Sannadkii 1978 waxaa dhacay inqilaabka loo yaqaan 'Inqilaabkii dhicisoobey', Waxa uu u galay dalka Itoobiya.

Bishii September 1978dii ayuu asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya (SSF).

Sannadkii 1985 ayuu Mingiste Xayle maryama xabsi ay leeyihiin ciidamadu oo kuyaal Itoobiya u taxaabay C/llaahi Yusuf. Lix-sano oo kale ayuu xirnaa, wuxuuna xabsigii Itoobiya ka soo baxay 1991 kadib markii uu dhacay maamulkii Mengistu, xilligaas oo dawladii Soomaaliyana ay dhacday.

Cabdulaahi Yuusuf Axmad waxaa uu leeyahay afar caruur ah, waxayna ku noolyihiin dalka Kanada, waana Laba wiil iyo Laba Gabdhood.

Maanta oo taariikhdu tahay October 10, 2004 ayuu C/Laahi Yuusuf noqday madaxweynaha KMG ee Dawlada Dhexe ee Soomaaliya. Jagaas oo uu muddo ku taamayey in uu gaaro. Waxan auu dhawr jeer intii uu shrka Keny asocdey ku celceliyeye in uu asagu bilaabay dhibka Soomaaliya uuna asagu dhamayn karo.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2004


C/LAHI YUSUFOO KU GUULAYSTEY WAREEGII 3aad
Sidaa ayuu C/Laahi Yuusuf ku noqday madaxweynaah KMG ee Soomaaliya...
Guji...

C/LAHI YUSUF IYO C/LAHI CADDOW OO ISUGU SOO HARAY WAREEGA 3aad
Wareegii 2aad C/llaahi Yuusuf Axmed waxa uu helay 147 cod, halka C/llaahi Axmed Caddow uu ka helay 83 cod, sidaas darteed labadaas musharax ayaa u gudbey wareega 3aad Guji

Waxaa isugu soo Haray 3 Musharax
Kaddib markii ay saddex musharax tanaasuleen...
Guji...

Lix Musharax ayaa isugu Soo haray Wareega 2aad
Nairobi:: Waxaa dib la isigu soo laabtay wareegii labaad ee doorshada... kala soco halkan.... Guji.... Oct 10

C/Laahi Yuusuf Axmed oo Helay 80 Cod Wareegii 1aad
Nairobi:: Lix musharax ayaa u soo gudbey wareega labaad ee doorshada, kuwaas oo kala ah. Guji.. Oct 10

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

kaah



HTML CD